Daawo Muuqaal: Axmed Madoobe oo ka hadlay Suurta Galnimada Dagaal ka dhaca Jubbaland Iyo Arimo kala duwan

Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) Madaxweynaha maamulka Jubbaland Ayaa maanta Masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan salaada ciidul Adxa kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Jubbaland, Wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo u rajeeyay in ay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Axmed Madoobe ayaa shacabka reer Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo ay nabadgalyada kala shaqeeyaan hay”adaha amaanka isagoo xusay in nabadgalyadu ay cid walba ahmiyad gaar ah u leedahay.

Arimaha doorashooyinka ayuu sheegay in qof walba uu Dantiisa ka hormariyo mida guud oo xukunku uu maalmo kooban yahay loona baahan yahay in shacabka loo adeego.

Dowlada Federaalka ah ayuu sheegay in ay faragalinta iyo xaaalad abuurka ay Wado uuna dan u ahayn shacabka taas oo mar walba xaalada uga sii daraysa isla markana burbur ku keenaysa dadaaladii mudada dheer soo socday sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna Axmed Madoobe ka hadlay Suurta galnimada dagaalo ka dhaca Jubbaland.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 29)

  1. Ali Zubeer says:

    Axmad Dhuxulayste ama Geeda Naar waa nin ka been sheegay himilada iyo rajada yar ee reer Jubbaland.

    Waar doorasha xor ah weli kama dhicin maamullada Soomaalida.

    Waa 75 oo la yidhi waa xubnaha deegaanka

    Kuwaa ayaa lagu yidhi madax dhaqameedka si xor ah u soo xula.

    Deetana iyaga ha soo xuleen guddiga doorashada.

    Laakiin Axmad Dhuxulayste waa uu diiday oo jawaabtiisu waxaa weeye.

    Anigaa odayaasha soo xulaya,
    Deetana u sheegaya inay ii keenaan saddex nin. Kaddibna kala baxahaya xubintaan rabo oo ii jilicsan.

    OK. Jaalle Dhuxulayste sidee bay doorasha ku dhacaysaa ay raggaasi aad xulatay ku codaynayaan.

    Jaalle waa gacan taag buu yidhi oo sanduuq cad ma jirayo.

    Waxaa halkaa ku duugan odaygii, xubintii i diidana waan qabbiraya, ama la dilayaa ama la waynayaa.

    Haddaba Jaalle Dhuxulayste yaa Guddiga doorashadana dooranhaya.

    Jaalle anigaa dooranayaa oo waxaan meesha keensanayaa rag aan wato sida ninkan garbo, Ogadeeniya laga keenay ee la yidhaa Xamza Barre.

    Markii Murashaxiinta ku yidhaahdeen waar ka daa sidaa maahaan ee bahasha kaga dayo maamullada kale iyagaa dhoweeya bililiqa kasta oo jirta, afka ayuu furtay oo waa kan DFS ayaa i soo fara gelinaysaa oo dagaal baa dhacaya. Murashaxiintana waa dabadhilif qatar iyo DFS kireysteen weeye ayuu ku hadaaqay.

    Halka sarta ka qudhunsan tahay waa halkaa.

    Dhuxulayste waa keligii taliye aanan garaad siyaasadeed u kordhin.

    8 sano ku dhowaad ayuu boqortooyo been ah iyo bililiqo ku hayay Jubbaland.

    Wax horumar uu sameeyay ma jirin.

    Caafimaad kama jiro degaannadaasi

    Waxbarasho warkeeda daa

    Adeegga waa uu bakhtiiyey

    Kaabayaal dhaqaale warkooda daa

    Cadaaladda janaaza ayuu ku tukaday

    Xoreyn gobollada kale waa uu diiday

    Gole wasiiro oo shaqeeya ma jiro

    Waxaa wasiir iyo farraash ka ah Kismaayo waa isaga.

    Waar ma wadi karee Dhuxulayste waxaa uu bakhtiiyey deegaannadii iyo degmooyinkii Jubbaland ee uu joogay.

    Axmad geedanaar waa inuu tagaa oo weliba la caydhiyaa ama la xidhaa.

