Maxaa ka jira in Kornayl Caarre ku Gacan saydhay Dalab uga yimid dhinaca Puntland ?

Ceerigaabo ( Kalshaale ) Kornayl Siciid Caare oo Mudooyinkii dambe Hogaaminayey Ciidamo ka baxay Somaliland, Kuna dhowaaqay Jabhad Cusub oo Fadhiisin ka helay duleedka Qardho ayaa   la sheegay in uu ku gacan saydhay dalab uga yimid Puntland sida uu sheegay Cismaan Cumar Dool.

Siyaasi Cismaan Cumar Dool oo kamid ah Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay qodobo uu sheegay inay isku mari waayen Korneyl Caare iyo Maamulka Puntland.

“Kornayl Caare iyo Puntland waxay isku mari waayeen qaabka maamulkaasi u taageerayo jabhada Kornaylka iyo wajiga uu dagaalkiisu noqonayo, Caare isaga oo Qardho jooga ayuu odhan jiray Somaliland, waana geesi halyey qaran ah waana nin rag garta waayey”.

“Kornayl Caare waxay isku maandhaafeen maamulka Puntland in lagu yidhi magaca Soomaaliya qaado oo aanu kugu caawino, isna waxa uu ku yiri ma doonayo magac kale ee Somaliland is haysata ayaanu nahay ee sidaas miyaad igu garab galaysaan iyaguna waxay ku yiraaheen maya oo Somaliland ma aqoonsanin namana khusayso”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Caare sidaas ayuu ku waayey in baabuur tigniko ah la siiyo in lacag la siiyo iyo in askar la siiyo, waxaanu noqday qof mabda leh oo is yidhi dadkaaga iyo umada Somaliland ha khiyaamaynin, sidaas ayaanu kaga soo baxay maamulka Puntland kuna soo galay Somaliland iyada oo aanay waxba ku soo kordhin ciidankii uu la tagay”.

“Halka uu maanta ku jiro Korneyl Caare, ninka yidhaahda halagu laayo oo weerar ha lagu xaliyo waa nin ka shaqaynaya in dabku sii fido, Caare waa in si macquul ah loola hadlaa oo la dhagaystaa waxa uu tabanayo”. Ayuu yidhi Dool.

Si kastaba ma jiro wax Hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Kornayl Caarre, waxaana la ogsooyin yahay in Taageero badan ka helay dhinaca Putland, Iyadoo lagu qaabilay caasimada Puntland ee Garoowe.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 15)

  1. Aarka hargaysa says:

    Libaax walawayntu yaanay namoodin dad bilaa qadiyada isagaa hada naaraha idinka waraabin doona

  2. Garqaad says:

    Kkkķkk.

    Maxaa pudland ka galay magac somaliyeed.

    Ma ayagaa somalinimada kaga dhaw.

    Malaha wexey rabeen in ay wax kaga cunaan xamar.

    Wexey aheyd in ay dhahaan magaca pudland sheego.

    Daanyeer caare haduu rabo in uu dagaal ku galo magac somaliyeed xamar ayuu tegi lahaa. Laakiin wuxuu ogyahay dadka xamar degan in aysan yeeleyn Somaliland ayaan duminayaa ee wax haleysiiyo.

    Caare. waa in uu hargeysa ku laabtaa waa in uu miiska saraa Waxa uu tabanaayo. Waxaan hubaa in lays fahmaayo. Laakiin ina adeerkeey cirro ayaa laga guuleystay oo buuraha ayaan gelayaa halkaa kama sheqeyso.

    Is qabqabsi iyo maamullo farabadan Hadeey faa.iido leeyihiin koofur ayaa meel ku gaari laheyd. Waa in la tegaraa midnimada walaalaha woqooyi. Caqliga saliimka ah ayaa sidaas ah.

    Hadaad adigu jabto. Walaalkaa jabka kugu dhacay weligaa halla jeclaan.

    Waan hubaa maaliyiin reer woqooyi ah in ay walaalaha koofureed wanaag iyo mid la jeclaan lahayeen.

  3. Aarka hargaysa says:

    Garqaad sxb ereyagaa waqooyi dad baa kaxanaaqa ee kadaa kkkkkkkkkk muqdisho iyo hargaysa kkkkkkkkk

    • Land of Punt says:

      Aarka Hargeysa.
      Haddii Puntland rabto in Caare wax la qabato oo Somaliland Hargeysa gaaro, ma kula tahay asagoo calankii Somalia bluelle wada gaari karo..
      Hadaan gabadhiisu dilin wardiyihiisa ayaa dili lahaa…
      Waa sheeko ciyaal Somaliland ka timid la isku deyayo in Somaliland cadow la tuso in dumiya rabo si loo mideeyo… taas waa wax saqiirka fahmi karo.
      Marka dhexdiina kala baxa.
      Anaga tan naga dhaxaysa anagoon Caare wadan oo Harti wata i sug, inta Harti wadato, mahayga fadhiyin…kkkkkk
      run,

  4. Land of Punt says:

    Hadalkaan waa hadal siyaasadaysan oo Somaliland ka yimid oo Caare qiil lagu soo celiyo loo samaynayo..
    Macnaha waa geesi qadiyadda Somaliland jecel oo wax tirsanaya.
    Waxaa la isku deyeyaa in wadanimo Somalilandernimo la geliya kuwa u dagaalamaya, Puntlandna in colaada Somaliland dhexdeeda baanka ka tahay la inkiro, macnaha cadow Somaliland dumiya raba. waa dadka cadow tus.

