DAAWO: Faarax Macalin “Axmed Madoobe waa inuu Raaco Saaxiibadii C.wali Gaas iyo Shariif”

Muqdisho ( Kalshaale ) Siyaasiga Faarax Macalim Dawaare oo Horay xilal kala duwan uga soo Qabtay Kenya ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe isagoo sheegay in waqtigii Hogaamiye kooxeedyada uu dhammaaday oo ay tahay inuu dabagalo saaxiibadii Shariif Sakiin iyo C/weli Gaas, sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faarax Macalin oo si weyn u taageera Madaxweyne Farmaajo ayaa farriimo soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in dadka qabiil ahaanta ku taageeraya Axmed Madoobe ay ka kooban yihiin qaar kasoo jeeda magaalada Gaarisa, Itoobiya iyo Qurbe-joog, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashada dhowaan ka dhaceysa Jubbaland.

Wuxuu sheegay in dadka degaan ahaanta u leh Jubbaland uu xoog ku heysto Axmed Madoobe, wuxuuna Axmed Madoobe ku tilmaamay nin aan caqli lahayn oo mar kasta ku celinaya khalad uu hore u galay.

“Soomaaliya waxaa la degay muddo 40 sanadood ah hoggaamiye kooxeedyo aan aqoon lahayn oo afduubtay beelahooda, daba-dhilifyadii Tigreega waa kii ugu danbeeyay. Madoobe waa inuu raacaa saxibkiis Getachew ama Sakiin iyo Gaas..” ayuu yidhi Faarax Macalin oo weerar aan hore loo arag ku hal-gaaday Axmed Madoobe oo mar kale doonaya in loo doorto Madaxweynaha Jubbaland.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 17)

  1. Mr BaHaL says:

    waa runtii Mr Faarax.Wadanka waa in laga sifeeyaa agoontii Tegreega.kkkk

    Agoontii Thegreega waxaa ka nool,Axmed Madoobe iyo Mr Biixi.

    Waa in meel la saara labadaa Oday ee ka hadhay Agoontii Tegreega.

    Faarax Macali oo kale ayay Somaliya u baahan tahay.

    Dalmida

  2. Jabhad says:

    Farax macalin waa halyey somaliyed oo aragti dher

    somaliya waxa la degey hogamiye koxedyo qabiil ku

    Awrkacsada iyo qabilaystal QARANKA isbaro u

    Dhigta axmed Cade waa inuu baxaa si ay dadka

    Reer jubaland u helaan nolol iyo amni jubaland

    Inta badan waxaa haysta UGUS mocow iyo mudey

    Miinadey isku qarxiyan

  3. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Maxaa runti ah

    Shariif Xassan asagoon tartamin ayuu Kheyre diyaarad saarey,

    Gaasna waa nin tartamey oo cod looga adkaadey,

    War reer Qurac gar Eexeed maahane gar daacad ah ma furaan, adiguna waxaad leedahey sidii Gaas iyo Shariif.

    – HADDUU RUN KU SHEEGAY siduu ku tagey MR Gaas, waa in Axmed Cadde looga adkaado sidii looga adkaadey Gaas Doorasho uu asagu MAAMULO oo garoomada u diido Xerta Xamar.

    – Dadku waa dad Tanaasulo iyo dad lagu kordilo CADKA RAG ISKU RAACO.

    – Hadaad Run sheegto waad i necebtahay,
    anigu xaawaleyda ayaan jeclaada. Ragana runtaan u sheegaa, kii Calyo daadiyana uma jawaabo.

    * iley Luf Luf Axmaaro iga dheh

  4. Dabshid says:

    Qaranka Banaadir State waa
    nin Afka kula shirkoobey
    Nin Shaxaad kula shirkoobey
    Nin Ciid,Ciidan iyo Canshuur kula shirkoobey.

