Daawo Muuqaal: Puntland Maxay ku Dhaliishay Safarkii R/Wasaare Khayre ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Maamulka Puntland ayaa ka hadlay socdaalkii uu ra’isul wasaaraha dowladda federaalku uu ku yimid Waqooyiga ee magaaladda Galkacayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad  oo shir jaraa’id ku qabtay Galkacayo ayaa ku eedeeyay Ra’isul wasaaraha inuu diiday hanaankii iyo maamuuskii ay ugu talageen.

“Hanaankii iyo meeqaamkii aanu ugu talagalnay si masuuliyad darro ku jirto in Ra’isul wasaaruhu u diiday oo uu yiri annigu hanaana raaci maayo, umana socdo inaan isimo, odoyaal iyo waxgarad u diyaarsanaa inaan la kulmee ee waxaan u socdaa inaan dhalinyaro meel iigu diyaarsan inaan dhexgalo, dhalinyarada inuu dhexgalo annagaa diyaar u ahayn oo jadwalkagay ku jirtay”

Haddii aanu aragnay wixii ilaahay maanta na tusay, waxaan maqli jiray cimrigaaga oo Raaga Geel Dhalaaya ayuu ku Tusaa, maanta wixii aanu aragnay waxay ahayd in dad badan oo Soomaaliyeed nala arkaan” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Wasiirku wuxuu raaligalin iyo cudur daar u diray isimadii iyo cuqaashii uu sheegay inay u diyaargarobeen soo dhaweynta ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’isul wasaare Khayre oo labadiii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaan Galkacayo ayaa waxaa maanta garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Siyaasiyiin, Waxgarad iyo dhalinyaro.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 19)

  1. Guulwade says:

    Dani wali muqdsho matagin. Raysalwasaaraha plan qorshe wuu yeelan kara. Waayo puntlabd waa ok mesha ubaham in maanulloosaneeyo waa galmudug. Garacad buu ka diiday gaas. Inuu xariga ka jaro. Ee putland raysalwasaaraha isma fahmayaan puntlabd. Madaxwyne kasta. Iyo raysalwasaaraha isma fahmaan. Muda dheer. Puntland. Federalaka ha ku ashquulina ee sool orda xoreeya. Haritga dhulka laga haysto.

  2. somalijecel says:

    Dalka fowdaa la jirta waxaan ma ahan federal warlord un baa fowdadii loo sharciyeeyay.Bal PM ogolaasho weydiisanaaya barasaab dalka fowdada Dan uma ahan Soomaalaay.

  3. Land of Punt says:

    Xaange
    Dood hoose, waxaa laga yaabaa inaad isleedahay: LOP muxuu ka hadlaya yuu qaldayaa, ayaa u sheegin. xabad ima gafsana….Khayre waa ciyaalka xaafada oo PM laga dhigay…
    Puntland asaga ayaa madax u ah, inuu yiraado; aniga dhakiyarada cid ahayn ma rabo in la kullmo taas xitaa xaq u leeyahay, isaga ayaa inuu masuul fiican ahayn miiska isasaaray….
    Dadka masuulka ah oo magaalada sidaas ka dhigay, ma rabo in la kulmo, ciyaalka iisoo uruuriya..kkkkkkkkkk
    Waa daanyeer, Wardhiigley moos ka xadi jiray oo Somali PM laga dhigay.
    Hadda ka dib ninkee masuul Puntland ah oo raba in la kulmo Khayre? he created unnecessary tentions and bad communications

  4. Land of Punt says:

    Khayre hadduu islahaa Majeerteenka meesha kuu diyaargaroobayey oday iyo waxgarad iyo siyaasiin oo ku sugaya bahdil…ma hubo laakiin waa dhici kartaa in sidaas u fekeray.
    Taas he fail misarably.
    Kharye waa Somali PM dalka meesha rabo tegi karaa, cidda doonana kulankooda diidi karaa laakiin asna taageero haystay qashinka ku daray.

  5. Land of Punt says:

    Aniga asagoo Waqooyiga Galkacyo looga diyaar garoobayo la kulankiisa ayaa iigu dambaysay, saqiir iyo kabiir..
    Dadkii sugayey u gooyey..kkkkkkkk
    Daanyeer moos ka xadi jiray Wardhiigley oo PM laga dhigay.

  6. Dabshid says:

    Rasalwasaare Kheyre uma baahna inuu wargeliyo Barasaabka Bari iyo Nugaal Mr Deni, booqashadiisa degmada Galkacyo.

    Rasalwasaaruhu wuxuu booqasho ku joogaa maamulka Galmudug waana ku waajib inuu wada arko dhamaan odayaasha, dhalinyarada iyo waxgaradka jufooyinka degaamadaas.

    ‘ $150,000 ee lagu dhisahayey garoon mideeyo dhamaan dhalinyarada degmada miyey la rabaan shaxaad.

    * Nalooma Juuqin iga dheh

  7. Dabshid says:

    Nalooma juuqin
    Nalooma taagin
    Nalama salaamin

    Waacado reer Bari

  8. Barwaaqo says:

    Min-weyntii Fadaraalkaa hinaastay!

