Ciidamada Kumaandoosta oo Howlgal Kawada Deegaano ku xeeran Aw-dheegle

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Xoogga dalka ee Kumaandooska ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka wada tuulooyin dhowr ah, si ay u xaqiijiyaan amniga degmada Awdheegle oo maalmo ka hor la wareegeen Ciidamada.

Sida wararku sheegayaan howlgaladan ayaa ka dhacay Tuulooyin ay ka mid yihiin Shaam iyo kuwa kale, waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay Al-Shabaab ku gaarsiiyeen khasaare xooggan.

Taliyaha Ciidamada dhulka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in Al-Shabaab khasaare xooggan ku gaarsiiyeen howlgalkii ka dhacay Tuulada Shaam, waxaana uu xusay inay sii socon doonaan.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo Ciidamada qorsheynayaan inay duulaan ku qaadaan deegaanada Al-Shabaab maamulaan ee ka tirsan Gobolkaas.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!