    Puntland dabaalo maaha, Calanka Somalia xiro aan ku taageernee in meesha oolin waa ogyihiin oo rag xukunka Somaliland isku haysta yihiin.
    Ninka Somalia watana Somaliland xukumayn maanta Caare iyo Puntland waa ogyihiin… marka sheeko caruureedka meesha kala baxa.
    Puntland ma rabto in dad xukun isku haya, colaad hurin uga faaiidaystaan in magac ku noqoto beri ma rabaan…. Colaada Somaliland Puntland wado kale leedahay, maaha in ayaga hub isugu dhiibto.

  5. Land of Punt says:

    Aarka Hargeysa
    Gargaaq ma in difaac Somaliland ka tahay ayaad mooday, wuxuu ka dagaalamayaa Puntland baa tiri Calanka Somalia iyo dresska Somalia ku dagaal aan ku taageernee…..!
    war wax ka jiraanba maaha.
    Wiilasha Caare u dagaalaya iyo kuwii la dagaali lahaa ayaa in Mumbanyaa isla qaadaan la isku deyeyaa….Somaliland xaalku waa ku xunyahay hadday halkaas marayaan…. Maamulkii Iidoor waa ruxmayaa.kkkkkkkkkkk

  6. Land of Punt says:

    Macnaha waa wadaniyiin beeshiisa oo dhan inta kale waa qaran dumis…. Puntland iyo Federalka dadka raba haba ugu darnaayeene…kkkkkk
    Isma waydiiyo wadankii markaan gubnay sowtaan kasoo tegey oo lmeel agu noolaan karin noqday.
    see wadani ku ahay..? kkkkkkk
    Inla moog yuhuu u mudaa!

  7. Dabshid says:

    Land of Punt

    Waan dareemahayaa inaad isleedahey Garowe armey martaa jidkii Tukaraq, ha u baqin Garowe waxaa wada difaacidoono dhamaan ciidamada Koofurta Soomaaliya.

    Walbahaar badan ayaa ka muuqdo qoraalkaada, sxb Garowe waa degmo ka tirsan degmooyinka hoostago Xamar.

  8. Land of Punt says:

    Dabshid
    kkkkkkk
    Xuduudkii difaaca dalka oo Xamar masuul ka tahay ma Garoowe ayaad ku ekeysay, wixii ka shisheeya xil kaama saarna… !
    Cudur qabiil qoto dheeraa, nin qabana aqli daranaa!

  9. Land of Punt says:

    Dabshid
    Hadaad aqli leedahay waxaad fahmi lahayd in qabiil nacayb iyo boolo xoofto lagu qasaaray maanta xitaa aadan tabar u hayn, cidna bun kaaga dhimayn.. Somalinimo wado dhaanta jirin iyo in dadka cuqdada qabiil dhextaala la saaro ama la yareeyo hadaan laga saari karin.
    Mudug waa walaalo oo wax ha isku darsadaan iyo colaada iyo durbaanka qabiil oo la garaacayo, xinka iyo xasadnimada lawado waan isqabadsiin waayey!
    Waa sida qof labamiire ( laba miyirle) ah.
    Aad la yaabayso: goorma saxsanaa!

  10. Land of Punt says:

    Wadani dhulkiisa marka gubo oo meel cidna ku noolaan karin noqoto, kama qaxo oo bariis kama baryo Gaal cad iyo mid madow.
    Wadaniyoow xaal qaado.

  11. Land of Punt says:

    Khatumo hanoolato
    Ha u gafin Gabooye, magac baa u baxay mooyee ma jirto ummad ka iiman badan Somali.
    Yey xoolo ka dhacaan ama dhul, yey dileen si xaqdaro ah…. War naga aamus
    Xaqqa laga galay maalin soo ifbixin.

  12. Dabshid says:

    Land of Punt

    Soo maadan arkin madaxda Mogadishu ineysan xagga u dhaafin Garowe, Shiikh Shariif, Xassan Shiikh, Farmaajo, iyo kuwa dambe.

    Waligaa miyaad aragtey Masuul Villa Xamar oo Garowe u dhaafey dhanka Xadka.

    Xeerka Xamar ayaa na xukumo sxb

  13. xaange says:

    Dabshid
    Riyo hadday badhi leeyihiin dabadooda ayay ku qarsan lahaayeen. Xoogga aad garoowe ku difaacayso maad ciyaalka yar yar afka duubta ee shabaab la baxay magaalooyinka ay joogaan isga xoraysid halka ugaandhes kaa waardiyeynayo




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!