MUUQAAL: Dhoolatuskii R/wasaare Khayre ka sameeyay Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland aysan ku Farxin

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maalintii Shalay Kumanaan kamid ah shacabka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo Kula hadlay Goob Fagaare ah, Iyadoona Arintaas ay siwayn uga Xumaadeen Xubno ka tirsan maamulka Puntland oo doonayey in la kala Qariyo Shacabka iyo Khayre.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Raysal wasaare Khayre ayaa sheegay in Shacabku ay Dawlad u baahan yihiin, Dawladduna ay shacabkeeda u baahan tahay  “Lama Kala Qaadi karo Shacabka Dawaldda, Waa Beerkii iyo Wadnihii,   Dawlad aan shacab lahayn Dawlad maaha, Shacab aan Dawlad lahayn Shacab maaha “ Ayuu yidhi Khayre.

Khayre ayaa sheegay inuu Halkaasi u yimid inuu la Wadaago sida Qalbigiisu Raali uga  yahay, Gaalkacyo oo Midowda, oo Horumar gaadha.

“Waxaan idiinku imid inaan idinla wadaago Qalbigayga Sidaan Raali idiinka ahay, Gaalkacyo oo Hagaagtay waa Soomaaliya oo Hagaagtay, Xalka Gaalkacyo oo Midaysan waa midkii Midayn lahaa Soomaaliya, waaa inaad Soomaaliya Tusaalle uga dhigtaan” Ayuu yidhi Khayre

Khayre ayaa Ballan Qaaday in Dawladda Soomaaliya ay dhisi doonto Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaalle , Taasi oo dhalinyaradu ay Baahi wayn u qabeen.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 22)

  1. Dabshid says:

    Markaan ogaadey inuu Kheyre yahey Dictator yar hadda maaheyn, Dictatornimo, Aftahannimo, iyo Geesinimo= Leadership

    War ninka naga qabta intuusan nagu xoogeysan.

    -Xaaf oo ah Barasaabka Mudug iyo Galgaduud ayuu Xamar u xawiley, waaba DALXAHEENA BARI Mr Deni oo Ice-cream boorsada ku wato, yuusan ku tarxiilin Kheyre Boowe.

    * Kheyre ku arag, Farmaajana kuu aamus waa Habaarka sanadkaan.

  2. Idoor liqe says:

    War dee qaranku kama Maarmo Beesha Majeerteen, ninkii Calanka Somaliya sameeeyey iyo ninka ku saxeexan Lacagteena Shiling somaliga ah Maxamed maxamuud soo Majeerteen ma aha .

  3. Dabshid says:

    Xataa uma jeedo CALALKII DOWLADDA DALKA PUNTLAND miyaa la mamnuucey, waxaan u maleyn inuu soo dhamaanhayo Cancerkii Meles Talaaley aka Federaal Gaaweeto.

    * Galkacyo waa bilowgii Federaalka ama dhamaadkii Federaal (Dr Baadiyow).

  4. Land of Punt says:

    Khayre cunug yar iska ordaya noqday oo ciyaal xamaasadaysan isku sawiraya..
    Meeday geedi soconkii nabadda, la rabay in maamulka la hadlo iyo meesha la joogo sidii hore looga socon lahaa, isku soo jiidka ummadda iyo xallinta qilaaf wixii ka harsan gobolka Mudug iyo dowladnimada Somalia.
    Wuxuu abuuray tension loo baahnayn.
    Waxaan sugeynay in Galmudug maamul u dhan yihiin dhiso, hadda Puntland sii fogeeyey.
    Waa ciyaala suuq mooda in caruurtaan talo ka go’do.
    Daanyeer, inta kuu hartay meelahaaga boodbood, kollay lacagaysataye, waana markii kuugu dambaysay oo Puntland lagaa soo dhaweeyo.
    Car Baraxley isoo dhaaf.

