Muxuu yahay Qorshaha Kenya ay ka Wado Qaramada Midoobay

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa hogaaminaya qorshe uu dalkiisu ku doonayo inuu ku helo xubin ka mid ah 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee 15-ka dal ee Golaha Ammaanka QM.

Kenya ayaa dooneysa inay xubunnimada Golaha Ammaanka u adeegstao fursad ay golaha uga dhaadhiciso inay taageeraan mowqifkeeda ku aadan in wada-hadal lagu dhameeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay ka laabato kiiska horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

Haddii Kenya ay ka mid noqoto 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ma heli doonto awood ay uga codeyso arrimaha muhiimka ah sida amniga, hase yeshee ka mid ahaanshaha golaha ayaa u saamixi doono fursad ay taageero ku raadsato, islamarkaana qiil ugu hesho in laga laabto kiiska maxkamadda.

Tusaale, Golaha Ammaanka, ayaa haddii Kenya ay ku dhaadhiciso in muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya uu halis ku yahay nabadda iyo ammaanka caalamka, wuxuu labada dal ku boorin karaa inay wada-hadlaan, taasi oo ah waxa Kenya ay dooneyso.

Si kastaba, dadaalka Kenya ayaa waxaa fashilanaya hal arrin oo ah, waqtiga oo aad ugu gaaban Kenya.

Xubinnimada Kenya ayaa waxaa loo codeyn doonaa marka Golaha Ammaanka uu codka qaado bisha June ee sanadda 2020, waxaana haddii Kenya ay ku guuleysato ay kursiga ku fadhin doontaa inta u dhaxeysa January ilaa December 2021.

Dhinaca kale, dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa mar kale ay maxkamadda ICJ dhageysan doontaa inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 13-ka September ee 2019, waxaana la filayaa in go’aanka maxkamadda lagu dhowaaqyo sanadka 2020 dhexdiisa.

Sidaas darteed, xitaa haddii Kenya ay hesho xubinnimada Golaha Ammaanka, waxay u badan tahay inay kusoo aado mar go’aanka ICJ la gaaray. Waa suurta-gal in go’aanka ICJ u dhaco ilaa sanadda 2021, balse uma badna sidaas. Waa taas sababta Kenya ay mar isugu dayday in ayada oo soo mareysa Itoobiya ay Soomaaliya ka codsato inaa hal sano la hakiyo kiiska, lana wada-hadlo, taasi oo Soomaaliya ay diiday.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Taliska Booliska oo ka hadlay Weerarkii SYL Iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarka caawa lagu ...
DEG DEG : Wararkii ugu Dambeeyay Hotel SYL ee Muqdisho, oo Weerar Noociisu Cusub yahay Caawa lagu qaaday
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Qorshaysan oo Caawa Fiidkii ...
MUUQAAL: DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ku jirto oo ay uga Horayso
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ...
R/wasaaraha Itoobiya oo Gudoomay Abaalmarinta Nabadda iyo Arin Xasasi ah oo Khudbadiisa uu kaga hadlay
- Dec 10, 2019
Oslo ( Kashaale ) Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayey munaasabadda ...
Muuqaal: Ucid iyo Wadani “Muuse Biixi Madaxwayne Nooma Noqon doono” iyo Faysal Waraabe oo u hadlay
- Dec 10, 2019
Hargeisa   ( Kalshaale ) Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland  ee Wadani iyo UCID oo maanta shir ku wada ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!