MUUQAAL: Khayre oo ka hadlay Hoyga Nabadda oo Laga dhisayo Gaalkacyo !

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Xasan Cali Khayre Raysal wasaaraha Soomaaliya  ayaa dhagax dhigay Hoyga Nabadadda magaalada Gaalkacyo, Wuxuuna ku tilmaamay sharaf u soo hoyatay Mudug iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Khayre  ayaa ku ammaanay maamullada labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyo gobalka Mudug dadaalkooda ku aaddan nabadaynta waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan si guriga nabadda Gaalkacyo loo gaarsiiyo guriga nabadda Soomaaliya.

“Gaalkacyo midaysan waa Soomaaliya mideysan, Gaalkcayo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah”.

Munaasabad dhagax dhigga oo ay ka qayb galeen guddoomiyayaasha gobalka Mudug iyo gudoomiyayaasha degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ka dhacday qaybta Koofureed ee magaalada Gaalkacyo.

Hoyga Nabadda Gaalkacyo ayaa saldhig u noqnaya dadka ka shaqeeya nabadda Gaalkacyo, odayaasha dhaqanka iyo dadka samaddoonnada ah ee bulshada isu soo duma, si sare loogu qaado isdhex galka bulshada, dib-u-heshiisiinta, loogana shaqeeyo soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Land of Punt says:

    Galkacyo armuu uga daraa Khayre, nabadda cago badan ku taagnayn oo meel fog laga keenay.
    Ninka waxaan arkay oo bahdil u eg ka sameeyey Galkacyo miyaa Galmudug nabad ka dhexdhalin..
    Ka hordhicimaayo laakii waa ka yara qalbi jabay..
    Nin dulqaad leh maaha.
    Hoy nabad kuye! Dab buu dhexdhigay oo maanta xitaa Puntland madaxdii is eedaynayaan.
    Galkacyo wasiiradii Puntland u yimid asaga iyo madaxdii gobolka madaxa iskula jiraan….
    Wuu iscajabiyey daanyeerka, Somalia meel fiican u maraysay, buuq loo baahnayn abuuray, why he do that?☺️

  2. Dabshid says:

    Waan ogaa inuusan Rasalwasaare Kheyre mideyndoono Shacabka degmada Galkacyo.

    Shaley wuxuu isugu geeyay garoonka kubadda cagta ee C/llaahi Ciise, Kafiilkii reer Galkacyo.

    Maantana wakaas dhagaxa dhigey gole shaaha loogu wada kariyo.

    Dictatornimadii wuxuu ku darsadey Geesinimo.

    * Kheyre shaqow qabtee, Afmadow yaa tagaa

  3. Land of Punt says:

    Puntland wixiina samaysta Koofur qaskii weli ma dhammaan.
    Dadkaan aqli uma kordho, in hub iskugu dhiibo lee hartay!

  4. Dabshid says:

    = Inuu Rasalwasaare Kheyre mideyndoono shacabka degmada Galkacyo

  5. Dabshid says:

    Colaad ku qasbeyso jufo ka mid ah maamulka Galmudug iney iska dhiibto Garowe ma jirto, saas oo ay tahey waa isku mid, midkey aadaan

    Mudug iyo Galgaduud ama
    Bari iyo Nugaal

    Wadajir ayaa horumar leh




DAAWO: DF-Soomaaliya oo Amniga Dhuusamareeb si Rasmi ah ula Wareegtay
- Jul 16, 2019
DH-Mareeb ( kalshaale ) Ciidamada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ...
Daawo Video: Kulankii dhexmaray Godoomiyaha Baarlamanka DFS iyo Wafdigii QM
- Jul 16, 2019
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah ...
Jaamac Fariid Saygii Hodan Naaleeye, Mashaariicdii uu Kismaayo ka waday
- Jul 16, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Jaamac Ismaaciil Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka ...
Madaxwaynaha maamulka Amxaarada oo Noqday la Taliyihii R/wasaare Abiye Axmed
- Jul 16, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar iyo Haweenkii Kale oo Shir Jaraa’id Qabtay & Jawaab Adag oo ay siiyeen Donald Trump
- Jul 16, 2019
London ( Kalshaale ) Afar hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , kuwaas ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!