DAAWO: Raysal wasaare Khayre oo Munaasibad soo dhowayn ah Loogu Sameeyay Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Gaalkacyo uga qayb galay munaasabad soo dhawayn ah oo maamullada gobalka gobalka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ay u sameeyeen.

Duga magaalada Gaalkacyo iyo guddoomiyaha gobalka Mudug, Waxgarad, Haween iyo dhallinyaro ka hadlay munaasabadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa deegaanka, waxa ayna u rajeeyeen in uu guul ka gaaro socdaalkiisa dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay ayaa ballan qaaday in baahiyaha bulsho ee ka jira gobalka ay dowladdu ay ka jawaabeyso oo ay wax uga qabaneyso sida ay u kala daranyihiin.

Khayre oo dhexda uga jira socdaalka lagu baadi goobayo dhamaystiraka dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug ayaa bulshada deegaannada uu tegay waxa uu la qaatay kulamo wadatashi ah, si loo helo Galmudug lagu wada qanacsanyahay oo qayb waliba oo bulshada kamid ah ay talo ku leedahay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 30)

  1. Garqaad says:

    Mashaa allaah.

    Meeshu wey quruxbadan tahay. Dadkuna wey quruxbadan yihiin.

    Mr xasan cali kheyre. Hogaamiyaha USC Wuxuu qabanayaa shaqo aan caadi aheyn.

    Waxaa igu maqaal ah safarka xigo in uu kusii jeedo. Beledweyn beertii raaxada hiirshabeele.

    War madaxweyne farmaajo. Goormoow ka maseyr doono Mr kheyre ee tolkii sidaas ula soo bashaali donaa. Kasoo dhadhaacin donaa dowladnimada.

    Dalka pudland oo ka maseyrtay sida quruxda badan ee kheyre ugu dalxisaayo galmudug. Madibna amar ku bixisay in aan kheyre dalkooda imaan karin.

    4 sano waxaa dalka soo maray 3 raisulwasaare oo reer qurac ah. Kuma uusan jirin nin dadka uu kasoo jeedo wax kasoo dhaadhicin karo. Nin la imaan karo Waxa dadkiisu ku qancaan. Wexey ahayeen kuwa wax Iska aruursanaayo.

    Waa la fikiray oo waxaa la yiri reer qurac daawo halla siiyo. bal madaxweynaha haloo dhiibo. Bal in ay dalka kusoo kordhiyaan.

    Ciidan
    Canshuur
    Ciid dhul.

    halkibeey weli joogtaa. Oo madaxwenihii waxba kama bedelno raisulwasaarayashii hore.

    Hadaba su.aashu waxaa waaye.

    Ma dadka ayaa xanuunsanaayo oo daawo intaan ka badan ayey u baahan yihiin?

    Ma madaxda ayaga wakiilka ka ah ayaan diyaar u aheyn in ay dadkooda dowlad nimada ka iibiyaan?

    Ma waxaa jiro cudur guud oo ah in aan dib danbe xamar loo aaminin oo waa riwaayad laysku ogyahay?

    Dulqaadku waa dhamaan donaa.
    Waxaa dhici doonto wax igu darso ama albaabka dhaaf.

  2. Jabhad says:

    Waxba ka dhacay R KHAYRE libax war sow mr fiqi

    Maha ninka mesha fadhiya waa gartis inuu dadkisa

    Dhinac ka raaco kol hadii mahad salad dhulmareeb

    ka gardinayey war waa dhamaday waqtigii xumaa e

    La soo maray hogamiye hadaf leh ayaa ku hogamiyey

    Horumar

  3. Laalays says:

    Garqaad

    Gabdhaha safka hore fadhiya ma reer Gaal-kacyaa mise Khayraa la socdeen?

