Tartanka loogu Jiro Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho ( Kalshaale ) Tartan xoog leh ayaa loogu jiraa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ah hal kursi oo bannaan, kaddib geeridii Allaha u naxariistee C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo horaantii bishan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo xafiiskiisa lagula eegtay.

Hadal heyn badan ayaa suuqa ku jirta oo ku saabsan suura galnimada in xilkan bannaan in si degdeg loo magacaabo, marka loo eego xaalado ka jira Gobolka Banaadir iyo dhaq dhaqaaqyo ay wadaan rag siyaasiyiin ah oo ku aadan arrinta maqaamka Caasimadda.

Durba waxaa suuqa soo galay shaqsiyaad dhowr ah oo tartan ugu jira xilkan, waxaana shaqsiyaadka isugu jiraa kuwo ku dhow Xafiisyada ugu sareysa dalka iyo kuwa ay taageerayaan dhaqanka Beesha Muddullood.

Waxaa dhici karta in todobaadkan ama horaanta todobaadka soo socda ugu dambeyn la magacaabo xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada.

Illaa saddex koox ayay isugu jiraan shaqsiyaadka raadinaya, kuwaasoo koox walba taageero kala duwan ka heleyso, haddii ay tahay siyaasiyiin, dhaqan iyo Madaxda sareba.

Ragga ugu cad cad ee la hadal haayo inay xusul duub ugu jiraan xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Avv. Cumar Dhageey oo xilligan ah La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha, Cumar Qaanso oo horay u soo noqday Guddoomiye degmo, Agaasime Cali Gacal oo la rumeysan yahay inuu taageero ka helayo Duubabka dhaqanka iyo siyaasiyiin Beesha ah, Axmed Washington oo ah Maareeyaha Dekeda Muqdisho oo isna taageero ka helaya shaqsiyaad ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo horay dadaal ugu jiray in xilkaan loo magacaabo sanad ka hor, balse ku guuldareystay.

Sidoo kale waxaa la hadal hayaa Yuusuf Jaalle oo ka mid ah saaxibada Madaxweyne Farmaajo, horayna u ahaa Maareeyihii Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, Wasiirka Ganacsiga C/llaahi Cali Xasan.

Inkastoo dhammaan shaqsiyaadkan ay ka soo jeedaan Beesha Muddullood, hadana waxaa xusid mudan inay sugayaan saxiixa kaliya ee Madaxweynaha oo magacaabi doono ninka noqon doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya inay ku xidhan tahay shaqsiga loo xusho awood ahaan taageerada uu beesha ku dhex leeyahay iyo sida Madaxweynaha ugu kalsoonaan karo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 16)

  1. Dabshid says:

    AK Cumar Dhagey waa u qalmaa inow mayaayadda shido Sanad, laakiin maahan nin qaadan Amar Little Dictator Kheyre.

    * Anigoo Hogaan Hiraab ah, Heridiid hakaa horeeyo waa Hertaan haleysku Hoogo.

  2. Dabshid says:

    Tan ayaa ka kow ah in Banaadir u baahantahey MAQAAM u gooniya oo shacabku doortaan ninkay kula xisaabtamilahaayeen Amnigooda iyo Canshuurtooda iyo Caafimaadkooda.

    Farmaajo hadduu yahey Leader hatago Kismaayo halkaas ayaa shaqo looga baahanyahee, haddii kale sidaas ha u saaro – SUULKA Waraaqaha AMARKA LITTLE DICTATOR KHEYRE.

    Nin Xilkiisii loo doortey laga jeebsiibey miyuu u daaha Axmed Cadde Garmadoobe oo ilaa saaxiibkiis Ceydiid Jabhad la ahaa.

    * Inaan layaal iga dheh,

  3. Kalsame says:

    Dabshid

    Waxaa la yiri nin dhibki waa ninka kale baraarihi. Hadda adigu ma waxaad ku hodmaysaa dagaalka A. Madoobe iyo Farmaajo. Halkaa fursadda kaaga muuqata anigu garan mayo, lkn aad baad arrinkaa u jeclaan lahayd.