    Nin war hayaa hakuu warramo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  2. Dabshid says:

    Waa siduu sheegay Ali Zubeer

    Lkn waxaan aaminsanahey hadduu Mr Farmaajo habeeno ku soo hoyanlahaa Kismaayo inuu Axmed Cadde wajahilahaa labo arimood midkood dagaal ama heshiis.

    Lkn inuu Axmed la shaqeeyo Villa Xamar waxaa ka horeyso inuu Farmaajo ka soo baxo qolka Villa Xamar.

  3. somalijecel says:

    Anigu ma qabo wax dagaal ah cid u xiiso qabto waxaan ka ahayn nin haysta dhowr boqoloo wiil oo reerkiisa oo uu si uu yeelo garan la,rabana god in uu ku guro sababtoo ah wiil uu dhalay kuma dhimanayo halkaa wax ka galayna ma lahan.

    Dhibka federalku waa cad yahay,waana laga been sheegay.Waxaa ay ahayd min tuulo,degmo,gobol in dadku soo doortaan dadkii matali lahaa MP Wasiir etc.Taa bedelkeed kii meel tagaaba waa dictator meeshan isagaa yeesha.

    HALKANI WAA KISMAAYO NINKII XOOGLEH BAA GUURSADA FULLSTOP.

    Aniga haddaan isaga ahaan lahaa dadka hamigu ku jiro ayaan la shir lahaa inagoo wada jirna ayaana doorashada gali lahayn,balse Axmed kalsooni iskuma qabo wuuna og yahay doorasho xalaal ah in aanu kusoo baxayn.
    @Dabshid kkkk Farmaajo Kismayo iska daaye ankee Gedo ma tagi karo sida aan maanta maqlaayo oo waxaa ay reer Gedood raaceen Kenya sababtoo ah waxaa ay yiraahdeen xaquuqdii aan dawaladda ku lahayn waan weynay Jubalandna markii horeba xoog Tigree iyo Kuukuyo ayaa lagu dhisay,wuxuuna ugu jawaabay madaxweyne Somaliyeed ayaan ahay OK.Ma xuma reer qansax miyanay madaxweynaha xaq ku lahayn iyo dalka?
    Illaa ciidanka Kenya dalka ka baxayo xalka Jubaland waa halkiisa sida ay ila tahay.
    FG:Axmed madoobe waa ninka ugu macquulsan ilakdheer ogada,hadduu imaado Seeraar Jubaland waa dagaal u joog Axmed na abtiyaashii iyo Kenya ayaa waalay.

  4. Jabhad says:

    horta run baa fiicane kismayo waxaa ka socda

    horumar iyo hiigsi nabadeed axmed madobe halka

    Aan ku diiday waa KENYA oo uu naga dhexeeyo

    Dagaal dhuleed iyo badeed oo waqti kasta qarxi

    Kara dowlada dhexe waxaan kula talinayaa inay

    Arinta dhinacyo badan ka eegaan jubalan o burburta

    Waa guusha KUKUYO waa in la ilaaliyo wada jirka

    Dadka degan jubaland si loogu midobo difaca dalka

    sida wararku shegayan KUKUYO waxay donaysaa

    Inay kala qaybiso shacabka jubaland waxayna u

    Diyaar garobaysaa inay duulaan soo qaado dhanka

    Kale xoogaga somaliyed ee u tagan difaaca dalka o

    Kashanaya xogaga NFD waxay sahamo u direen

    Gudaha kenya iyagoo donaya inay dib uso celiyaan

    Dhulkii somaliyed ee KUKUYO horay u qabsatay

    Ilaa webiga TAANA iyo guryihii GARSENI sahankii

    Waa gaaray

  5. somalijecel says:

    @Jabhad Axmed iyo nin kastaa oo siyaasi Somaliyeed kaligii ma taagnaan karo.Sababtoo ah wuxuu u baahan yahay hub iyo dhaqaale.
    Axmed maalin ma joogi karo hadduusan haysan support Kenya.Waxaan xog-ogaal u ahaa goobjoog ah markii ay jireen isbahasiyadii Sodare vs kii dooxada Juba
    Ethiopia oo dhanac ah,Libiya oo lacag bixinaysay iyo Eritaria oo hub bixinaysay taana waxaa ay keentay in aan is baab’ino maantana waa sidii oo kale.