  9. C/Raxmaan says:

    Waxuba waa godkii uu sheegayey Gureyle Museveni ! Ilaahyada faraha badan een caabudno ma aha kuwo KU heshiinkara cibaadada ay shacabkooda ula soo qasdiyaan . Hadaan ka gaaloobiweyno daaquudka aan caabudno aka qabiil . Waxaan mudanahay in ay naxukumaan dad kale kuwaasoo uusan allahooda ka dhalan qabiil Soomaali ah .

  10. C/Raxmaan says:

    Puntland waxeeda waa ismaqiiq . Hadal yaab leh ayaa waxuu leeyahay ; Haddii la helilahaa Wiil aka nin KU guursada gabadh CIRKA waxay dumarkana balanqaadilahaayeen iney kasoo qaybgalaan arooskaas oo ay waliba wacdaro ka dhigilahaayeen . Balanqaadkaas oon noqdeen sidii dhisme uu dhagaxdhigay musharax xildoon ah !

    ___
    Hadda Kheyre iyo maamulkii Puntland kumeysan balamin BUG-BUG iyo soo dhaweyn . Maamulka Gaalkacyo ee Puntland way horistaagikaraan kulanka Kheyre uu la yeeshay dhalinyarada ! Haa way awoodaan . Haa , oo haa . Waxayna adeegsanayaan AMNINGA . Lkn marba hadduu dhex-mushaaxay waxay aheyd iney u isticmaalaan borobagaando amniyeed oo iidheh weyn u ah Puntland.

  11. Xaange says:

    Kabajaa ninkii kashkaash u goglaa ileen karaamo malahee gogoshuu uga kaadiyaa.
    Waa tabta Khayre Gaalkacyo ka sameeyey. Laakiin cidna wax umuu dhimain ee ruux isku kaadiyey inta gogol loo dhugay buu la mid yahay. Khayre Deked inuu dhagaxdhigo ayuu diidey maloo joojiyey waa maya dekedii sow maanta dhismaheedii meel fiican ma maraaayo muxuu diidmadii maalintaa uu sameeyey aan sharaf dhac iyo karaamo daro aan ahayn ka faa iidey.

  12. C/Raxmaan says:

    Gaarigaaga ha kaxeyn habeen / mugdi adigoon nalalka u shidin , waayo naftaada iyo ta dadka kaleba HALIS ayaad ku noqoneysaa , allaha qaldan eed caabuddo wuu kasii qasaaro iyo halis badanyahay aaladdaas iyo waliba QUMBULAD !

  13. Xaange says:

    Lop
    Waan ku fahmaey waxa aad ka hadashay.
    Ma ogtahay in waxgaradku markii horeba diidanaayeen inay la kulmaan Khayre oo ay dheheen ninkii aanu dekeda Garaced dhagaxdhigeeda ku sharafnay ee naga diidey maxaanu kala kulmaynaa. In wasiirkan oo Khayre reer Oslo isla yihiin si shakhsiya isu yaqaanaan saaxiibo dhowna yihiin uu wax garadkii ku qanciyey inay la kulmaan oo ayna waydiiyaan tabashadooda iyo eedaha ay u haystaan sidaana wax garadkii qaar ka mida ay isugu diyaariyeen inay la kulmaan.Laakiin nasiib daro Wasiirkii saaxiibka khayre ahaa iyo waxgaradkiiba wuu khilaafay isagayna sharaf dhac ku tahay ee waxba kama dhibayso.
    Anigu Khayre & ina dhabancadba si shakhsiya ayaan labadaba u aqaan reer oslo ayaan wada nahay.Khayro oo maqaaxi haysta ayaan ogaa mudo ka baxdina PM isgoo ah ayaan arkay yaab kkkkkkkkkkkkkkkkk

  14. wiil biimaal says:

    mala faayaa reer kalshaale

  15. Mr BaHaL says:

    Agoontii Tegreegu yuus badanaa?

    Adeer soo dacweeya Raysal wasaaraha oo u sheega Beesha Caalamka kkkkkk

    Beesha Caalamka waxan u sheegaynaa in Raysal wasaarihii bilaa fasax soo galay Pudhlan.

    Ok.

    Hadalka soo gaabiya.

    Dalmida

  16. Jabhad says:

    Wasirka hadlaya iyo inta la jogta waa in xilka laga

    qaado raisalwasare KHAYRE kol haday la kulmen

    Habenadii hore isla mel dhigen inuu soo boqdo oo u

    Yimi cidankina amar lagu siyey in la sugo AMNIGA

    Waftiga oo uu shacabkii la hadlay ma ahayn inay

    Ka daba hadlan war KHAYRE haduu GALMUDUG

    gardis iyo hubkadhis isugu daray ma hal galab oo uu

    Ku xawareyo dhanka waqoyi ayaad ka qayliseen

    Yaan la carqalayn in la dhiso galmudug midaysan

    Toosan oo tayeysan xarardhere iyo celbur oo la

    Xoreeyo waa guusha shacabka somaliyed

  17. wiil biimaal says:

    war ninkaan meeshuu galo way kheyreysan tahay marka qaran diid ha noqonina

  18. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Jabhad, guulayso adeer HAKA caajisin halganka MA OGIDE ciidankaagu badan. WBT




SAWIRRO: Laascaanood oo Marti gelisay Bandhiga Caalamiga ah ee Buuggaagta
- Dec 10, 2019
Laascaanood ( Kalshaale ) Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta waxay ...
Garoowe: Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo Maanta laga Xayuubiyey Xildhibaanimadii
- Dec 10, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Baarlamaanka Puntland waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis ...
Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!