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      LOP, saaxiib yaan lagaa tegin. °Khayre wuxuu yiri; “Anigu odayo Qabyaalad dilatay oo macaan jecel ah la hadlimaayo ee UBAXA ayyaan la xiran. °Adeer ma aragtay mid u hadlay Puntland af-xumada uu kula hadlay Wasiirki Koowaad ee Dawladdi ummadda Somali? Ma taas baad raalli ka tahay?. Waxaan maqli jiray; “Habadnimada qaarkeed aday kuu had noqota”: °Adeer kool koolinti Puntland waxay dhashay inay Dawlad gooniya is Moodo oo ay Madaxdi Dawladda kula hadasho luuqad aan munaasib ahayn. °Aaway; “nin rag ah baa Amaal-Abaal loo gala oo lagu ogaada”. °Puntland Puntland Puntland dhammaatay Waxaan gaarnay ilaa uu DENI ka maago inuu Xamar tago. °Adeer halla yaabin haddaad aragto Anigoo SI XAD DHAAFA uga soo horjeeda Shir Somali oo lagu qabto Garawe SAA waa aragnay waxay kool-koolinti nabade. °°°°°Qaar baa mooday inaan mar dambe Dawlad Somali la heli doonin! HADDABA ma waalanyihiin Dawladaha ay Safiiradoodi XAMAR ku soo qulqulayaan?. WBT

  5. xaange says:

    Kabajaa ninkii kashkaash u goglaa ileen karaamo malahee gogoshuu uga kaadiyaa.
    Waa tabta Khayre Gaalkacyo ka sameeyey. Laakiin cidna wax umuu dhimain ee ruux isku kaadiyey inta gogol loo dhugay buu la mid yahay. Khayre Deked inuu dhagaxdhigo ayuu diidey maloo joojiyey waa maya dekedii sow maanta dhismaheedii meel fiican ma maraaayo muxuu diidmadii maalintaa uu sameeyey aan sharaf dhac iyo karaamo daro aan ahayn ka faa iidey.

  6. xaange says:

    Lop
    Waan ku fahmaey waxa aad ka hadashay.
    Ma ogtahay in waxgaradku markii horeba diidanaayeen inay la kulmaan Khayre oo ay dheheen ninkii aanu dekeda Garaced dhagaxdhigeeda ku sharafnay ee naga diidey maxaanu kala kulmaynaa. In wasiirkan oo Khayre reer Oslo isla yihiin si shakhsiya isu yaqaanaan saaxiibo dhowna yihiin uu wax garadkii ku qanciyey inay la kulmaan oo ayna waydiiyaan tabashadooda iyo eedaha ay u haystaan sidaana wax garadkii qaar ka mida ay isugu diyaariyeen inay la kulmaan.Laakiin nasiib daro Wasiirkii saaxiibka khayre ahaa iyo waxgaradkiiba wuu khilaafay isagayna sharaf dhac ku tahay ee waxba kama dhibayso.
    Anigu Khayre & ina dhabancadba si shakhsiya ayaan labadaba u aqaan reer oslo ayaanu wada nahay.Khayre oo maqaaxi haysta ayaan ogaa mudo ka bacdina PM isgoo ah ayaan arkay yaab kkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Maxamud says:

    Lop iyo xaange mxd laqeylineysan kheyre hadeey isfahmeen cayr iyo cumar maxamuud inta kale waa canbullo carabsaaran kkkkjjj

  8. Mr BaHaL says:

    Dhaliyrata Somaliyeed xanuunbaa lagu beeray.Waxaa muuqda inay ka daaleen beentii iyo wixii lagu soo waday ilaa markii ay dhasheen.

    Dhalinta Somaliyeed waxaa u fiican inay wadanka qabsadaan sidii kuwii Japanka iyo China.

    Waa inay ciidanka galaan oo wdanka ka xoraystaan Alshabaab iyo kaba qaadkii shisheeyaha.

    Khayre wuxuu leeyahay calaamadaha Hogaamiyaha. waxaad moodaa inuu ku hadlayo hadalo milgole oo ay dadku dhigaha u furaan.