    Inta aan ka baxayno nidaamkan qabaailka ha sugin qaran micno leh oo sharaf leh.Axmed kama hadli karo arrinta badda etc waa askari Kenyan ah isaga iyo wax maamulka ku jiraba.

  6. Run Sheeg says:

    Ahmed Hadaladiisa Waxaa Ka Muuqda Cabsi
    Mar Haduu Yidhi Dawlada Federaalka Hadey Faragelinta Naga Deenweyso Dagaalbaa Dhacaya Taa Macnaheedu Cidloo Sheegayo Majidho Waan Dagaalamayaa Si Qaska Ubato Dabadeedna Shabaab Isku Badalo
    Ahmed Yaaku Dooranaya Dawlada Dhexe Xaqbey Uleedahay Iney Goobjoog Kanoqoto
    Doorashada Dhaceysa
    Dowlad Ayaa Ina deeqda

  7. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Oh, Ok, so sow maahan caqli daanyeernimo dadka doortay madaxweeyne Farmaajo, hadiiba uu qabiilkiisa Mareexaan lasocdaan Kenya, oo uusan qabiilkiisa wax taageero ka heeysan.?

    Daanyeer cawaan ah ayaa ninkaan Farmaajo doortay. Waxba nin soo kordhin karra maahan, dib ayuuna Somaliya u celiyay dowladnimadeeda.

    Beenta iyo munaafaqnimada dadka caqliga xun uu u sheegay marka eey dhamaato, Buffalo, New York ayuu kusoo noqonayaa madaxweeyne Farmaajo, kadib beenta ah passport Mareeykan ayuu celiyay eey dhamaato. Waxaase nasiib darro ah, dalka iyo dadka Somaliya sida uu dib ugu ridday, dad badanna, ka baddan sidii horre ugu dhinteen Somaliya guud ahaan, iyo Mogadisho.

    Arrinkaan Kismaayo, Ahmed Madoobe si kasta oo uu qaladaad badan, iyo maraqa Garoowe u cabay, isaga ayaa ugu roon, kana gar leh daanyeertaan Xamar fadhisa, oo eey Afrikaanta ilaaliyaan. Xasilooni ayeey Kismaayo iyo Somaliya u baahantahay. Uma baahna qalalaase iyo qas.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  8. Garqaad says:

    Madaxweyne farmaajo waxaa ka go.an in uusan dhibaato u geysan ama uusan dumin maamul darood oo dhisan.

    Daaroodku weli meysan iloobin 1991dii

    Waxaa jiro aragti ay daaroodku ka miseysan yihiin taas oo ah in aysan weligood aaminin xamar iyo hawiye. Kuwa hadda xamar joogo oo qaranka isku sheego maqabaan kalsooni kuraasta ay fadhiyaan wexey u arkaan qiyaali aan berri jiri doonin.

    Qofka caqliga lihi wuu dareemi karaa.

    Rooboow abuu mansuur iyo axmed madoobe waxba Kuma kala bedelno. Baydhaba iyo kismaayo waxba Kuma kala duwano.

    Madaxweyne farmaajo. Wuxuu reer baydhaba u edeegsaday kaare amxaaro wuxuu ku xasuuqay 17 oo shacab ah. Waxaan xasuusanaa khudbadii uu jeediyay doorashdii baydhabo. Wuxuu yiri waa doorashadii. Ugu fiicned ee somaliya ka dhacday. Sorry reer baydhaba.

    Hadda wexey taagan tahay kismaayo. Axmed madoobe lama Soo xiri doono Farmaajo indhaha ayuu ka daawan doonaa. Waxaana Soo laaban doono axmed madoobe. Farmaajo ma yaqaan qabyaalad halkaa ha iiga harto.

    Koofurta somaliya waxaa Lagu heshiin donaa. Marka darood qabyaalada iska daayo. Ama hawiye uu barto qabyaalada. Inta ka horeyso waa iska daba wareeg.

    Hurdaayoow tooooooooos.

  9. Somalijecel says:

    @Garqaad kkkk waxaan kuu haystay seedigay laakiin abtigay baad tahay.kkkkk
    Daarood iyo Hawiye qof maskaxda ka jirin ayaa aaminsan cadaynteedana adigaa haya.

