Sucuudiga oo ka Muquurtay Waxa ka dhacay Yemen iyo Ciidankii Imaaraadku Tababara ee Qabsaday Cadan

Laascaanod ( Kalshaale ) Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Caalamku aqoonsan yahay ee Yemen Axmed Al-Mayssar ayaa ku eedeeyay boqortooyada Sucuudiga iyo madaxweynaha Yemen C/rabi Mansuur Haadi, inay ka aamuseen dagaaladii ka socday Magaaladda Cadan 4tii Maalmood ee la soo dhaafay.

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu ugu hambalyeeyay Imaraadka Carabta guusha ay ka gaareen magaaladda Cadan oo gacanta u gashay Maleeshiyaadka Gooni goosadka koonfurta Yemen oo la wareegay dhammaan Hay’adihii dowladda iyo Dekeda weyn ee Cadan.

Wuxuu sheegay in 400 baabuur oo kuwa gaashaaman oo Imaraadku lahaa lagu soo weeraray ciidamada daacada u ahaa dowladda Yemen.

Dhinaca kale, Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa magaalada Riyaad kula kulmay madaxweyne Yemen Cabdirabi Mansuur, Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladaha u dambeeyay ee ka taagan magaaladda Cadan, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin lagu qoray wakaalada wararka Sucuudiga ee SPA.

Imaraadka Carabta oo qayb ka ahaa isbahaysiga Sucuudiga ee dagaalka Yemen ayaa la aamisan yahay inuu tababaray oo hubeeyay Maleeshiyaad tiradooda lagu sheegay 90 kun, Maleeshiyaadkan ayaa u badnaa kooxaha gooni goosadka ee doonaya inay dib u soo celiyee dowladii Yementa Koonfureed ee la midoowday Waqooyi Yemen 1990kii.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!