    Meeshan Jubbaland haddaad u malayso inay kaliya reero isku haystaan waad ka dhacsantahay, meesha Kenya iyo Soomaali baa isku haysta, haddaad Soomaali tahayna intaad gidhiishta iyo Ree hebelta iska daysid, safka Soomaalida gal oo Kenya sidii dhulkaa looga saari lahaa tabliiqi.

  4. Dabshid says:

    Kalsame

    Waligaa ma fahmikartid u jeedada hadalkeyga, taas ayaa keentay inaad dhahdo ma waxaad fursad ka raadin dagaal Daarood dhexmaro.

    Haddaa Ma waxaan u dooraney inuu nala maamulo Minishiibiyo Xamar,

    (Ama da’adaa kugu yar ama Siyaasadda ayaad Baadow ka tagey) aniga ayaa kaaga roon Farmaajo oo rabo inuu maamulo dhamaan Koofur Soomaaliya kadibna Teendhada Soogeliyo Somaliland, adigaa DNA aabahaa ku hoogey ayaad wali dacalka heysaa.

    Oo muxuu hadda u taraa tolkiis oon aheyn eed iyo hafaryo.

    – Nina Qaran ayaa u muuqdo Nina Guno ayaa u muuqato

  5. Mr BaHaL says:

    Khilaaf soo kordhay,iyo kala duwanaasho la baadhbaadhayo.

    Maqaamka Muqdisho haduuna ahayn mid ay dawladu u xilsaaran tahay,oo iyadu ka shaqaynayso,dhibkiisa ayuu yeelandoonaa.Kooxo dano gaara le ayaa soo bixidoona.

    Magaalada Adis waxaa u badan Amxaaro.Waa dhaway ayay isku dayeen inay u sameeyaan maaul gaara oo ka kooban Amxaarada.Kooxdii kadambaysay in magaaladu yeelato maaul Amxaaraysan ayay dawladu xabsiyada ku gurtay.

    Haatan,Kooxdan hor boodaysa arimaha Maqaamka Muqdisho maaha Koox u hadlaysa qaab dawladnimo iyo qaranimo ah.Waa Koox Hawiyaysan oo shacab ah.Waa Koox u badan Mucaarid,laakiin shaadh qabiil xidhan.

    Malaha waa Alshabaab,malaha waa qarandiid qarsoon,malaha waa ganacsato lacag raadis.

    Dalmida

  6. Kalsame says:

    Dabshid

    Labadeenna adigaan fahamsanayn siyaasadda meesha taal. Farmaajo waan ogahay inaanu waxba aniga iigu toornayn gooniya, kamana sugayo, muhiimaddu waa sida aad tiri oo ah inuu dalka mideeyo oo qaran taabba galay ka tago markuu xilkiisu dhammaado si halkaa looga sii amba qaado. Haddaba inuu taa kari la`yahay eeddeeda ayaynaan isku raacsanayn inuu leeyahay iyo in kale.

    Tusaalaha kuugu dhow waa caasumadda oo aanu taageero ka helin siduu gobol u tegi karaa, soo ninku inuu horta Villada soo dhaafo ma ahayn, Villadii ma ree qurac buu ka soo dhaafi la`yahay mise ree qansax, haddaan adiga taada kuu raaco, mise karti xumo shaqsiyeed?.

    Waxaan kaloo ku dari lahaa oon hubaa inuuna ninkani qabyaalad iyo eex u tegi la`ayn maammullada ree qurac, ee uu xeeris iyo dhib ha abuurin ay ka tahay, anigu kuma taageersani nabad doonnimada qaarkeed oo maanta waa nin dumaal ka xoshooday wiilal kama dhalo, miyirse waa loo baahanyahay iyo miisaan si intii laga maadan karo gacan ka hadal looga maato.

    Waar horta ninka u oggoloow inuu Villada soo dhaafo adaa doortaye. kkk

  7. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Muqdisho ma dad kale ayay yeelan doonaa?