    Muu tago Garawe iyo Kismaayo, muu Tago Garboharey ogow reer Diini oo 5/6kala tirsada ayaa jooga.
    Kismaayo iyo Baydhabo isku mid ma ahan xaqiiqda qaybyaalad yaanay ku dhaafsiin.
    1-Baydhabo 1 ciidan oo Ethiopian ah ayaa jooga iyagana ka masuul ahaa amaanka.
    2-Robow intii la baryaayay waa ogayn loona sheegay in uu degdegaayo kana joogo.
    3-Kismaayo ciidanka Kenya miyay ma baxeen?mise waa kuwii Ethiopian ugasoo horeeyay?
    Waxaa fiican wax caqli gali karo aan ku eedayno villa wardhiigley.
    Daarood iyo Hawiye ilmahana kuma sheegaysaan haddii Daarood jiro mucaaradkiisa ugu weyn yaa waaye?jawaab uma haysid suaashan iyo qoraalo kale hadaad jirtay ma
    Nimankan MJ waa sirdoon kkkkkk.
    Qaladaadkiisa wuu cadyahay wixii magac Somaliyeed lagu helay Xamar masoo dhaafsiin waxaa isaga Marexan isku fahmi waayeen 20 million Germany ugu deeqay wadooyinka Gedo ayuu rabaa inuu u leexiyo Bakool 10 million,waana qalad cad in wixii masaakiintaas loogu deeqay uu waji kaga raadsado Somali kale oo aan berina wax abaal ah uga hayn qofna yaan la dulmin qofna yaan xaqiisa qofka lagu maslaxayn beri hadduu tagaayo 1 dollar iyadoon dadka ay khusayso ogaasho laga helin iskama uu maamulan karo EU iyo Germany warqado ayaa loo qoray Farmaajo cadaaladdii wuu ka tagay dhinacaas marka laga fiiriyo.

  10. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Axmed Madoobe arrintiisu waa LABA mid; “inuu xasaradda joojiyo LAALUUSHNA iska qaato & inuu dhallinyaro masaakiina isku laayo” BERDU isagoon marna guulaysanayn SABABTA oo ah guusha Axmed WAA rajjo beel Dawlad Somali taana WAA mid aysan Farmaajo/Khayre aqbalikarin. WBT

  11. Maxamud says:

    Axmed madoobe habaxo wax aan aheyn miyaa lahayaa nin qaranimo ama xataa dadka jubboyinka wax uun uhaya miyaa kujira raga tartamaya waxa layskuheysto anigaa gaalka katurjumaya iyo anigaa katurjumaya mxaa gooni loogu eedeynayaa axmed madoobe oo uu haleeyey?

  12. Garqaad says:

    Somali jecel.

    Abti salaan sare.

    Abtoow markaan isdhoho dadka qaarkood dhiiga ku kici. Maxaa golaha ku keenay. Kkkķkk.

    Haa waa laga yabaa in aan ka badbadiyay.

    Midna waan ogahay. Kablalax in ay jeclaan lahayeen Hawiye in uu villa somaliya. Farmaajo ugu galo ee dhibaato dhacdo. Laakiin waa waxaan dheceen hadii Alla yiraahdo. Dhaliisha mucaaradka aan anigu ugu horeeyo waa halkeeda.

    Abtoow nin raga Iska dhig oo runta ku dhac. Itoobiyaankii iyo ciidankii somaliya ee baydhabo ku dilay 17 qofood ee shacabka ahaa. Dowladdu MA ogeyn shaqana kuma laheyn yaan lagaa maqal.

    Ma waxaad leedahay xoolihii mareexaanku aduunkii kale ka helay ayowba meel kale u leexiyay. Igaar farmaajo.

    War farmaajo muduloodka maxaa u galay. Ayagaa ku caan ahaa markeey xilsare qabtaan in ay dhuunta qabtaan dadkooda.

    Allowyaa daroodka ka saaro. Marexaan iyo dhulos.

    Ma u ekahay.

  13. sOmalilander says:

    Soomalidu Muran Badnaan & Xaasidnimo & Munaafaqnimo.com..

    Wax kale majiro!!

    God bless Somaliland!

  14. Land of Punt says:

    In Ahmed Madoobe xukunka isku dhajinayo waa caddahay, inla bedelana ku fiicnayd laakiin nidaam adag sida doorasha qof iyo cod ah, representative doorasha ah sida madaxdhaqan beelaha matasha oo adag kama jirto.
    cillada kale waxay tahay, lama hayo rag la hubo oo sharaxan…waa dad ayagaba waxwata la aqoon.
    Ahmed Madoobe wax dhaamaba ma hayaa horta?