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. Aarka hargaysa says:

    Garqaad waxaa aad sheegtay oo Dhani waa wax runa somalinimo iyo shekadaasi waa afka baarkiisa anagu waanu ognahay se dadka reer muqdisho ayaa marada buluugaa lohuwadaa oo lafahoodana ladaaqaa

  5. Aarka hargaysa says:

    Garqaad waxaasi waa wax loobadheedhay dowlad aan cashuur kaqadi Karin dhulkii kale se dadka hawiyaha ah uu kaqadaysaa waxay cadayn utahay in hawiye mooyee aanba larabin dowlad waa Ayaan darada talaabo loqadin

  6. Aarka hargaysa says:

    Bal eeg kii somaliland ubu ayay malintii dhawayd degaankuu kasoo jeedo markii dorashada laqabanayay waa lodiiday in uu yimaado markasuu midnimo dhimatay iyo qiiro jabaan idacadaha lasoo istagayaa

  7. Jabhad says:

    Gusha khayre way wada gaari dhowaan dhaman

    Gobolada dalka madaxwayne farmaajo wuxu dadka

    Somaliyed u balan qaday AMNI iyo XORIYAD in

    Lagu noolado hubka oo gacanta loo geliyo XOOGA

    DALKA waa guusha QARANKENA

  8. Dabshid says:

    Kheyre wuxuu cadeeyey in

    Qaranka Banaadir State yahey
    nin Afka kula shirkoobey
    Nin shaxaad kula shirkoobey
    Nin ciidan, Ciid iyo Canshuur kula shirkoobey.

    * Guno doon mise Qaran doon

  9. Garqaad says:

    Waa in xaqiiqda la wajahaa.

    Farmaajo kismaayo ma tegi karo.

    Garoowe ma tegi karo.

    Hadda kismaayo mexeey hargeysa dhaantaa.

    Kheyre waxaa lagu yiri pudland ma soo gali kartid.

    Garoowe mexeey hargeysa uga bedelan tahay.

    Waxaaba la qaatay hargeysa oo tiri iga tasho. Waxba kaama rabo.

    Maxaa didaayo inta wax isku darsato in ay tashtaan?

    Kebaa la qaatay midka calanka buluuga ah diiday iyo midka munaafaqadda kula hoos nool?

    War calankaan buluuga ah yaan la nabin waxaad ka jeceshihiin midka beelihiina.

    Goormoow hawiye weyne ogaan Donaa midnimada beenta ah.

    Reer qurac wexey midnimo iyo buluuga jecladaan markeey somaliland arkaan. Markeey xamar arkaana wexey jecladaan calanka beesha.

  10. Dabshid says:

    Garqaad

    Madaxweyne Farmaajo wuu tagidoona Kismaayo laakiin wuxuu balan qaad ka sugahayaa Axmed Cadde, INUUSAN BAARUUD CIRKA U RIDIDOONIN.

    * ileen Tuute Aa ma dhaho

  11. Land of Punt says:

    Galkacyo haddii wanaag iyo qurux ka muuqato, waa la ogyahay in dadka qaar amni iyo dhisme ka shaqaynayeen qaarna qas iyo amni daro.
    Jid iyo Maxjar lama dhisi karo.
    Hadda in la fahmay ayaad moodaa in nabadda dan tahay oo buuqii iyo madax duubashadii la jooji.
    Weligey waan ogaa in maalin maalmaha ka mid saaxiga la keenidoono, in dib buuqii u bilaabmana waa dhici kartaa.
    Oday Xaaf in Baraxley qaska joojiyaan wuu ku guulaystay…
    Waxaa laga hayaa Xaaf: gantaal gurigayga kasoo dhacay mardambe ku dhici maayo guriga hooyaday.
    Waa dad is guursada hadana isdilaya….
    Colaad iyo nabad, sawirkooda isku fiiri!!
    Halkaas halaga wado, markaas Baraxley waa la isoo dhaafi karaa.🤙

  12. Aarka hargaysa says:

    Kkk garqaad waaruntaa marka somaliland LA arko ayaa calanka buluugaa lajeclaada oo muwadiniin layska dhiga anagu waanu kawarhaynaaye hadaad imika ogateen waa sifiican kkkkkkkkkkkkkkkllkkklk

  13. Dabshid says:

    Aqristow BADDAA SOOMAALIYA gorgortan ma galikartaa?