    Kuwa kala qaybiyay hal magaalo,dhalinyarta Somaliyeed rajo kama sugayaan.

    Maya,dhalinyartu aqli ayay leeyihiin.
    Waxba uma soo wado nin fawdo ku lacagaystay oo meel calan yar ka taagtay oo kolba Gaal u baryo ku soo dhawyaa Tuladiisa.

    Wafti ayaa ii joogaa kkkk

    Dhalinyratu shaqo iyo nolol ayay rabaan.Aqoon ayay rabaan oo mustaqbal ayay hiigsanayaan.

    Oday mustaqblkii ku soo madoowyahay inay dhegaystaan waa qalad.

    Dalmida

  9. Dabshid says:

    Garqaad

    Kawar hee, miyaad u jeeda HAL QOF OO REER QURAC AH, oo leh DENI waa qaldan yahey.

    ilaa reer Muqdisho bartaan aqliga ka shaqeeyo Quraca hoostiisa, sidaas ayaa loogu soo gashan JACKET GUNO DOON AH ( Sorry Qaran doon ah )

    – xildhibaan Zakariya iyo Max’ed Cabdi Yuusuf miyaad aragtey. Waa raggii Qalbi-Dhagax Ethiopia u geeyay.

    * Qaran doon mise Guno doon

  10. Landof Punt says:

    Maxamud
    kkkkkkkk
    Sxb dhibka jiraba waa in Cumar Maxamud iyo Cayr midna wadan maanta Khayre.
    Wadaadadii suufiyada reer adeerkaa weli ma qanacsana, Saleeban iska ilow waaba xanaaqsan yihiin, Sacadna indha taag ku jiraan iyo muxuu Khayre soo wadaa.. oday Xaaf xow ku sameeyey.
    Mareexaan iyo Dir in shaah loo ogol yahay ma aaminsana…kkkkk
    Cumar Maxamud, Leelkase, Reer Bicidyahan Galkacyo ku daaye, ganjeelihi Puntland xirteen.
    Canbuulo carrab saaran inta kale, lama joogo.
    Cambuulo karsamaysaba mala hayo.
    Khayre digsigii ku kaadiyey.🤓
    Weli si fiican ma rajo dhigin….aniga.

  11. Garqaad says:

    Imaam dabshid salaan sare.

    Reer qurac miyaad weli rejo ka leedahay. In ay isku cadeyaan.

    Ku baro ururkii kablalax ee Mr gaas hogaaminaayay.

    Imisaan lahaa sida reer qurac hadii loo xisaabsato ama waa lakala tagilahaa ama waa la heshiin lahaa.

    Shaqo ayaan ku jiraa war badan kama gaaro.

  12. Mr BaHaL says:

    Waar wax badan ayaa laga soo gudbay e la socda.

    Faroole oo odhan jiray Ruuga cas ee loo dhigay shariif axmed anna aan maro.

    Wafti kasta oo u baxa dibada waa inuu ku jiraa dad Puntland ka socda.

    Melez iyo Adis loo dacwo tago.
    Wax la yidhaa Beesha Caalamka oo loo dacwo tago.

    Xidhiidhka oo loo jaro Muqdisho.

    Xildhibaanada Garoowe ka soo jeeda oo lo yeedho.

    Maamul fawdada Somaliyeed oo la shiriyo.

    Go’aano lagu dhawaaqo iyo Ururka maamul fawdada oo midooba.

    Waxaasi way soo gudheen.

    Mr Deni wuxuu haystaa digniin.
    Taasi oo ah :

    A)in aanu iskugu yeedhikarin wax la yidhaa maamul goboleed kkk
    B) In uu ku ekaado meesha uu maamulo ee la yidhaa Puntland.
    C)In isagu wixii uu rabo kala hadlo dawlada

    Nacnac dambe iyo midiow la yidhaa maamul goboleed wuu soo gudhay.

