DAAWO: RW. Khayre oo siwayn loogu Soo dhoweeyay Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland

Gaalkacyo ( Kalshaale) Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee degmada Gaalkacyo ayaa garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo galabta socdaal kusoo gaadhay dhanka waqooyi ee magaalada ee Maamulka Puntland.

Garoonka Cawaale oo loogu magac daray halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad u badan dhallinyaro xamaasadeysan oo isu abaabulay soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha, kuna dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan dowlad jaceylka ay qabaan iyo sida ay ugu faraxsanyihiin socdaalka wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo.

Khayre ayaa ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay, wuxuuna ku dhiirri geliyay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta gobannimada iyo xornimada ay soo hooyeen dhallinyaro badankood kasoo jeeday gobalka Mudug.

“Halyaayadii Soomaaliyeed waxa ay nooga tageen in Quluubta ummadda Soomaaliyeed marna xuduud kala yeelan karin. Gaalkacyo waqooyi iyo Koofurba waa Soomaali oo aan la kala qaadi karin”, ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada.

“Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”.

Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 23)

  1. Kacaanboy21 says:

    Raysalwasaaraha wuu yabay waqooyiga gaalkacyo waa dadki loogu yimid gaalkacyo. Wuxuu ogaday baraxkeey tahay xaafad. Laakin waqooyiga waa dadki asalaamu ahaan laha gaalkacyo. 3 xafadood waa .majeerteen leelkase awrtable. Bicidyahan..wuu yabay wuxuu ogaday xafada barlaxle y 1 xafad. Oo yar. Guul raysalwasaaraha. Aragaga kuu macalina. Besha majeerteen baa ugu badan. Gaalkacyo. Waa on looga danbeeyaa. Ilahay baa sas kadhigay. Ssdf aadeen. Qofwalba. Kuqabso ku qadi maysid.

  2. NuurkaNederland says:

    WAR DADKAAN BADOWDA AH EE DURBAANKA LA ORDAYA HALOO SHEEGO MADAXDU INAY SHAQAALAHOODII YIHIIN AYNA MUDAN YIHIIN INAY LA XISAABTAMAAN LKN BAKHBAKHDA & HORCARARKANA AY KA DAAYAAN.MAJOOGNO WAQTIGII KACAANKA.GOORMAA LAJOOGAA?.
    #*#*#*##…..*#*#*#*….#*#*#…..
    ISKA JIR DHALINYAROOY:
    WHO REALY IS I.S.I.S.!!?.
    I=ISRAEL.
    S=SECRET.
    I=INTELLIGENCE.
    S=SERVICES.

  3. Land of Punt says:

    PM Khayre welcome to Galkacyo the mather of Puntland.

  4. Garqaad says:

    Horaan u sheegay raisulwasaare xasan cali kheyre. In uu tegi doono woqooyiga gaalkacyo galmudug.

    Amarkii governo Dani bixiyay ayaa sheqeyn waayay kadib Markii dhalinyarada reer gaalkacyo u midoobeen. In ay la kulmaan. Mudanaha dalka ugu sareeyo.

    Dhalinyaradii reer gaalkacyo. Oo governo Dani u sheegay. Gaalkacyo in aysan qardho aheyn. Oo reer gaalkacyo isku danyihiin. Hambalyo ayaan leeyahay.

    Gaalkacyo waa Hal degmo caqli galna maaha in lakala qeybiyo. Reer gaalkacyo waa isku dad waa isku dan.

  5. Land of Punt says:

    Garqaad
    Kkkkkkkk
    Ma kula tahay in Galkacyo ka soconayaa wax Deni ogeyn…. Miskiin, kuye Deni dhalinyaro ku talo diiday..
    Meesha fawdo miyaad mooday oo ninkii dalka loo doortay sida Xaaf la oran: Xow sheegaa, yaa warkiisa ku jira.
    Deni ma jirto hal tuulo Puntland oo amarkiisa laga hor imaan karo adna Galkacyo second bigest city Puntland ka hadlaysaa…dadka qaarba cirka ku nool.
    Magaalooyinka Puntland Bossaso keliya ayaa ka weyn Galkacyo.