    @ Land of Punt, ka dood arimaha guud maalinkasto ha,taagnan 2Km square Garowe iyo GARAB DHIGASHO MEESHII LA DHAHO NALBAA LOO SHIDE.

    * Kenya iyo Ethiopia vs Somalia

    Aqris wacan

    https://www.hiiraan.com/news4/2019/July/164664/ethiopia_s_abiy_steps_up_mediation_in_kenya_somalia_sea_row.aspx

  14. Aarka hargaysa says:

    Faysal Cali wareebe ayaa sabado kahor lagahayaa somalia dowladi kama jirto midbimana waxba kama ogaa kaliya waxay ku midaysan yihiin somaliland xumaynteeda waxakale is kuguma yimadaan

  15. Garqaad says:

    Lop.
    Kkkķkk.

    Ma waxaa maseyr ka hayaa gaalkacyo baraxley quruxda ka muuqato.

    Horta doqonimada iyo laangaabnimada Iska daa. War walaahi baraxleey iyo suusacleey adigaa Iska leh. Dabshid kuuguma imaan karo.

    War dadku xisdiga mexey ku falaan. Kalahaa hadii dhismo iyo qurux laga hadlaa dhanka koofur maaha.

    Caadi Iska

  16. Land of Punt says:

    Garqaad
    Pm reer qurac ah ama reer kale ah….kkkk, dhulkii reer qurac ee tagoba amni iyo shacab jidadka u taagan yihiin, shacab sacbinaya iyaga oo amni ku nool… dhib la xaliyaba ma yaal.
    Nidaamkii dalka lagu maamuli lahaa ama gobolka waa wadahadal madaxda in isla fahmaan loo baahan yahay.
    Hawsha maanta Khayre ka wado Galmudug, waa basic, sidee maamul loo dhan yahay loogu dhisaa Galmudug iyo dakhli lagu wado, xagee wax kasoo gelin, canshuur ma iska qaadi karaan, airports iyo dekedo, warshada, kaluun, beero, xoolo naaxin sidee loogu sameeyaa, canshuuraha laga qaado gaadiidka jidka dheer maraya sidee maamulka loogu wareejin…. Mise Xamar ayaa laga biilin?
    Pm reer Qurac haku nafane, ka feker sidii Galkacyo to Magadishu kala dambayn loogu soo celin lahaa.

  17. Dabshid says:

    Guuleed = Galmudug wuu tanaasuley, kama qeyb galin doorashadii Galmudug

    Jeele = Hirshabeele wuu tanaasuley, kama qeyb galin doorashadii Hirshabeele

    Shariif Sakiin = wuu tanaasuley, kana qeyb galin doorashadii K. Galbeed

    ** MAANTANA WAXAA TANAASULEY — Xaaf = Galmudug oon ka qeyb galidoonin doorashada Galmudug ee soo socoto

    * CADKA RAG ISKU RAACO
    – Nina wuu ” U ” dhintaa (ilaa lagu dilo kama tago)
    – Nina wuu ” KA ” dhintaa ( intaan lagu dilin ayuu sharaf qaata)

    * Run sheeg waa QABYAALAD SHEEG

  18. xaange says:

    Khayre oo maalmahan oo dhan taleefoon ku wareeriyey wax garadka & Dowlada puntland isagoo rabay inuu isku soo sawiro Magaalda Gaalkacyo qaybaheeda kale ee puntland hoos timaada marka laga reebo xaafada uu martida u ahaa ee baraxley ayaa ugu dambay wafti wasiira ah oo Xalay si qarsoodiya ay u kulmeen waxaa maanta loo fasaxay inuu usoo gudbo magaalada kana khudbeeyo Garoonka Cawaale. Waxaana la filayaa in uu galinka dambe maanta ama beri subax uu khudbad halkaa ka jeediyo

