DHEGAYSO: Idaacadda VOA oo Warbixin Xasasi ah ku shaacisay Qaabka Alshabaab u dhex gasho DF-Somalia

Muqdisho ( Kalshaale ) Barnaamijka Galka Baadhista ee idaacadda VOA ayaa toddobaadkan lagu soo qaatay inta ay la egtahay Xubnaha Gacan saarka la leh Kooxda Alshabaab ee ku dhex jira Dawladda Soomaaliya.

Arintan ayaa soo shaac baxday  kadib markii gabdho la shaqeeya kooxdan ay fuliyeen qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019 Taasi oo lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir.

Waxyaabaha yaabka leh ee Barnaamijka uu shaaca ka qaaday ayaa ah in Alshabaab ay inta badan ku guul-darreysato inay xubno ay soo dirto ay soo dhex-geliso dowladda, balse dadka la shaqeeya ay yihiin kuwa dowladda horey ugu jiray.

Habka ugu fudud ee Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilcan yahay, sida in loo hanjabo caruurtiisa ama qof uu jecel yahay.

Waxyaabaha kale ee fashilka ku ah dowladda, islamarkaana sahla in Alshabaab ay ka dhex-shaqeysato, ayaa lagu sheegay inay tahay isbeddelka tirada badan ee lagu sameeyo saraakiisha Amniga dowladda.

Xubin horey uga tirsanaa Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday saddex hab oo Alshabaab ay adeegsato oo ay ku dhex-gasho dowladda Soomaaliya.

HALKANKA DHEGAYSO WARBIXINTA IYO ARIMO XASASI AH

Barnaamijka Galka Baadhista oo Xiiso badan waxaa soo jeedinaya Wariye Haaruun Macruuf.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Laalays says:

    Warbixinta dhamaan waa dhegaystay. Dawlada Soomaaliya iyo maamulka Banaadir labaduba way diideen in qaadaha barnaamijka/weriyaha u ogolaadaan inuu su, aalo weydiiyo! Waxay tusaale ahaan diideen in ay su, aal ah; Yaa ka shaqaysiiyay gabadha ka jawaabaan!!!

    Villa wardhiiglay kuwa gudaheeda lagu ilaaliyo kuma haboona in dawlad lagu sheego, waa MAAFIYA!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. Cadaado says:

    Hadeer uunbeey Somalida caqliga xun soo fahmeeysaa in isbadbadalka badan ee xukuumad kasta 4 sanno lagu baddalo, eey keeneeyso in eey sii tayo xumaadaan, dad markii horeba aanan tayo badan laheeyn.

    Ciyaal xun xun oo consultants, isku sheega, iyo carab xun ayaa dhagaha uGu sheegay Somalida caqliga xun, “isbadal doon” maba fahamsana, in is badalka uu u darran yahay dad caqli daanyeero leh, oo eey uga fiicantahay joogteeynta nidaamkii markii horeba jilicsanaa, iyo qashinkaan tuugta wada ah, ee magac dowlad rabba in eey ilmaha ku korsadaan. Ma shaqeeystayaal, iyo loser ka aduunka oo dhan ayaa raba in eey kamid noqdaan dowladda dhexe ee Somaliya ee 10 ka kun oo qof ka shaqeeystaan. Markii eey taas ku filnaan weeysay ma shaqeeystayaasha ragga Somaliyeed, ayeey waxeey keeneen in eey hadanna sameeystaan xildhibaano iyo wasiiro iyo madaxweeynayaal maamulo qabiilo oo ciidaas kabadan.

    Dabcan tayo xumadaas dad leh, iska dhicin karraan argagixisda alshbaab oo ah mafia abaabulan, oo handada shacabkaan caqliga xun ee Somaliyeed.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  3. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Cadaado adeer, waxaa jirtay WAA aan qoraallo badan ka body jiray oon kuwaaga akhrijiray XITAA waxaan kaa yeelay inaanan dhanka Jubbada Hoose Kismaayo, Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh Waxba ka sheegin. Waxaan is lahaa WAA nin dhalliyaraa oo soo koraaye Halla cilaakhtamin LAAKIIN waan ka shallaayay oo waxaa ii caddaatay inaad tahay NIN dhallinyara oo ismahadiyay oo garaadkiisu-na siiyay inuu la caytamo Barawaani Luuqadiisuna (cadaado) noqotay CAY IYO INUU cawro iyo wax lagu yaqsado ka sheekeeyo. War hooy caga dhigo oo isku noqo AMA sida Barawaani maryaha tuur. WBT




Taliska Booliska oo ka hadlay Weerarkii SYL Iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarka caawa lagu ...
DEG DEG : Wararkii ugu Dambeeyay Hotel SYL ee Muqdisho, oo Weerar Noociisu Cusub yahay Caawa lagu qaaday
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Qorshaysan oo Caawa Fiidkii ...
MUUQAAL: DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ku jirto oo ay uga Horayso
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ...
R/wasaaraha Itoobiya oo Gudoomay Abaalmarinta Nabadda iyo Arin Xasasi ah oo Khudbadiisa uu kaga hadlay
- Dec 10, 2019
Oslo ( Kashaale ) Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayey munaasabadda ...
Muuqaal: Ucid iyo Wadani “Muuse Biixi Madaxwayne Nooma Noqon doono” iyo Faysal Waraabe oo u hadlay
- Dec 10, 2019
Hargeisa   ( Kalshaale ) Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland  ee Wadani iyo UCID oo maanta shir ku wada ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!