Boqorkii Jacaylka Cilmi Boodhari oo Taallo Cusub Looga dhisay Ber-bera

Hargeisa  ( Kalshaale ) Maamulka dowladda hoose ee magaalada Berbera ayaa gudaha magaalaada ka dhisay  taallo lagu xusayo, laguna xusuusanayo boqorkii jacaylka ee Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari).

Jimcaale Cabdullaahi Jaamac oo ah agaasimaha waaxda qorsheynta dowladda hoose ee Berbera ayaa sheegay in taalada ay dhiseen ay tahay mid loo ekeysiiyay foornadii rootiga ama muufo, taas oo ahayd halkii uu shaqada ka bilaabay Boodhari sannadihii 1930-naadkii markii uu Berbera yimid.

“Fikirka taalada waxay ku timid maadaamaa magaalada Berbera ahayd meeshii astaanta u ahayd, in magaalada laga helo marka qof dalxiis ah yimaado meel lagu xusuusan karo, waxaan isla garanay in aan u samayno taallo u gaar ah, oo magaciisa ku xardhanyahay, gabadhadiisii iyo astaamihiisii oo dhana ay ku xardhanyihiin” ayuu yiri Agaasime Jimcaale ooay wareysatay idaacada BBCda.

Sida ka muuqata sawirada waxaa weli socota dhismaha taalada, waxaana hadda la dhisay foornadii, iyada ay taallada haysato bed dhul ah oo gaaraya illaa 20 mitir, halkaas oo laga samayn doono beer ay lammaanayaasha ku haasaawi karaan.

Jacaylkii Cilmi Boodhari oo ah wax ay ka sheekeeyaan jiilalka dadka Soomaalida ayaa bishii Maarso ee sannadkan soo galay saxaafadda kadib markii nin dhallinyaro ah uu xafladii Aqal Galkiisa ku dhigtay xeebta Bad Talaale oo ka mid ah meelaha astaanta u ah Boodhari.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Land of Punt says:

    Sheekadaan waa ka helay, Cilmi Boodhari.
    Meeshi ka shaqayn jiray oo run miyaa mise waa sida taaladii Sayid Maxamed ee Xamar Weliyow Cadde.
    ” Caashaqa haween waa horaa caadil soo rogay, Sayidkii carshiga fuulay iyo Cali soo gaar”

  2. Baaruud says:

    Somalidu hadday noloshii soo fahmaysaa, awel kuwo dhiigyacabyo ah uun baa taalooyin loo dhisi jiraye, dadkii dookha lahaana waa taa la xusayo. Taallooyinkii Guduudo Caro iyo tii Magoolna ku xijiya

  3. Ali Zubeer says:

    Tallaaban waa sanam jacayl oo la caabudi doono kama dambaystii. Waa mid nijaasnimo ah oo aanan waafaqsanay diinta iyo dhaqan toosan ee Somalia.

    Taallooyinka Soomaaliya oo dhan waa la mid waana in dhulka laga dhisay la siiyaa masaakiinta ama laga dhisaa meharado. laga shaqaysto.

    Lamanaha is jecel ku haasaawaan kulahaa. Sow akhlaaq xumi iyo duyuuthnimo maahan.

    Maxaa xigi doona in beel walba taallo taagto deetana la caabudo.

    Haddaan daanyeernimadan Berbera laga hortagin waxaa dhici doona

    Ubax dhigid

    Niiko

    sina

    iwm

    Waar meeyay Culimadii degaanka sida khalil iyo Ismaaciil Dheeg, dirir, Berberaawi, Makkaawi, Yusuf alqaadi iwm….

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  4. Baaruud says:

    Waa dhab aqoonta yari inay qofka khatar ku tahay, ninkaasi wuxuu hadda ka baqanayaa inuu taallo, oo ah dhagxaan la isa saaray, uu caabudo, subxaana allah.
    Reer Burco Ali Zubeer oo kale waxay yidhaahdaan “Jis Cama la Wareer”.




DAAWO: DF-Soomaaliya oo Amniga Dhuusamareeb si Rasmi ah ula Wareegtay
- Jul 16, 2019
DH-Mareeb ( kalshaale ) Ciidamada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ...
Daawo Video: Kulankii dhexmaray Godoomiyaha Baarlamanka DFS iyo Wafdigii QM
- Jul 16, 2019
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah ...
Jaamac Fariid Saygii Hodan Naaleeye, Mashaariicdii uu Kismaayo ka waday
- Jul 16, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Jaamac Ismaaciil Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka ...
Madaxwaynaha maamulka Amxaarada oo Noqday la Taliyihii R/wasaare Abiye Axmed
- Jul 16, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar iyo Haweenkii Kale oo Shir Jaraa’id Qabtay & Jawaab Adag oo ay siiyeen Donald Trump
- Jul 16, 2019
London ( Kalshaale ) Afar hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , kuwaas ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!