    Hadiiba Maqaamka Muqdisho la sameyyo,sow dadka maanta degani noqonmaayaan kuwa maamulka iyo masuul degaanka noqondoonaa,mise dad kale oo aduun kale ka ymid ayaa la wareegidoon?

    Haa, waa sax.Hadii uu dad kale imanayo magaalada,waa wax fiican oo wixii hore ayaa meesha ka baxaya,laakiin dadka maanta joogaa haday shaati kale soo xidhnayaan maxaa la faaiidayaa?

    Ma shaatiga la soo badashay ayaa faaiido noqndoona?

    Sida sida shaadh Diimeedka ama shaadh xibiyeedka loo soo xidho.

    Dadku waa dadkii 3okii sano ee u dambeeyay ku noolaa Muqdisho.Dadku waa dadkaasi Villa Somaliya ka baxa lagu kariwaayay.Dadku waa dadkaasi masgax ka jira ee Somaliyeed.

    Muxuu soo kordhinayaa Maqaamka Muqdisho?

    Dalmida

  8. Garqaad says:

    Anu waxaan isleeyahay. Sababta dowlad walbo u dhaafi la.dahay villa somaliya. Waa cadaalad darada lagu haayo shacabka Muqdisho. ee bixiyo xaquuqda muwaadin ee lagu leeyahay.

    Wexey bixiyaan canshuurta. Wax xuquuq ah malahan. Wexey ku hoos noolyihiin dowladdi dhameed ee dalka loo doortay. Ma haystaan wado ay umaraan.
    Iskuulka. Isbetaalka shaqadooda.

    Sow doqonimo maaha in aad ku doodo halla sheqeyaan dowladda halkii aad ku doodi laheyd dadka guto waajibka dowladda halla siiyo xuquuqdooda.

    Nimankaan daa.uud ee isku haysto kursi farmaajo geyn doono waa doqono.

    Nimanku miyeysan ogeyn in ay ceeb ku tahay in xoolohoodii nin kale kasooro.

    Waa marka lagu leeyahay muduloodku waa gobta somalida. Ileen waa tanoo kale. Kaalay wexeyga iga soor.

  9. Mr BaHaL says:

    garqaad

    cashurta meelba waa laga qaadaa.Bosaso cashuur ayay bixisaa,laakiin waxaa lagu maamulaa degaankaasi.Berbera cashuur ayay bixisaa,laakiin waxaa lagu maamulaa degaankaasi,Kismaayo waa sidaa oo kale.

    Waxaa maqan midaynta cashuuraha,taasina waxay ku xidhantahay sida ay dawladu u fidiso maamulkeeda – ileen wadanku ma lahay dawlad e.

    Dhaqaalaha uu Turkigu galiya Muqdisho ee aadka u badan,muu ahayn mid uu magac beeleed ku bixiyay.Wuxuu ahaa mid caasimadii Somaliyeed lagu dhisayo oo ku yimid magac Somaliyeed.Somalida ayaa rabta in caasimadooda dib loo soo nooleeyo si ay aduunka ugu soon noqdaan.

    Marka dhagax lagu kordhibaya,hadaad taidhaa anigaa le,dee waa qalad oo wiixii dadka Somaliyeed loo qabtay,ayaad doonaysaa inaad na duudsiiso.

    Waa in la xidhxidhaa Koxda horboodaysa Maqaamka Muqdisho ee shacabka ah.

    Dalmida

  10. Dusha says:

    War annagaa taageersan maqaamka Muqdisho…

    Waa in la fuliyaa sida ay Muqdisho ka rabto beesha Hawiye….

    Waa maxay dadkan uruuriskaa ee tafta ku dheggan beesha, kuna haysta deegaankeeda….

    Waar soo deegaano ma lihidin yaa idin ku haysta meeqaamka tuulooyinkiina ama magaalooyinkiina….

