Maleeshiyaadka Imaarkadu Taageero oo Qabsaday Cadan iyo Sucuudiga oo Dhabarka laga Toogtay

Garoowe ( Kalshaale ) Maleeshiyaadka kooxaha gooni u goosadka ah ee koonfurta Yemen ee taageerada ka helaya dowlada Imaaraatiga ayaa la wareegay gacanta ku haynta dekeda weyn ee Magaaladda Cadan.

Maleeshiyaadkan oo maalmihii la soo dhaafay dagaal kula jiray dowladda Yemen ee beesha Caalamku taageersan tahay ee fadhigeedu ahaa Cadan ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegeen madaxtooyada iyo saldhigyo milateri oo ku yaal magaaladda Cadan.

Dowladda Yemen ee uu hoggaamiye Madaxweyne Cabdirabi Mansuur haadi ayaa ku tilmaamtay qabsashada dekeda Cadan afgembi lagu sameeyay xukuumadda Yemen, waxay kaloo sheegay in dhammaan xarumaha hay’adihii dowladda iyo saldhigyadii milateriga ee cadan ay la wareegeen kooxaha gooni-goosadka yemen

Saraakiisha Maleeshiyaadka gooni u goosadka ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in iyadoo wax dagaal ahi dhicin ay la wareegeen xarunta madaxtooyada, islamarkaana ay magangaliyeen 200 oo askari oo ilaalo ka ahayd xarunta.

Wakaaladda wararka ee AFP waxay kaloo ka soo warisay Saraakiil reer Yemen in dagaalada ka dhacay Cadan ay ku dhinteen ilia 70 qof oo u badan shacab.

Dhinaca kale, Isbahaysiga Sucuudiga ayaa ku baaqay in xabad joojin la sameeyo, ciidamaduna ay Dib ugu laabtaan xarumahoodii hore, kana baxaan goobaha ay qabsadeen.

Dowlada Imaaraatiga ayaa tababartay, islamarkaana hubaysay kumaankun ka tirsan maleeshiyaadka dhaq dhaqaaqa gooni-isu-taaga Koonfurta Yemen oo doonaya inay ka go’aan wadanka Yemen intiisa kale. Maleeshiyaadkan ayaa markii hore loo tababaray inay ka dhinac dagaalamaan ciidamada dowladda Yemen oo dagaal kula jiray kooxda xuutiyiinta ee gacanta ku haysa caasimadda yemen iyo inta badan wadanka Yemen.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Jabhad says:

    Dhagarta iyo khiyanada ay UAE ku hayaan daalalka

    ay cidamada u tababaran iska arka somaliyeey

  2. Mohamuud says:

    wax baa qaldan uae iyo sa waa isku xulufo kuwa goonigoosadka ah waa keligood




Taliska Booliska oo ka hadlay Weerarkii SYL Iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarka caawa lagu ...
DEG DEG : Wararkii ugu Dambeeyay Hotel SYL ee Muqdisho, oo Weerar Noociisu Cusub yahay Caawa lagu qaaday
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Qorshaysan oo Caawa Fiidkii ...
MUUQAAL: DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ku jirto oo ay uga Horayso
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ...
R/wasaaraha Itoobiya oo Gudoomay Abaalmarinta Nabadda iyo Arin Xasasi ah oo Khudbadiisa uu kaga hadlay
- Dec 10, 2019
Oslo ( Kashaale ) Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayey munaasabadda ...
Muuqaal: Ucid iyo Wadani “Muuse Biixi Madaxwayne Nooma Noqon doono” iyo Faysal Waraabe oo u hadlay
- Dec 10, 2019
Hargeisa   ( Kalshaale ) Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland  ee Wadani iyo UCID oo maanta shir ku wada ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!