  19. Land of Punt says:

    Dabshid iyo Garqaad
    Waxaad ku rafataan Pm reer qurac, macal Farmaajo tolkood wax uma sheegaan..waa erayga fahmi waayey..
    Maxaad rabteen, ma in Garoowe soo gubo oo dhulka nabadda la qaso…. dad Somaliyeed oo caruurtooda u xamaalanaya.
    Wixii siyaasad ah dee madaxda ha kawada hadlaan.
    Dhulka fawdada ka jirto ayaa PM kasta waqtiga ka dhumin jiray.. Marka fawdada la joojiyo, Alshabaabka iyo Amisom dalka laga saaro… Wadadii cadayd ayey Somali cagta saarin, horta dalka kala dambayn halugu soo celiyo…Wixii kale iyo siyaasad la isku qilaafsan sanyahay dhexdeena waa sahal…..meesha sartu ka qurunsantahay, we know.

  20. Land of Punt says:

    Dabshid
    Aqri page hoose waxa ku qoray; war kasoo kordhay badda, sawirka farmaajo ku sawiran yahay.
    Lop miyaa bad muran geliyey!! kkkkk
    Goormaan Kenya iyo Ethiopia iska celiyaa adaaba qaska iiga faaiidaysanayaan u sahlee.

  21. Dabshid says:

    Mudug iyo Galgaduud waa maamulka Galmudug, Galkacyo waa caasimadda Mudug, hadey jufo ka mid ah Jufooyinka dego Mudug Abtirsi ku raacdey Garowe waa xad gudub in laga hor istaago ama la qasbo.

    Waa isku mid hadey hoos joogaan Maamulka Mudug iyo Galgaduud

    Ama maamulka Bari iyo Nugaal

  22. xaange says:

    Sida aanu ognahay Khayre wuxuu isu keeni la yahay 3 reer oo HG ah oo mmidiba meel fadhido oo mid markii loo tago labada kale ama mid xanaaqayo. Daraad markii Khayre soo marayey Cadaado oo ay ogaadeen inuu Baraxley booqan doono dhabarka ayay u jeediyeen qoladii saleebaan ee Cadaado joogtey.Gaalkacyo markii uu soo gaarey qoladii Dhuusamareeb ee cayr iyana sidoo kale kuma faraxsana.Ciidamo ayaan la wareegay ayuu sheegay Khayre laakiin waa sheeka iska khiyaaliya nin walba qorigiisii ayuu haystaa reerkiisii ayuu wali ka amar qaataa laakiin mihiimadu ugu wayni waxay ahayd in xoogaa mushaara loo qoro iyagoo sidooda u kala fadhiya.Berito mar uu xamar ku laabto maleeshiyaadkaa uu shheegay inay ciidan qaran noqonayaan iyagaa qoorta isla geli doona wixii uu bisha dhan wadayna waxay noqon doonaan shimbirayohoow heesa waayo isagoo haddeer aan wali dhaqaaqin ayaanu ognahay halka la kala taaganyahay.Cadaado waxay rabtaa Galmudug inay ku shaqayso cadaado. Dhuusamareeb waxay rabtaa iyaduna sidoo kale meesha waxa maamul raba oo aan dan gooniya wadan marka laga reebo inay rabaan madaxweynaha inaan iyaga lagu qabsan waa qoladaa reer Baraxley

  23. xaange says:

    Dabshid
    Majority rules and minority rights.
    Gaalkacyo Hawiye ama Hg hal xaafad ah bay ka degtaa. Xaafadaha kale oo dhan puntland bay hoos tagaan Baraxley iyadaa diidey inay ka mid noqoto maamulkii halkaa ka jirey ee puntland iyadoo qabyaalad ka urinaysa waana calaacal timo kasoo baxeen inay xaafadaha kale inay wax la qaybsadaan oo magaaladu maamul midaysan yeelato dadkii doraad diidey in maanta iyaga laga yeelo waliba iyagoon magaalada %10 dhamay inta ay ka degaan.