  6. Garqaad says:

    Lop.

    Intaadan difaac been ah gelin. Aqri idaacadaha.

    Laba miirle.

  7. Land of Punt says:

    Maamulka gobolka Mudug iyo Galkacyo oo Deni dhisay inta kuwii Gaas wada ruqseeyey bil ma jiro maamulkaas, macal saraakiisha Ciidanka waa kuwo cusub Deni keensaday, adna ciyaal baad ka hadlaysaa… Deni has full controll over Galkacyo…
    Ninkii wax kale kuu sheegay waa miskiin aqoon dowladda Puntland sida u shaqayso…run

  8. xaange says:

    Garqaad
    Wasiirka arimaha gudaha puntland ayuu xalay si qarsoodiya kula kulmay isagoo ka codsaday inuu soo gudbo deetana waa laga aqbalay laakiin shuruud waxaa loga dhigay inaan heer maamul loola kulmayn laakiin heer shacab kaliya loola kulmo. Taana saakaydii hore ayaan soo qoray in gelinka dambe uu tagi doono. Wax maamulka ka socda oo la kulmay si official ah car soo hel hadaad been moodayso waxaan sheegayo xitaa waxgaradkii way diideen inay la kulmaan dadka meesha taagtaagan eed arkayso waa dhalinyaro beryahaanba xamar ku maqnaa oo shalay magaalada soo galay si hadii loo ogolaado ay usoo dhaweeyaan kiijare ayaa ka mida kuwa ag taagan oo ina adeerkay ah. Magaalada aanu ku dhalanay ayaad nooga sheekayn iyo waxa ka socda lol

  9. Land of Punt says:

    Garqaad
    Idaacadaha, kkkkkkk
    Live ula hadlayaa gudoomiyaha Galkacyo…kkkkkkk
    Deni xitaa in soo baxo la sugin, ee Garoowe waxaa joogo wafti culus ooo EU, UN madaxdoodi Somalia.
    Puntlandi.com ka fiiri waxa Deni mashquuliyey…
    Media fadhi ku dirir daawo..kkkkkkk…
    Deni iyo Khayre dhib kama dhaxeeyo waa rag is og, siyaasad lagu kala aragti duwan yahay waa jirtaa. True

  10. Land of Punt says:

    Khayre iyo Cumar Maxamud iskuma fiicna, xinif dekedda Garacad ka bilaabatay..
    Waayo Farmaajo Hobyo dhagax dhigay loogama xanaaqin oo waa horumar Mudug usoo kordhay..
    Khayre waa diiday in dhagaxdhigo Garacad Lacag shacab baxsanayo oo lagu sharfay, laakiin anigu waan ugu garaabin Galmudug meel ka galo ma heleen.
    Khayre asagaa xukuma Puntland maanta sharci ahaan… Cidna ka baryimaayo in xitaa Garoowe u gudbo.. Miyaa Deni xirin..kkkkkkkkkk

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      LOP saxiib, Hobyo iyo Garacad markay ugu badato Waxay isu jiraan 137km Marka maxaa Khayre loogu caroon hadduu yiri; “War C/Maxamuud iyo Sacadoow ma rabo inaan xinkiina dhex gale idinku heshiiya”. °Adeer bal day caqligaa, 137km kastaba dekked. °Saaxib waxaan ka xumahay inuu Cali X. Warsame uu waallidaa dhex galay ANNA waxaan lahaa 17ka beelood ee dega Hiiraan u dhex gal oo u ololay sidii loga dhigi lahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan. °Tan kale oon ku dhaliila Cali waa; “Muxuu ugu ololayn waayay oo M/jeerteen uga dhaadhici waayay in reer abtigi (Dhulbahante) loo ogolaado Maamul goboleed?. °LOP adeer, teleefonka Cali waan haystaa oo dhowr goor baan wacay IGASE QABAN WAA. °LOP saaxib ogi inaad ku kacsantahay Cali Khaliif anna waa siyaasiga kaliya oon 100% citiraaf-sanahay. °YAA u tabliiqaynkara oon isaga ahayn MIDNIMO REER WAQOOYI ma Kaligi taliye Biixi oo xilligaan leh “Shingaanidi-Xamar baa na aqoonsatay?. WBT

  11. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Ruwaayadii beenta aheeyd ayuu wali jilayaa ra’iisalwasaare Kheeyre. Wax kasocon doona magaalad Kaalgacyo, iyo waliba Galmudug, majiro, sababtoo ah, been ayaa la’isku sheegayaa.