    Waar horta yaan la isu gabbane yaa ku haysta, Hawiye Xamar…ma Soomaali oo dhan, ma beelo magaalada la leh, ma beelo aan weli Xamar ka qixin. Kkkkk…war annagaa yaabnay….war Xamar waxaan ogayn iyadoo goraygu ka haddaafaye maxaa keenay in hadda farqaha la isku haysto…

    Beesha Hawiye Xamar siday u xukumayaan iyo maqaamka Xamar siduu noqonoyo haddii loo madaxbanneeyo waa la saadaalin karaa…waa siduu ahaa intii aan diwladda federaalka la samayn ee aanay Xamar imaan…waa uun isbaaradii, goobaysigii xaafadaha, khadkkii cagaaraa, qabqablanimadii, urur diimeedyadii, maxkamadihii iwm. ..meeqaam kale oo aan filayo inay keenayaan ma jiro….ee dee hadday koodaas jeclaadeen magaaladana majority ka yihiin dee halloo daayo…

    Doodda Soomaali u furan waa saas caasimad qaran ma kuu ahaanaysaa waa dood furan….waa arrin talo u baahan….

  11. Dusha says:

    Waar la yaab…waar Xamar Majeerteen iyo Isaaq oo ugu guryo iyo dhismayaal badnaa iyana ka hayaame….kana tashade, uma malaynayo inay wax dana ka leeyihiin sidii Hawiye rabo inuu Xamar u maamusho….dee marka yaa ku haysta….hadday rabaan isbaaradoodii, khadkii bulluugga ahaa, warlordskii, goobaysigii xaafadaha, deegaan maxkameedyadii kkkkkk..dee waa dookhooda maamul ee halloo daayo….waa haddii Soomaali u qirsantahay in Hawiye Xamar majority ka yahay….haddii arrinku yahay Hawiye Xamar majority kama aha dee markaas waa dood kale bedka halla soo dhigo….haddii kale arrinku waa in loo daayo siday rabaan inay magaalada u maamulaan…waxaa Somaali u furan inay ka tashadaan hadday Xamar sidaas caasimad ugu ahaanayso iyo haddii kale….war xaalku waa kaas…

  12. Garqaad says:

    Mr bahal.

    Doodaadu wexey mecno yeelan doontaa markaad ku doodo dadka somaliyeed in la simo.

    Turkiga ayaa dhaqaalo ku bixiyay Muqdisho talyaani ayaa ku bixiyay. Qadar ayaa ku bixiyay. Waxaan u arkaa weli in aan ku xisaabtameyno xoolo aanan laheyn.

    Kismaayo bosaaso hargeysa jowhar baydhabo. Intaba waa lagu cunaa xoolo aduunka laga keenay. Dee kuwaasba waxaa lagu soo qaaday magaca somaliyeed. Muqdisho. Kuwa la keeno howgu badnadaan laakiin waxaa maamulo somalida oo dhan. Maaha wax ay qabsadaan reer Muqdisho. Marka maba kaala hadlaayo wax aduunka laga soo tuugsaday.

    Anigu waxaan ahay muwaadin. Adiguna waxaad tahay muwaadin.

    Anigu waxaan bixiyaa wax ay aheyd in aan Wada bixino. Adigoon waxba bixin waxaad dowladda ku leedahay metelaad. Degma ahaantaada. Anigoo bixiyo xaquuqda muwaadin. Ma helin wax metelaad ah. Sidaas oo ay tahay hadaan dhoho metelaad maqaam ayaan xaq u leeyahay. Waxaan kaala kulmaa aflagaado. Sida. Alshabaabaad tahay tuugbaad tahay. Qaran dumis ayaad tahay.

    War anigii gudanaayay waajibka ayaad igu sheegeysaa xumaan. Adigoon waxba kusoo kordhin maxaad isku qiimeysay?

    Mr bahaloow.
    In afka laga sheegto midnimo ama qaran doon aan wax la jirin waxba soo kordhin mayaan.

    Qofka rabo in uu ka hadlo dowlad somaliyeed waa in uu noqdaa qof wax kusoo kordhiyo. Sidoo kale qof rabo in uu wax mucaarado waa in uu noqdaa qof wax kusoo kordhiyo Waxa uu mucaaradka ku yahay.