  15. sOmalilander says:

    Manchester United 4 – 0 Chelsea..

    The Opener day of EPL!!

    GGMU!

  16. Land of Punt says:

    Gedo oo ah gobolada ugu waaweyn dhul ahaan Somalia oo magaaloyinka Luuq, Beledxaawo, Buudhuubo, Ceelwaaq, Baardheere etc, Kacaankii waa dayacay oo hal school sare ama jid laami ha joogee xitaa jid carro kaawo ah kama dhisin..
    Waxaa jid carro-kaawo ah kuyaal Baardheere to Qansaxdheere. Watch live from Google maps.
    Baardheere iyo Garbaharey waa 90 km, jid malaha waa buuro..Baabuurku habeen u dhaxo, in u lugeyso ayaa dhaanta.
    Farmaajo in wax u qabto ha joogtee xitaa wixii xaq u lahaayeen ka hor istigaagin xiraa deeqo.
    Gaal iyo muslim qofka arka jid la’aanta Gedo ka jirta deeq ula diyaar yahay laakiin belo dhexda u fariisan ilaa Kacaankii ilaa maanta, ayagana karti inta isku tashadaan dhistaan ma awoodaan.
    Waa dhul barwaaqo ah oo ka badan macal somali oo dhan….
    Hoos ka aqrista sheeko khayraadka Gedo ku saabsan.

  17. Land of Punt says:

    Gedo narural resources: Waagii Kacaanka ayaa meel Markabley la yiraado oo Bardheere ku taal oo ku fiican biyo xireen koronto dhaliya iyo beerto, ayaa Kacaankii chinese sahan ku sameeya u direen marka Faanoole dhamaado waxa laga qaban karo.. Chinesekii waxay yiraadeen ”Waaw” meesha waa barwaaqo koronto iyo beero quudin karta 30 milion oo qof..
    Waxaa lagu yiri: Somalia oo dhan waa 10 million..
    Gogoblka meeqa qof ayaa ku nool oo mashuucaan ka faaiidaysanaya Markabley ayey chinesekii waydiiyeen: waxaa loo sheegay qiyaas 500-600 kun qof….kkkkkk
    Chinesekii inta fajaceen, ayey yiraadeen billions of dolar ku baxaysa dadna ma joogo ka faaiidaysta..
    waa lagu kala tegey..waa sheeko run, live ula sheekaystay nin raggii Somalida ka socday ahaa.
    Waxaa intaas kuu dheer Luuq Ganane intaas oo kale laga samayn karo, Buurdhuubo webiga ku fato sanad kasta cidna wax naf leh kama beerto.

    Somali dad la’aan ayaa haysta hadana meel cidla hub iskugu sitaan, isma waydiiyaan maxay Ethiopia 100 million u tahay, Kenya oo naga dhul yar 50 million.
    Somalida waa daanyeer 5 xabo ah oo wada haysta.

  18. Land of Punt says:

    Hadda ka hor mar Puntland Oromo ayaa kusoo qulqulaysa oo in dalka qabsadaan laga baqayaa la waday, ayaan oday aqli badan oo Majeerten ku iri, see wax u jiraan!
    Wuxuu tiri: Adeer Puntland dad kuma badna ee dadka ayaa ku yar, 3 ilaa 4 million lagu sheegaa dhulka intaa le’eg sidee marka ku dhismin?
    Oromadu in xad dhaaf noqdaan ayaa daran ee waa xoogaa in dibedaha uga gudbaan raba…
    Adeer balo ma jidho, Somalida dhan ayaan maanta 15 million gaarin from Lowya-cado to Raascasayr to Raasgamboni.
    Ummadaas iswada haysata in wada shaqeeyaan oo meel kasoo wada jeestaan ilaahay ka qari.
    Wadamo kale iyo ummado kale in marti u noqdaan ayey ka jecel yihiin.

  19. Land of Punt says:

    by the way: Ragga Hawiye iyo Daarood sheeko ah wada wad dad runta ogayn.
    Somalida weligeedba dhowr nin danahooda wata ayaa ku shaqaysanayey oo marna qabiil ku awr kacsada marna diin, hadba kay ugu soconayso, maantana taas ayaa socota Kismaayo iyo meel kasta.