    Adeer Beeshii Caalamka ayaa ka daashay quudinta Somalida.

    Stawuu ayaa ka dhacday.
    Dalmida

  13. Land of Punt says:

    Maxamud
    Anigu Ahlu Sunna ahay, old Somali dariiqa.. peaceful.
    aanu isku imaan jirnay xiliyada sida mawlidu nabi..calayhi salaam, ciidul fitri, ciidul adxa.. etc.
    Ku dikriyi jirey: Inta raacday nabiga, rafiiqooda noqday oo rumaysay islamka naga yeel. Amiin.
    Khawaariij, Wahabists iyo bloody Salafisteyaal, wax kuma darsado.. Calankeeni tuuray oo mid madow xirtay oo dadkii hasteen dhurwaa u qalay..
    They are indeed foreign created enemy and bloody killers.

  14. Land of Punt says:

    Ahmed Somali
    Adeer fikirkaaga xorbaad u tahay, waxa aad rabto in ka hadasho miiska soo dhig adiga oo cidna u joojin.. Karbaash la dhac cidda fikirkooda diidan tahay ama siyaasadooda…. This is free forum.
    Aan suaal ku weydiiyee, Beledweyne weegaan gudoomiyihii parleman Hirshabeele ayaa joogay.. Dabageed malasoo qabtay, Hirshabeele carro ma nabadbaa! Ganacsiga Puntland iyo Hiiraan waa isku xurnaayeen.. nabad u rajayn.
    Salaan✋

  15. Ahmed Somali says:

    ASC.
    LOP, saaxiib yaan lagaa tegin. °Khayre wuxuu yiri; “Anigu odayo Qabyaalad dilatay oo macaan jecel ah la hadlimaayo ee UBAXA ayyaan la xiran. °Adeer ma aragtay mid u hadlay Puntland af-xumada uu kula hadlay Wasiirki Koowaad ee Dawladdi ummadda Somali? Ma taas baad raalli ka tahay?. Waxaan maqli jiray; “Habadnimada qaarkeed aday kuu had noqota”: °Adeer kool koolinti Puntland waxay dhashay inay Dawlad gooniya is Moodo oo ay Madaxdi Dawladda kula hadasho luuqad aan munaasib ahayn. °Aaway; “nin rag ah baa Amaal-Abaal loo gala oo lagu ogaada”. °Puntland Puntland Puntland dhammaatay Waxaan gaarnay ilaa uu DENI ka maago inuu Xamar tago. °Adeer halla yaabin haddaad aragto Anigoo SI XAD DHAAFA uga soo horjeeda Shir Somali oo lagu qabto Garawe SAA waa aragnay waxay kool-koolinti nabade. °°°°°Qaar baa mooday inaan mar dambe Dawlad Somali la heli doonin! HADDABA ma waalanyihiin Dawladaha ay Safiiradoodi XAMAR ku soo qulqulayaan?. WBT

  16. Ahmed Somali says:

    ASC.
    LOP, Saaxib inteed ila aaday? saaxiib reer Hiiraan waan u dhashay LAAKIIN hawlahooda kama warqabo oo HADDA waxaan ku jiraa dhufeys ku yaal Buhoodle oo aan ku hortaaganahay hororka ISAAQ & MAJEERTEEN. °Adeer ima garakartide waxaan ahay Xaq u dirir HADBA Cidda laga gardaranyahay la safta. °Adeer si aan caadi ahayn baan u fikiraaye BAL ii sheeg cid aan Sheegto HADDUU igu Jiro dhiig; Xawaadle, Mareexaan, Ogaadeen, Shiikhaal iyo qaar kale, haddana MAASHÀ-ALLAAHUYE ay caruurteyduna ay ii keeneen; Awrtable, Dhulbahante, Isaaq, Majeerteen, Sacad iyo iyo iyo? marka sow qasab iguma aha inaan iraah Qabiilkaygu waa Somali. °Rooble. VIVA maryooley. WBT

