Haweenay Dhacdo Murugo badan Kala Kulantay Xuutiyiinta oo Xajka Lagu Casuumay

Laascaanood  ( Kalshaale ) Haweenay lagu magacaabo Alya Zainullah, oo  60 jir ah ayaa ka mid noqotay martida Xajka ee Boqorka Dalka Sucuudiga  Salmaan Bin Cabdiasiis.

Haweeneyday ayaa siddeed wiil oo ay dhashay waxaa ay ku weysay gacmaha Kooxda Xuutiyiinta ah ee ka dagaallanta dalka Yemen, ku nooleyd Gobolka Ma’rib ee dalka Yemen,waxaa ay carruurteeda iyo waaliddiintoodii ku dhinteen dagaalka Yemen.

Waxa  casuumaad ka heshay Boqor Salmaan,waxaana ay sheegtay in ay aad ugu faraxday markii loo geeyay warqadda casuumaadda ee ay uga mid noqoneyso xujeyda sanadkan.

Alya ayaa sheegtay in Xajka ay waligeed ku taami jirtay hayeeshee dhaqaale darro heysatay darteed aysan awoodin ka qeybgalkiisa.

Sanadkan ayey nasiib u heshay Xajkii ay ku riyoon jirtay,waxaana riyadeedii u rumeeyay Boqorka Sucuudiga oo dhowr kun oo qof sanadkasta ku marti qaada Xajka.

Carruurteeda  ayey sheegtay in ay u ballanqaadeen in ay Xajka geynayaan laakiin dhimashada ayaa ka soo hormartay Xajkeeda sida ay sheegtay markii Xuutiyiinta mid muid u kaxeysteen carruurteeda kuna galeen dagaalka ka dhanka Xulufada Sucuudiga.

Dadka sanadkan ku xajiyay martiqaadka Boqor Salaam waxaa ka mid ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo in kabadn 3,000 oo qof oo kale.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Cadaado says:

    Ciyaal argagixiso ah ayeey aduunka kusoo kordhisay dhiladaan. Sacuudiga oo u isticmaalo as a tourism, dalxiis camal, dhaqaalo laga sameeyo xajka, waxba uma kordhinayaan daanyeertaan eey dalkeeda iyo hogaamiyayaasheeda gabeen, lug gooyeen. Xaj kulahaa, waa siyaasad waxa nacastaan looga hadlayo.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




Taliska Booliska oo ka hadlay Weerarkii SYL Iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarka caawa lagu ...
DEG DEG : Wararkii ugu Dambeeyay Hotel SYL ee Muqdisho, oo Weerar Noociisu Cusub yahay Caawa lagu qaaday
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Qorshaysan oo Caawa Fiidkii ...
MUUQAAL: DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ku jirto oo ay uga Horayso
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ...
R/wasaaraha Itoobiya oo Gudoomay Abaalmarinta Nabadda iyo Arin Xasasi ah oo Khudbadiisa uu kaga hadlay
- Dec 10, 2019
Oslo ( Kashaale ) Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayey munaasabadda ...
Muuqaal: Ucid iyo Wadani “Muuse Biixi Madaxwayne Nooma Noqon doono” iyo Faysal Waraabe oo u hadlay
- Dec 10, 2019
Hargeisa   ( Kalshaale ) Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland  ee Wadani iyo UCID oo maanta shir ku wada ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!