  20. Mr BaHaL says:

    An maalo hasheena Maandeeq.

    Nolosha Adaamahamuhu kama soo hadho dhaqanka.Dhaqanka uu qof leeyahay ama ay Bulsho leedahay ayaa muujiya qofnimada ama Bulshonimada.

    Reer hebel ayaynu nahay.

    Hal mid ayay Reer hebel ka simanyihiin oo isku raacsanyihiin.
    Inay wax boobaan way isku raacsanyihiin,laakiin inay qaladka iska qabtaan iskuma raacsana.

    dawlada la dhisayo Reer waliba wuxuu keenayaa,60 Xildhibaan oo aan la siinin wixii ay cunilahaayen.Waayo?

    Hashii maandeeq ayaa la maalayaa.Markaa Reer waliba waa hashaasi ayuu qaybtiisa ka ka maalayaa,oo Reerna ma ogola in hashaasi laga qadiyo.

    Laakiin hadaad tidhaa”waar ragaasi al shabaab Dambiilayaasha ah ragga idinkaga jira soo celiya oo dadka ayay laayeen,dee ka qabta.Ma jiro Reer ku odhanaya”haa ragaasi isku Reer ayaan nahay oo waan soo qabanaynaa”

    Sidaa oo kale ma jiro Reer qof kooda qaldan qabanaya,laakiin waxaa jira Reer ragiisa soo safaya si ay wax u boobaan.

    Reerku dhaqan ahaan iyo ujeedo ahaanba waxay u dhisanyihiin inay wax boobaan waxna iska celiyaan.

    ayay iska celinayaan?

    Waxay iska celinayaan cid kasta oo isku dayayda inay iyaga wax ka boobaan,laakiin way isku raacsanyihiin inay iyagu wax boobaan.

    Somalidu way iswada boobaysaa.
    Dad u diyaarsan inay wax boobaan,sidee u dhisikaraan wax la rabo in la dhiso oo la wada leeyahay?

    Wax wada lahaashihii wuxuu rabaa shaqo iyo cadaalad.
    Wax kale oo ka dhexeeyay ma jiro Somalida ,laakiin dhulkii ka dhexeeyay ayay kala ooteen.

    Sidee u helaysaa dawlad hadii aad dhulkii kala oodateen?

    Beesha caalamka ayaa lacag bixisa e qaybtayada aan helo.

    Markasta Somalidu waxay isku haysaa hunguri.Intaa wax dhaafsan iskuma hayso Somalidu.

    Maxaa loo diidayaa qof ay dawladu wadado inay keento maamulka qabiilka si loo helo maamul dawlad oo wada shaqaynaya?

    Qabiilka ayaa raba inay wax boobaan,oo kan dawlada ka socda ayay u arkaan nin jilicsan oo ishortaagaya wixii ay boobilahaayeen.

    Waa maxay Maqaanka Muqdisho?

    Waa qaab la rabo in wax lagu boobo,oo Reer ayaa raba inuu wax gaar ah helo.

    Maqaamka Muqdhso.Waa xeelado uu qabiil soo afluftay.
    saa nin walba wuxuu samaynayaa wixii uu doono.

    Garoowe,ama Kismaayo ayuu la mid yahay Maqaamka Muqdisho.

    Laba arin ayaa la rabaa in lagu fushado Maqaamka Muqdisho.

    Waxa kale waa qiiq iyo been.

    1 – in lagu badbaadiyo dhulkii dawlada ee la dhacay dagaalasii sokeeye.Dhulkaasi oo iskugu jira mid uu dad lahaa iyo mid ay dawladii lahayba in lagu xalaalaysto.

    2 – in ay Caasimadu noqoto mid Reerka gacanta ugu jirta,isla markaana lagu helo dhaqaale aduunka ka yimaada.

    Isku soo wada duub oo Somalidu waxay dawladinimada u fahantay meel lacag lagu helo,awood aad wax ku baabnana lagu helo.

    Waa Bulsho Tuug ah oo wada jooga.