  24. Land of Punt says:

    Dabshid
    Ma gabar yar oo gabar kale u faanaysa ayaa tahay.
    Labada gobol oo Hawiye majority ka yahay Galmudug iyo Hirshabeele, xagee isku tanaasul yaalaa? sow tan jiq isku ah, waa meesha laga aqoon, si sharaf leh xilka u wareeji.
    Xaaf cid talo kama yeesho, Waare xitaa kii Beledweyne in xil ka qaado diiday…
    Isku tanaasul waxa laga wado iyo maamul la doortay in talada looga dambeeyo waxa laga wado in lagu baro u baahan tahay… keligaana maaha, waa all HAG group oo dhan, schoolo cilmigaas lagu barto waa in tuulo walba laga furaa…
    Bal saacaduu dad isku tanaasula ku faanayo..
    Waaba cudurka ka jira dhulkaas=isku tanaasul la’aan.

  25. xaange says:

    i mean minority have rights

  26. Dabshid says:

    Land of Punt iyo Xaange

    Sharciga Galmudug ayey ku taala inaan jufooyinka wada dego Galkacyo loo kala eexan.

    Dagaal waa ugu dambeeyo midkii Caano doonka, waana midka maanta nabada keentay.

  27. Land of Punt says:

    Dabshid
    Galkacyo dad Somali ah ayaa wada degen, hadday maamul wada samaystaan maaha aduunyo gadoon, laakiin in aqligii maamul lagu wada noqon lahaa ilaahayba siin ayaan kuu ogahay.
    3 mar la isku degey, nakata!
    Maxaa cusub oo mar 4aad bedelin, ma umado kale ayaa hadda magaalada soo degey…. mise waxaad ka wadaa, anaa xoog kuugu talin= Fad ama hafadin.
    Booto caruureed waa ka koray waqti uma hayo!

  28. Dabshid says:

    Kheyre wuxuu rabaa in qeybtii Cumar Max’uud meel loo saaro, hadey diidan, santuuqa ayaa loogu xiraa ilaa ay ka soo quusan hayaan Mingiska Garowe

    – Cabdi Xersi ( Qarjab ) ayaan ka hayaa ” Puntland waa ku ceeb inuu maamulo GAAS OO KA TIRSAN MAAMULKA GALMUDUG ” On the record.

    – No more Caano doon

  29. Land of Punt says:

    Dabshid
    kkkkk
    Adi oday maxruug aa tahay…nin hadal la deeqsiin karo ma tihid.
    Anigana aan kuu sheego kuwa aqligaaga watay oo la yiri Galkacyo waa Galmudug ee u taliya, ayaa aqligooda yar is yiri, dila wax garadka, dagaal ku qaada joogto ah, ayagaaba Garoowe u guurine, Majeerteen waa niman naf jecele……kkkkkkk
    Markii dabkii shidayeen faraha uga gubteen ayey hadda nabad ogolaadeen..true.
    Sida Xaange u dhigay: Majority rules, minority have rights.

  30. Land of Punt says:

    Dabshid
    Waa run, Gaas wuxuu ku dhashay Dhuusamareeb oo adeerkiis koriyey macalin ka ahaa.
    Haddaan qabiil jiri lahayn oo nin gobolka ku dhashay tartarku ahaan lahaa, Gaas cadkiisii Galmudug ku lahaa., anigana Xamar, aabahayna Jigjiga.
    kkkkkk.
    Somalis doesn’t work that way, kii asagoo 50 jir ah 1991 Xamar ugu horeysay ayaa aniga marti igu sheegin iyo maha anukaa leh.
    Waana sababta la isku aaminayn oo nin walba gobolkiisa daacad ugu yahay oo qaranimo daciifiyey.
    Haddii Somalia u simanyihiin Somali.. goosasho iyo federal xitaa lama maqleen….
    Dhibka dhan waa maha unukaa leh iyo fad ama hafadin iyo durbaan colaadeed la garaacayo.

    Mr Bahal baa sheegay Somalida waa kala baqaysaa, waana sababta clan state u noqonay..
    Ninkaan taas ogeyn caano dameer ka dhergey.




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!