    Hadaadse adigoon waxba kusoo kordhin mucaarad ama muxaafad noqotid. Dee yaaba ku og.

  13. Dusha says:

    Reply »

    Dusha says:

    August 12, 2019 at 7:27 pm

    Waar la yaab…waar Xamar Majeerteen iyo Isaaq oo ugu guryo iyo dhismayaal badnaa iyana ka hayaame….kana tashade, uma malaynayo inay wax dana ka leeyihiin sidii Hawiye rabo inuu Xamar u maamusho….dee marka yaa ku haysta….hadday rabaan isbaaradoodii, khadkii bulluugga ahaa, warlordskii, goobaysigii xaafadaha, deegaan maxkameedyadii kkkkkk..dee waa dookhooda maamul ee halloo daayo….waa haddii Soomaali u qirsantahay in Hawiye Xamar majority ka yahay….haddii arrinku yahay Hawiye Xamar majority kama aha dee markaas waa dood kale bedka halla soo dhigo….haddii kale arrinku waa in loo daayo siday rabaan inay magaalada u maamulaan…waxaa Somaali u furan inay ka tashadaan hadday Xamar sidaas caasimad ugu ahaanayso iyo haddii kale….war xaalku waa kaas…

  14. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Maxaad ku soo kordhisaa dawlada?

    Wax aad ku soo kordhisaa ma jirto.Xataa Villa Somalo ayaa xoog lagaag saaray lol

    Raqda dawlada ayaad rabtaa inaad wax ku hesho,iyo inaad dawlada ka dhigato mid wax lagu helo,oo marka ay abaari dhacdoba caawinada la keeno lacag u badaltid.

    Maqaamki Somaliyeed adoo hasyta,maxaa ku wareershay?

    Dalmida

  15. Garqaad says:

    Mr bahal.

    Sxb aniga garqaad ah dowladda canshuur ayaan siyaa. Waxaan alaab kala degaa dekadda Muqdisho waxaan ku baxaa boono uu ii jaro Dr beyle. Waxaan Muqdisho ka dhistay 2 guri waxaan ogolaansho ka qaatay Dr beyle.

    Adigu waxaad ogolaanshaha ka qaadataa. muuse biixi markaad rabto In aad guri ka dhisato borame. Waxaad ku tahay mucaarad xitaa waxaad ugu yeertaa fackinstreet. Dhexdiina magalo saa Idinkaa wax idin dhexeyaan. Anu weligeey dowladda banaadir state. Uguma yeerin fackinstreet kaliya waxaan dhahaa ii ogolaada xuquuqda aan leeyahay. Marka sow qalad kuguma ahan in aad lakala safatid shacabka iyo madaxdooda xisaabtamaayo.

    Dheexdahaan war wareegsaday. Weysa huri weyday.

  16. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Mr BaHaL jaalloow, Haddaad adigu kortay ood Somalinimo gaadhay NOO TARTIIBI aniga, Dabshid iyo Garqaad WAAN soo korayna oo weligeen joogimayno REER hebel baa reer hebel ka fiicane. WBT




Taliska Booliska oo ka hadlay Weerarkii SYL Iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarka caawa lagu ...
DEG DEG : Wararkii ugu Dambeeyay Hotel SYL ee Muqdisho, oo Weerar Noociisu Cusub yahay Caawa lagu qaaday
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Qorshaysan oo Caawa Fiidkii ...
MUUQAAL: DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ku jirto oo ay uga Horayso
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ...
R/wasaaraha Itoobiya oo Gudoomay Abaalmarinta Nabadda iyo Arin Xasasi ah oo Khudbadiisa uu kaga hadlay
- Dec 10, 2019
Oslo ( Kashaale ) Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayey munaasabadda ...
Muuqaal: Ucid iyo Wadani “Muuse Biixi Madaxwayne Nooma Noqon doono” iyo Faysal Waraabe oo u hadlay
- Dec 10, 2019
Hargeisa   ( Kalshaale ) Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland  ee Wadani iyo UCID oo maanta shir ku wada ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!