  17. Land of Punt says:

    Ahmed Somali
    Kkkkkkkkk
    Walaahi Somali run ayaa tahay…
    Aniga waa kaa masayray, aniga hal Habar cad ag fadhiyaa…kkkkkkk kaftan.
    Laakiin waa jeclahay way ii roon tahay, in naag kale ila qaybsato waan ogahay meesha ka joogto..
    Buulkayga isaga jirin…..
    War ninyahow libaax baa tahay…kkkkkkk
    Dhulbahante dhulkoodii bay joogaan, bal orod Cali Khaliif Hargeysa kasoo kaxee!
    Laf cad baad toobin ku haysaa.

  18. Ahmed Somali says:

    ASC.
    LOP adeer, Dhulbahante waxaa dayriyay Xasan Sheekh MARKAASU Cali Khaliif u soo jeestay inuu mideeyo reer Waqooyi DABADEEDNA loo xisaabtamo Reer Waqooyi & reer Koofur. °Cali waa ogyahay inuu iska dhammaan xiisaha ka dhex jira Isaaq & Dhulbahante MARKA hammigiisu waa meel sare iyo Reer Waqooyi & Reer Koofur oo is hor fariista. WBT

  19. Land of Punt says:

    Ahmed Somali
    Aduunkii waa isbedelay, ma 1960 ayaa weli joogtaa..
    Haddii arinka yahay Waqooyi iyo Koofur oo sax u aragto maxaa Majeerteen iyo Puntland laga rabaa oo loo eedayn, maa tiraadid Cali Khalif waa sax in Hargeysa joogo ee Puntland dhulka sheeganayaan amaan ha siiyeen…
    Majeerteen baa hagraday iyo dalku waa Waqooyi iyo Koofur mid aan kuugu imaado. Kkkkkkk

  20. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin,
    Land of punt, maxaa tiri, ra’iisalwasaare Kheeyre waa daanyeer Wardhiigley mooska ka xaddi jirray! kkkkkk, walaahi thas is funny kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk 🙂

    Dadka Majeerteen anniga waxaan aaminsanahay inkastoo eey meelaha qaar nusqaan kayahiin, haddana waa qabiilka Somaliya uGu siyaasadda fiican, dadka hogaamiyana eey heeystaan dad qabiil ahaan u abaabulan, oo mideeysan. Tani ciyaar maahan.

    Agoonta kacaanka ma fahmi karaan waxa u fiican, iyo waxa u roon. Ninkaan wardhiigleey mooska ka xaddi jirray ee Murusade, iyo mid ilkayar ah, ayaa waxeey soo xadaan “qudbaddo” eey dad horay u dhahaan, oo aanan maskaxdooda kasoo bixin. Waxuu kaloo sameeyn daanyeerkaan wardhiigleey mooska ka xadi jirray, in uu tuuto lagu jimicsaddo soo qaato, ayuu dadkaan daanyeerta ah ee caqliga xun ee Koonfurta Kaalgacyo ilaa iyo Xamar u dhaxeeya ku harowsaday. Midka isaga boss kiisa ah, ee Ilkayar, madaxweeyne Farmaajo, 10 jeer ayuu tuuto gashtay, agoonta kacaanka iyo guulwadayaashooda dhaheen madaxweeynaha waxuu dagay xeryaha ciidamada iyo wasaaradda gaashaandhiga, oo dagaal ayuu hogaamin. Waxaas oo dhan, waa been lagu qaldo dadka caqliga daanyeerka leh. Laakiin, daanyeertaan ma qaldi karraan Majeerteen, oo ah, dal facweeyn, oo Somaliya ku dhagan. Mardhowna dowladdda Puntland ee dalka Somaliya waa in eey xariirka u jartaa daanyeerkaan wardhiigleey mooska ka xaddi jirray. Walaahi, waa qosol hadalkaas land of punt.

    Dalmida.
    God bless Somalia.




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!