MUUQAAL: Ruushka oo Shaaciyey inay Midnimada Somalia tahay Lama Taabtaan iyo Fariintii Safiirka Muqdisho yimid

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya  Mudane Mikhail Golovanov oo Madaxweynaha soo gaadhsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas  Vladimir Putin, wuxuuna ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xidhiidhka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Danjira Dawladda Ruushka oo ku hadlayey Magaca Madaxwaynaha dalka Ruushka ayaa sheegay in Midnimada iyo Madax Banaanida Soomaaliya ay tahay mid Muqdas ah, Islamarkaana ay ku Garab siin doonaan Soomaaliya waxay uga baahdaan Qarmada Midoobay.

Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta dhanka amniga iyo dhaqaalaha isaga oo Madaxweynaha kala hadlay qaabkii ay Dowladda Ruushku gacan uga geysan lahayd tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha la wadaagay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga go’an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin kaasi oo ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. warda says:

    Rush muxu sheegaya Gini baa na aqoonsate hadalada jabhada

  2. jabhad says:

    ruush wuxuu dowlada somaliya ka codsaday

    In saldhig cidan laga siiyo SAYLAC si uu danaha

    Geeska lugaha ula soo galo UAE ka hor istago

    Boobka badaha somalia

  3. Laalays says:

    Warda yar inaabti labadeena oo is aroosta ayaa warkaan ka qiimo badan!

    Sax?

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. Wadaniboy says:

    Guul citiraafka waa u dhamatay. Habaryoonis is difaaca citiraafka beenta waa udhamatay waa wadankii jigjiga oyo.jeshniya khashmiir diiday kkkk.habaryoonis. fadlan is difaaca mesha dawlad. Qaran hargaysa noqon mayso waa lahubaa. Ruushka. Marakanka cuba ingiriska talyaani. Yurub africa igad. Arab. Waa isku mid kkkkkkkkkkkkk

  5. warda says:

    Laalays

    Minyaro Ma noqdo inabti xaaskaga imaanso

  6. NuurkaNederland says:

    RUUSHKU SIDUU ISIS-ta SURIYA U XAAQAY MA NOOGA XAAQI KARAA ALSHABABKA NA QARXINAYA!!?.HAA HADAY TAHAY WAXAAN DHIHI LAHAA YOU WEL COME..
    RUUSH SALDHIGIISII BERBERA JECELAA IN DIB LASIIYO!!.

  7. Guulwade says:

    77 wadankii diiday citiraafka. Jigjiga. Waa Ruush yurub africa. Arab. Waase layableh. Hargaysa citiraafka radinayaan. Mo oga .citiraafka in loo diiday. Falastiin jeshniya. Kashmir. Jigjiga. Hargaysa. Mo oga. Danta ciristiyaan ka baa kawayn danta hargaysa. Ee beenta iskadaaya jegaanta. Citiraafka majiro 80 milon ee ciristiyaan ka ethiopia. Citiraafka la idin siin maayo. Magaran hadad haysaan. 250kun oo kiristiyana hargaysa. Jogaan waa macquul hadii kale. Ciyararta wada. Udanka dheer. Waayo adunka. 10 dawladisaba la burburiyay. Idina waxan jirin iyo citiraafka baad wadan. Hada waxabad keeteen inaad xafada ha ingiriska wareegtaan. Sidii. Dad mirqaanSan. Umalayn maayo inta hsbaryonis la xasuuqay in citiraafka aad helaysaan. Heerya da ay ogaladen reer sool baa lagu wadaa ceerigaabo. H.yonis cajiib cajiib cajiib. Somali qabyalad waa mehetadeed. Mingiste xayla marayan. Iyo melas. Baa lagu yiri. Maxa kugu farxad badana waxay yirahdeen .somali wadankooda iiga warama. Oo is neceb. Tariikh xumayal.




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!