Dawladda Sooamaliya oo Si adag uga hadashay inuu kulan dhexmari doono Madaxda Somalia iyo Kenya (Waraysi)

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa beenisay inuu jiro kulan ay Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta ay ku yeelanayaan 13ka bishan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uusan jirin kulan u qorsheysan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo ka dhacaya Magaalada Addis Ababa.

Wasiirka Arrimaha Dibbada oo wareysi siiyay Idaacadda BBCda ayaa sheegay in wasaaraddiisu qaabilsantahay Arrimaha dibadda wararkaasna ay yihiin kuwo laga been abuurtay.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Qaar kamid ah warbaahinta Soomaalid  ay baahinayeen in magaalada Addis ababa ku kulmayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru, Taasi oo hada isugu soo Biyo shubatay war aan waxba ka Jirin.

Inta badan Warbaahinta Somaalida oo ay ka Muuqato Xirfad la’aan  iyo Xog baadhis ayaa soo Min guuriya Wararka ay Qorto Warbaahinta Kenya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Dabshid says:

    Saas waaye Jaalle Wasiir, dacwada dowladdii hore ayaa maxkamad u gudbisey oo diidey in lagu gorgortamo Baddeena,

    Waajibka maamulka haddana waa iney sugaan go’aanka maxkamadda oo aan waluba Appeal ka qaadan doono, iyo waliba xabad haddii laga fursan waayo.

    No deal no negotiation,
    no more no less.

  2. abdirashid says:

    Nabad iyo nolol warkoda lama rumeysan karo cebtodana ma aha wa cadadod inay shirar masiirka somaliyed ku xiran yahay intay galan hadana diiden inay shacabka la wadagan wixii shirarka lagu so go,amiyey shirkan ay hadda inkiriyana wu jira mareykankana wata in badii somLiya wada hadal lagu dhameyo is af garanwaga jiro e inkirad iyo ben bay balayo ku dhigen

  3. Land of Punt says:

    Kiiska muranka badda Somalia iyo Kenya xeerka sharciga caalamka u yaal waxaan ahayn ninka heshii ku gala, Somalia cafin mayso asaga iyo firka kasoo jeedo.
    Waa xeer cad= inta dalkaaga xeebtaada dhirir km. le’eg tahay ayaa economic zone 200 km leedahay oo parallel ah….
    Tusaale: xeebta Kenya waa 530 km, waxayna sheeganayaa 1100 km economic zone in ka badan..
    Waana sababta maxkamadda u diidan yihiin iyo aan heshiino oo saaxibadood Engris, Yahuud iyo Maraykan hadda madaxda Somalida in kiiska maxkakadda kala soo noqdaan ku cadaadinayaan..
    Very important in Somalida warkaan fahmaan…
    We trust no body, macal Farmaajo iyo Khayre..

  4. wiil biimaal says:

    warkan awalba waxa soo alifay waa nabar iyo naxdin wayna ka halowday




DAAWO: DF-Soomaaliya oo Amniga Dhuusamareeb si Rasmi ah ula Wareegtay
- Jul 16, 2019
DH-Mareeb ( kalshaale ) Ciidamada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ...
Daawo Video: Kulankii dhexmaray Godoomiyaha Baarlamanka DFS iyo Wafdigii QM
- Jul 16, 2019
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah ...
Jaamac Fariid Saygii Hodan Naaleeye, Mashaariicdii uu Kismaayo ka waday
- Jul 16, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Jaamac Ismaaciil Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka ...
Madaxwaynaha maamulka Amxaarada oo Noqday la Taliyihii R/wasaare Abiye Axmed
- Jul 16, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar iyo Haweenkii Kale oo Shir Jaraa’id Qabtay & Jawaab Adag oo ay siiyeen Donald Trump
- Jul 16, 2019
London ( Kalshaale ) Afar hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , kuwaas ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!