Wararkii ugu dambeeyay iyo Qarax Xoogan oo ka dhacay Boosaaso

Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo barqanimadii  maanta ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa labo askari oo ka tirsan ciidanka Badda ee maamulkaasi.

Saraakiil  ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Afartii bishan ayey aheyd markii bartamaha Boosaaso uu ka dhacay qarax noocaan oo kale ah, kaas oo lala eegtay wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Puntland Shire Xaaji Faarax, kaas oo ka badbaaday miino lala eegtay gaarigiisa.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




DAAWO: Cawaale aadan oo Bandhig Cajiib ah ku Qabtay Boorame (Video)
- Aug 24, 2019
Boorame [ Kalshaale ] Fannaanka Cawaale aadan oo Bandhig Cajiib ah ku Qabtay ...
DF Soomaaliya oo Midowga Afrika ka diiday Inay kala hadlaan Kiiska Badda
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney ka diiday guddiga midowga ...
Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!