Ciidamada DF-Somalia iyo Ahlu-Sunah oo Howlgalo Deg deg ah ka Bilaabay Dhuusamareeb

DH Mareeb ( Kalshaale ) Wararka laga helayo ayaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Jugta qarax labaad laga maqlay gudaha Magaaladaas,kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid ay qarxiyeen Ciidamada amniga.

Dadka goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ahaa miino ay qarxiyeen Ciidamada amniga,isla markaana aysan jirin cid wax ku noqotay.

Sidoo kale Ciidamada amniga dowlad Goboloeedka Galmudug iyo kuwa Ilaalada gaarka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ka wadaan Dhuusamareeb,iyagoona gacanta ku dhigay dad u badan dhalinyaro.

Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn  ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadkaiyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar.

Qaraxii hore ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta INJI ee uu ku shaqeeyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir, Waxaana ku dhintay is miidaamiyihii sidoo kalana waxaa ka dhashay Dhaawacyo Fudud.

Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inay Magaalada Dhuusamareeb ku jiraan dad kale oo is qarxin rabo sida ay sheegeen hey,adaha Ammaanka waana sababta keentay in halkaas laga bilaabo baadhitaano deg deg ah.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Kacaanboy21 says:

    Qaraxa somalida way rabaan. Maamulgobeleed. Puntlabd galmudug jubaland hirshabeele koonfurgalbeed. Federalaka hargaysaland.si besha caalmka loo baryo. Tacsida way kufiicanyhin. Midba kan kale tacsida udiro si .darosho iyo maamul la isu gu hatmysto tusaale. Cidamada waxay yiraahdeen mushahar qaata oo qaraxa suga kadib tacsida diro. Waa nasiib daro. Waa xaqdaro. Waan kaxumhay. Dibuheshisiin.waxaba ugu daran meelaha ay jogaan lama aado. Sida loogoigo qaraxa dhaco la hadlaa. Kheyre wakas hadalka dhaadheer ku hadlaya. Ee qaylada ladoorto. Habar gidir kaxun raysalwasaaraha. Farmaajo. Putland mucarad muda dheer. Anaga madaxwy maxaan unoqon waynay sool laga haysto. Iska hadlaan. Somali qabyalada wada.

  2. Land of Punt says:

    Meesha keliya oo Qarax ka dhicin waa Somaliland..
    Puntland dakhligeeda 50 % amniga gelisa qarax waa celin la’ayihiin….
    Shabaab ma calanka bluega cidda wadata ama one country aaminsan miyey dagaal kula jiraan, anigu yaabaye!
    Alshabaab waa kiraysan, cid u kiraysan yihiinba.

  3. Dabshid says:

    Land of Punt

    Meesha kaliya ee qarax ka dhicin waa Somaliland iyo Ethiopia.

    Kenya, Uganda iyo Somalian Koofur miyaa qaraxa shabaab loo sameeyey.

    Somaliland, Ethiopia iyo UGUS waxey ka mideysanyahiin bedalidda Calanka Bluegaa.

  4. NuurkaNederland says:

    QARAXYADA WAXAA WADA OO FANGAREEYA ISIS,ALSHABAB WAA:
    CIA,MI6,MOSSAD,SIS,iwm.
    Tusaale Fudud:
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    KEN O’KEEFE ex-U.S.MARINS SAYS:WE THE WEST,WE ARE ISIS,WE ARE ALQACIDA…CIA,MI6,MOSSAD ARE ISIS!!!!!.
    TRUMP SAYS:ZOINEST CREATER ISIS,HELLERY CREATER ISIS,with OBAMA!!true story,Rec.
    TRUMP SAYS:9/11 VOET BAL GAME.
    TRUMP SAYS:OBAMA HE FOUNDED of ISIS,CO-FOUNDER HELLER CLINTON.true story,Recoding.
    IS=ISRAEL SECRET (EREY BIXIN CUSUB OO ISIS LOO SAMEEYEY)KU IFI TOOSHKA.
    I SAID:TERRORIST IS NOT MUSLIMS & ISLAMICE.
    IF YOU DON’T KNOWS…NOW YOU KNOWS….

  5. Kacaanboy21 says:

    1 calanka hargaysa xidigta madaw.iyo kalimda tawxiidka
    2 calanka ashabaab midab.madaw.oyo kalimda tawxiidka
    3 calanka somali oyo maamulgobeleed buluug xidig xad.jigjiga muqdsho puntland jabuut galmudug hirshabeele koonfurgalbeed. Garirsa. Waa isku calan
    Sababta Aduunka udiiday hargaysa waxay wataan calanka argagixisada Aduunka. Waa isku mid. Badhitaan lasameeyay. Citiraafka loodiiday waa sidaas oyo 2 gobal degaan. Hargaysa iyo burco degaan ahaan. Doonayaan dhulbalarisi. Hartiga. Sool iyo sanaag. Waxay aminsanyihin in kacaankii xasuuqay laakiin iyaga xasuuq rabaan. Hadii puntlabd iskacelin lahayd citiraafka danbe lanaqaleen ee waxay wayeen harti iska celiya
    Tusaale haw degaankooda lagu ma qabsado. Laakiin kuwa harti noqday kuwa aan tayo kartI lahayn. Is difaaci karon. Waayo ethiopia 80 milon kiristiyana marabaan jegaanta dawlad noqdaan. Muda dheer been tikreega usheegay. Kana tagay. Raysalwasaaraha ethiopia marabo jegaanta laakin iski dhadhajiyaan because of darood nacayb.




DAAWO: DF-Soomaaliya oo Amniga Dhuusamareeb si Rasmi ah ula Wareegtay
- Jul 16, 2019
DH-Mareeb ( kalshaale ) Ciidamada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ...
Daawo Video: Kulankii dhexmaray Godoomiyaha Baarlamanka DFS iyo Wafdigii QM
- Jul 16, 2019
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah ...
Jaamac Fariid Saygii Hodan Naaleeye, Mashaariicdii uu Kismaayo ka waday
- Jul 16, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Jaamac Ismaaciil Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka ...
Madaxwaynaha maamulka Amxaarada oo Noqday la Taliyihii R/wasaare Abiye Axmed
- Jul 16, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar iyo Haweenkii Kale oo Shir Jaraa’id Qabtay & Jawaab Adag oo ay siiyeen Donald Trump
- Jul 16, 2019
London ( Kalshaale ) Afar hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , kuwaas ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!