    Ilaa rutna la’isku sheego, walaahi in eeysan tilaabo Somaliya horay u qaadeeynin ka magaalooyin ah, amaba maamul qabiilo, amaba dowlad dhexe ahaan.

    Dadkaan masaakiinta ah ee Somaliyeed, oo shaqo la’aanta heeysato, ayaa sida arriga meelaha loogu soo aruuriyaa, iyada oo lagu ciyaarayo caqligooda, iyo danahooda.

    Kulli waxeey dayaceen waxa qofka bani’aadamka uGu muhiimsan oo ah waqtiga.
    Daanyeero. Waste of time.

    Somaliya kaliya ayeey ka dhacdaa, odayaal daanyeero ah, iyo kuwa madax sheegta in saf loo galo oo layiraahdo waa lasoo dhaweeyn. Daanyeero.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  12. Ahmed Somali says:

    ASC.
    xaange=Xaange, barasho wanaagsan adeer isla weynida!!!. CAR BARAXLEY DHAAF. WBT

  13. Maxamud says:

    Xaange maanta mahadal qurxanid sxb umada iskuwad oo wax dhagahooda uwada roon sheeg

  14. xaange says:

    Wasiirkii uu xalay la kulmay oo wax yar shir jaraa id qabtay sheeayna in khayre ay u ogolaadeen inuu soo gudbo balse uu caruurta iyo gaweenka kaliya go’aansaday inuu ka hor nac cacleeyo wax gardkii aanu u diyaarinay iyo suaalo ay rabeen inay waydiiyaana uu ka baqay oo dib ugu cararay xaafadii uu ka yimi,Laakiin sida xaqiiqada ah wasiirku wax badan ayaa warkiisa u qarsaan hadalkuna waa mid iska siyaasadaysan

  15. Maxamud says:

    Fiiro gaar ah nimanka tolkeey garqaad iyo dabshid waano waan uga quusty

  16. Dusha says:

    Waxay ku fiicantahay in loo daayo reer Gaalkacyo…saasay ku quruxbadantahay….reer Gaalkacyo waxaa wax taraya magaalo nabada, nololi ka jirto…dadku is jecelyahay…aan la is faquuqayn….dhallinyaradu dhinacay doonto ku cawayso…

    Talo: reer Gaalkacyoow waxa keliya ee gaalkacyo idiinkaga baahantahay waa nabadda ee nabadda ka shaqeeya….waxa kale oo dhan gaalkacyo iyadaa isku filan…waana meeesha alle ka dhigay waxa caawinaya….haddaad nabadda ka adkaataan iyadaa idin biilaysa….oo idin dheginaysa…waxaa dhinac walba ka soo burqanaya badeecadda iyo baayacmushtarka…shaqaa idin abuurmaysa….

  17. Jabhad says:

    R KHAYRE safarkiisa yaan la siyasadeyn oo jaho

    Kale loo sarin wuxuu u yimi galkacyo inuu la kulmo

    siyasiyinta iyo wax garadka besha sacad si loo helo

    Galmudug midaysan tayeysan oo tosan madama uu

    magalada joogo dhanku rabo wuu tegi karaa horana

    Wuu u tegey puntland waana la soo dhoweyey lakiin

    KHAYRE hada wuxuu ku mashqul sanyahay siduu u

    Midayn lahaa galmudug CEELBUR oo xorowda waa

    Guul somaliyed iyo QARANKA oo guulaysta war

    Hubka hala isu geeyo oo haloo dhaqaqo xarardhere

    Iyo ceelbuur ama somaliyey sidii XUNSHADII kenya

    ka qarabta

  18. Land of Punt says:

    Ina adeerkay Xaange oo is leh LOP muxuu ka hadlaya yuu qaldayaa, ayaa u sheegin. xabad ima gafsana….Khayre waa ciyaalka xaafada oo PM laga dhigay…… Wuu isyasay…he is welcome to Puntland..

