Qarax ka dhacay Dhuusamareeb iyo Dhagarqabihii Waday Keligii oo ku dhintay

Kismaayo ( Kalshaale ) Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug waxaa maanta ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah,  kadib markii Qof isku xidhay walxaha qarxa uu ku hor qarxay Maqaayad ku taalla Xarunta Inji oo uu ku shaqeeyo Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labo qof oo midi ahayd Gabadh Maqaayadda  lahayd iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo uu dhaawac fudud soo gaadhay, Waxaana Qaraxa ka dhintay Dhagar-qabihii soo Maleegay.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu dhaawaciisa fududyahay waxaana magaciisa lagu sheegay Sh.C/Raxmaan Barakaqabe oo Baarlamaanka Galmudug ka galay dhinaca Ahlu sunna.

Ma jiro khasaare kale oo uu geystay Qaraxa sida uu sheegay mid ka mid ah Goobjoogayaasha ku sugan Goobta uu qaraxa ka dhacay.

Xildhibaanka iyo Gabadha waxaa soo gaadhay dhaawac Fuduud, waxayna  Dhaqtartka ku aadeen lugahooda.

Cabdullahi Cabdi Raage oo ah Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug ayaa tagay goobta,waxaa kale oo meesha tagay saraakiil ka socota Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Magalada Dhuusamareeb waxa ku sugan Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana weli qaraxaasi ka hadlin Hay’adaha Amniga ee ka howlgalla Magalada Dhuusamareeb.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




DAAWO: DF-Soomaaliya oo Amniga Dhuusamareeb si Rasmi ah ula Wareegtay
- Jul 16, 2019
DH-Mareeb ( kalshaale ) Ciidamada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ...
Daawo Video: Kulankii dhexmaray Godoomiyaha Baarlamanka DFS iyo Wafdigii QM
- Jul 16, 2019
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah ...
Jaamac Fariid Saygii Hodan Naaleeye, Mashaariicdii uu Kismaayo ka waday
- Jul 16, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Jaamac Ismaaciil Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka ...
Madaxwaynaha maamulka Amxaarada oo Noqday la Taliyihii R/wasaare Abiye Axmed
- Jul 16, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar iyo Haweenkii Kale oo Shir Jaraa’id Qabtay & Jawaab Adag oo ay siiyeen Donald Trump
- Jul 16, 2019
London ( Kalshaale ) Afar hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , kuwaas ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!