    * Qaran doon mise Guno doon

  5. xaange says:

    Khayre oo magaalada Gaalacyo usoo dhaadhacay oo xafadii uu martida u aahaa kasoo laga baxsaday ka dib markii dolwada puntland xalay u ogolaatay Garoonka Cawaale inuu ka khudbeeyo & safiirka midowga Europe oo Garoowe ka dagay iyo madaxweyne Deni oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay

  6. xaange says:

    Sheekh Axmed ninkii Kismaayo ugu tagi lahaa ayaa la iska rabaa mid meelahaa kasoo bacaacleeya maaha nin u joojinaya. Haadda iyo habar dugaagtu waxay kusoo ururaan meesha ay raq ku ogyihiin laakiin meesha ay og yihiin libaax miciya lisanaya oo ilkuhu ay madiil yihiin uma dhawaan karaan inay meelahaa ka waaqwaaq leeyaan mooyee

  7. Dabshid says:

    xaange

    Dhan isu raaca oo fadlan naga wada Faroole iyo Jurile iyo Howlgabyada Qurbaha ka soo cararey

    Aniga iyo @ Land of Punt
    waxaan ka mideysanahey ilaa Hargeysa soo laabaneyso inaad saxarihiina waabataan, HUURKANA NAGA QAADAAN ( Acco Mr BaHal).

    – Qaran buuxo majiro inta Qaarku maqanyahey.

    waa intaas waxaan ka diidney Xassan Shiikh, hadana kama yeelayno Rasalwasaare Kheyre.

    * Mataanteydii geed qariyee heeh heeh
    Iga maqan iga maqan iga maqan cadkeygii

  8. Dabshid says:

    Ninkii Kismaayo ugu tagilahaa Axmed Cadde waa Madaxweyne Farmaajo,

    Anaga dhib naguma hayo seedigeen Farmaajo oo waqtiga u harey wuu dhameysan

    Axmed Caddena dhib naguma hayo intuu Kaaraha Kuukuuyo Kismaayo joogo.

    Dhib waxaa nagu hayo nin taageersan kaaraha Kuukuuyo oo Guno Xamar ku qaato.

    * Car Goobweyn ii soo dhaaf

  9. xaange says:

    Dabshid
    Sheegashada Caasumada soomaaliya marka aad Garoowe Baydhabo ama magaale kalu kusoo wareejisaan Dr Faroole & jurile toona arki maysaan laakiin tinta muqdisho ay ku magacaabantahay magaalo madax soomaaliyeed oo wax lagu magacaabo dowlad soomaaliyeed jidho muqdisho way tagayaan danaha dadka ay matalaan & la socoshada dastuurka iyo dowladnimo waxay tahay inay idin baraan ayay muqdisho u joogayaan.
    Anigoo 2000 km isaga kala gooshi kara miyaan maalin joogi lahaa meel aanan 200 mitir ku lugayn karin hadaan sankadhuudhi waardiyaa i daba socon

  10. Dabshid says:

    Waan kugu raacsanahey hadey Garowe ahaan laheyd Magaalo Baaxad leh oo Canshuur dhiibikarto odayaalna qarinkarto, FAROOLE muusan IMAADEEN Xamar.

    Hadda nuurkiisa baxaayo Duqa, Boowe Bari laga reysay

  11. xaange says:

    Dabshid
    Waynaan & dad toona kuma xidhna magaalo madaxdu ee waa shaciyad & in dadku isku raacaan meesha magaala madaxda noqonaysa halkaana madaxtooyada la geeyo laguna shaqeeyo. Caalmaka waxaa jira magaalooyin waaweyn oo 3 jeer kusoo jibaarma magaala madaxda sida Dar es Salaam & Dodoma.
    Teeda kale Dr Faroole muqdisho si rasmiya umaba joogo waxa uu joogaaba waa xili kooban oo wax mihiima ay ka socdaan aqalka golaha sare oo uu ka tirsanyahay ee inta kale Puntland buu joogaa ama meelahaa dibadaa

  12. Garqaad says:

    Anigu midbaan idiin ogahay.

    Hadii axmed madoobe laga adkaado. Kacaankaan waa isku toosay. Haduusa soo laabto dhinaca kale ayey isu rogi doontaa. Wax walbana wey ka fashilmi donaan kacaanka kheyre.

    AXMED MADOOBE si ciyaar ah loogama adkaan doono waayoo wuxuu isku haleynaa kaliya maaha kaare kukuuyo laakiin waxaa jirto tageere qabiilkiisa jaalle darood oo mareexaanka laga reebay wexey isku raacsan yihiin. In axmed iyo kismaayo la tageero. Si uusan agoon u noqon maamulka pudland. Oo ah halkii jaalle darood kasoo rogaal celiyay.