  19. Land of Punt says:

    Weli lama arag nin Somali PM ah oo state Puntland dadkii ma talayey Mudug, ku yiri: no, ciyaalka dhalinyarada cid ahayn ma rabo in la kulmo..kkkkkkkk
    Khayre is Somali PM, taas xitaa xaq u leeyahay…
    Daanyeer Wardhiigley Moos xadi jiray…..kkkkkkk

  20. Mustafe Daacad says:

    Dhaman wan idin salamy.Pm kheyre soo dhawoow gavmo furan waxan dawaday markii Baraxlay lagusoo dhaweyey iyo hada waan yabaay kkkkkkkk xafaduhuna iskuma eka dadkuna uskuma eka kkkkkkkkkkkk Bal shacabkan eeg waxa qurux iyo nololka muuqata dhimsmaha eeg waa dad degaan ah iyo dad difaac ku jira waligeed ayey aheyd waar hawiyo dadku waa wslalo e xafadina dhista kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  21. Mustafe Daacad says:

    Garqaad
    Wanku salmy sxb.Dabshid o noqday khalkhal o xitaa aan istahilin inloo jawabo ayadlamid noqotay daqiiqad walba calaacal iyo habaar anagana waxas hirey aya nolku kari wayeykkk kkkknkkkkkkkkkkkkkkkkkk .Danni ayaa masulka ah innta aan gaalkacyo kuleenahy beena maha wax sheeg sheego anaga waxa dhawan noo ah inan madaxdena iyo isimadena kadanbeyno wana waxa san somali uga aqli badanhy alx waxa jita wax laysu qiro e taas noqir kkkknkkkkkkkkkkķkkkkkkkk Puntland waa dhul somaliyed wanageda iyo horumarkeda halsoo dhaweeyo yanan laga nixin ralina iga ahoiw ragg badan ayaku jawabaye kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  22. Mr BaHaL says:

    Khayre dhalinyarta ayuu la hadlayaa.Waanan ku raacsanahay inuu dhalinta Somaliyeed hogaamiyo meel ay jogaanba.Iyaga ayaa le mustaqbalka.

    Oday Madheerteen ah oo xanuunsanaya wakhti looma hayo.Kuwo kale oo xanuunsanaya ayuu ku daalay.Ka soo biloow Oday Xaaf ilaa Xeraale iyo caabud waaq ayuu Oday Somaliyeeed oo qabyaalad la daala dhacayo ku soo arkay.

    Waar ninka u baneeya wadanka ha u shaqeeya.

    Odayyada Somaliyeed ee dhulkii jooga waxaa dhaaama khaniiska Cadaanka ah ee Gaalka ah.
    Saa kaasi cidna ma dhibo aan naftiisa ahyn,laakiin Odaayshaa dhulkii joogaa Ummada ayay isku diraan oo colaada iyo nacabka ayay ka macaashaan.

    Dalmida




DAAWO: DF-Soomaaliya oo Amniga Dhuusamareeb si Rasmi ah ula Wareegtay
- Jul 16, 2019
DH-Mareeb ( kalshaale ) Ciidamada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ...
Daawo Video: Kulankii dhexmaray Godoomiyaha Baarlamanka DFS iyo Wafdigii QM
- Jul 16, 2019
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah ...
Jaamac Fariid Saygii Hodan Naaleeye, Mashaariicdii uu Kismaayo ka waday
- Jul 16, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Jaamac Ismaaciil Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka ...
Madaxwaynaha maamulka Amxaarada oo Noqday la Taliyihii R/wasaare Abiye Axmed
- Jul 16, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar iyo Haweenkii Kale oo Shir Jaraa’id Qabtay & Jawaab Adag oo ay siiyeen Donald Trump
- Jul 16, 2019
London ( Kalshaale ) Afar hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , kuwaas ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!