    Dalmida

  21. Somalijecel says:

    @LOP kkk MS Bare ayaa lagu buuqay 1991kii isagoo soo qaxay 21 sanno 1 waddo ankee noomaad dhisin sidaad beri noogu haystay ayaad timid adigoo fiig ah.
    Wuxuu ku jawaabay walaalihiin Somaliyeed oo idinka qaylo badan,idinka iimaan xun baan lahaa qanci,waana qanci waayeen kkkk MJ baa maskaxdayda Kosoo dhacday.Hadda Farmaajo wuxuu na taro daaye gaaladii wixii ay noogu deeqday buu leeyahay dadkale ayaan ku qancinayaa.
    Ta kale Gedo degmo aan secondary la hayn ma jirto,balse Kenya ayaan ka faaiidnay.Bardheere iyo Garboharey waa 260Km.
    Farmaajo waan ka diidnay howsha uu waddo cidna yaanan la siin xaqqa dad kale.

  22. Somalijecel says:

    @Garqaad kkkkk abti waan kaa gatay badeecadaas iska celi duurjoogta aka Daarood adigaan kula jiraa marka ay halkaa marayso.Wiil waa abtigii.Wixii iska celin ah waan ku garab taagnahay.

  23. Land of Punt says:

    Somalijecel
    Baardheere to Garabarat 199 km ku maqkay waan som hubin.
    Dhulku qaa barwaaqo ee taggig dhisan lahaa ayaa looga badhandduk yahau.

  24. Land of Punt says:

    I mean
    1 90 km

  25. Land of Punt says:

    Somalijecel
    Mideeda kale Majeerteen dhulka dego waxay ku jirtay meesha ugu lita.

  26. Somalijecel says:

    LOP qiyastii waa meelahaa 24hr loo kala soconayo waa hell sidoo Garboharey to B/xaawo 90Km hell ah dadkaas ayuu leeyahay waan ka qaadayaa wixii alle ugasoo qaaday gaalo,waliba cid u og ama abaal uga hayn doontaa ma jirto quraan saar buu u baahan yahay

  27. Land of Punt says:

    Somalijecel.
    Walaahi aniga ayaa kugu raacsan, Gedo oo ah gobolada Somalia ugu qanisan dhulka Somalida degto, in xitaa jid laami lahayn oo ah gobolka saddexaad oo dhul ahaan ugu weyn Somalia.
    Waa ka ooyaa shacabka Gedo dhibka haysta iyo barwaaqada haystaan…
    Mareexaan waa geelwas agoontii Kacaanka ah oo baran= Sidee isku debernaa inta isku tashano..
    Waa daanyeer in dowlad caawiso mooyee aan weligood dad isku tashada noqon.
    May Dhabayacada Puntland dega oo weligood dowlad ahaa, wax ka bartaan…..
    Walaahi Majeerteen oo Gedo degi layaa in East Africa qabsan lahaayeen……..kkkkkkkkkk
    🇸🇴😬
    Bal Gedo ka gaajood iyo waxa biyo sanadka dhan jiifa, Daanyeer Mareexaan.
    ma aqli ka xun ayaa jira in Kismaayo la isku dilo sidii Xamar adoo Luuq, Baardheere, Buurdhuubo, Ceelwaaq, Beledxaawo iyo Garbaharey haysta?????
    Waa daanyeer meesha nal ka daaran yahay dadka ku qabsada oo ogeyn waxa haystaan ayaga…..run




Taliska Booliska oo ka hadlay Weerarkii SYL Iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarka caawa lagu ...
DEG DEG : Wararkii ugu Dambeeyay Hotel SYL ee Muqdisho, oo Weerar Noociisu Cusub yahay Caawa lagu qaaday
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Qorshaysan oo Caawa Fiidkii ...
MUUQAAL: DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ku jirto oo ay uga Horayso
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ...
R/wasaaraha Itoobiya oo Gudoomay Abaalmarinta Nabadda iyo Arin Xasasi ah oo Khudbadiisa uu kaga hadlay
- Dec 10, 2019
Oslo ( Kashaale ) Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayey munaasabadda ...
Muuqaal: Ucid iyo Wadani “Muuse Biixi Madaxwayne Nooma Noqon doono” iyo Faysal Waraabe oo u hadlay
- Dec 10, 2019
Hargeisa   ( Kalshaale ) Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland  ee Wadani iyo UCID oo maanta shir ku wada ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!