    Madaxweyne farmaajo. Markuu pudland qardho tegay isimada darood hadaladoodi waxaa ka mid ahaa. Markii uu jabay jaalle darood halkii uu saaxadda nolosha uga soo laabtay in ay aheyd pudland. Qofka darood ah ee pudland jecel ama neceb uu ogaado pudland in ay tahay meeshii darood kasoo rogaal celiyay. Qof walbo oo darood ahna ay waajib ku tahay in uu pudland iyo wexey wadato uu difaaco. Waxaa u muuqataa. madaxweyne farmaajo in uu hadalkaas aqbalay.

    Daroodku wexey leeyihiin taarged fog oo mideysan. Waana sababaha kalifaayo madax kasto oo darood ah in uusan ku degdegin in uu wax dhimo maamul darood xitaa Hadeey is hayaan.

    Dhibka jira Waxa waaye. Sida isaaqu u fahansan yihiin. Ciyaarta daroodka Hawiye uma fahansano.

  13. Land of Punt says:

    Farax Macalin waa Kenyan maxaa ka galay arimaha Somalia iyo Jubbaland… Waa daanyeer. Faragelin cad.
    Its recorded asagoo arimaha badda Kenya iyo Somalia ka hadlaya oo leh Kenya tv= at the end of the day our loyalty lies here in Kenya, we are Kenyans, we are Somali Kenyans..
    Waa daanyeer weyn Farax Macalin…..
    Cid timaadaba maaha arin u taal Farax Macalin oo ka hadli karo.

  14. Land of Punt says:

    Dabshid
    Waxaa tiri: waa intaas waxaan ka diidney Xassan Shiikh, hadana kama yeelayno Rasalwasaare Kheyre.
    Suaal, inka oo ah?
    Ka naso webbka cabaadkii waa kaa dhamaaday.
    Ahmed Madobe ma ishaad ku toogan…..kkkk
    Insha Allah mid khayr qaba keensan Jubbaland haddii Ahmed Madoobe soo noqdo waa soo dhaweyn si farxad leh.🇸🇴

  15. somalijecel says:

    @Garqaad Acww waan ku salaamayaa,abti ii kala sharax Marexan baa diidan Ahmed Madoobe iyo Daarood baa taageersan.Marexanku ma laga saaray Daarood,haddise aanay ahayn sidee ku taageerayaan mise Majeerteen baad ka waddaa ayaa Ahmed Madoobe taageersan.Ahmed waxaa qabiil ahan u taageersan waa MJ ujeedadana waan fahan sanahay,balse isaga in uu dhaxal ka tagaa u khayr roon MJ taageeradeed waa short term MJ Jubaland miisaan ku may lahan haddii Ahmed tagana wey la tagi Intuu joogana wey la joogi,waxaase muhiim ah in wiilal masaakiina aan God maalaayacni loogu gurin sida hadda Sanaag ka socda Somali xoolo in ay yihiin wey cadahay

  16. NuurkaNederland says:

    FAARAX MACALIN WAA SOMALI SOMALINIMADU KU WEYN TAHAY!!.WAANA SOMALI LEH QABKII & HANKII SOMALIDA LAGU YAQAANAY!!.
    BILAD SHARAF BUU NAGA MUTAYSTAY.NOOLOOW.
    %#$#%#$#%#$#%#$#%#$#%$……..######
    …………………..
    ISKA JIR DHALINYAROOY:
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ALSHABAB+MI6+CIA+AMISOM=ONE,DEALERS.
    OSAMA BEN LADEN STILL ALIVE(BAHAMAS).
    HADHOOWBA HA KU CALAACALIN MA OGEYN LAYMA SHEEGIN,LAYGAMA DIGIN.IWM.
    ISIS,ALSHABAB,ALQACIDA,IWM WAA GAME AY CIA,MI6,MOSSAD,SIS,AY KU CIYAARAYAAN & CEEBAYNTA DIINTA ISLAAMKA KU BURBURINTA
    DUNIDA MUSLIMKA EE MASAAKINTA AH SIDA:SOMALIA,SURIA,CIRAQ,AFGHAN,YEMEN,LIBIA,IWM.

  17. Hiilqaran says:

    Thank you farax macalin waa nin aan runta kalax lexleexan axmaq madoobe waa badaw aan aqli badan laheeyn ee meesha habaneeyo xitaa xaq u malaha inoow doorasho isusoo taago axmaq fuuqal axmaq




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!