Banaanbax la xidhiidha Xaalada Sanaag oo magaalada Burco ka socda (Sawiro)

Laascaanod ( Kalshaale ) Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer waxaa hada ka socda Qaybo kamid ah Banaanbaxyo Salka ku haya Xaalada Colaadeed ee kasoo Cusboontay Gobolka Sanaag.

Qaar kamid ah shacabka ayaa dhigaya Banaanbaxa, kuwaasi oo taayiro ku gubaya Qaybo kamid ah Wadooyinka magaalada Burco, Kadib markii Deegaanka dhoob ee duleedka Ceerigaabo uu ka dhacay ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Kornayl Caarre,  iyadoo uu dagaalkaasi dhaliyey khasaare kala duwan.

Sidoo kale magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa ka dhacay Kacdoon ka dhan ah Somaliland, Iyadoona Qaar kamid ah Shacabka magaaladu ay hubkooda lasoo baxeen, waxaana gudaha magaalada Laga Maqlay dhowaaqa Rasaasta.

Kornayl Caarre ayaa saamayn wuxuu ku leeyahay Sanaag iyo Togdheer oo kamid ah deegaanada ay Beeshiisu degto.

Xukuumadda Somaliland ayaan Weli ku guulaysan Inay Xal waara ka gaadho Colaado Sokeeye oo kusoo Noqnoqday deegaanka Ceel-Afwayn, Waxaana sidoo kale Colaada cusub ee Ciidanka Somaliland iyo Jabhada Kornayl Caarre u muuqaata mid uga sii dari karta xaalada Gobolkaasi.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 12)

  1. Mr BaHaL says:

    Guinea ayaa i casuuntay iyo Photoshop ah sawiro laysku dhedhejiyo madax lagu noqdo.

    Dadkaada iyo degaankaaga ayaa talo kaaga baahan.

    Maaha inaad tidhaa”waa dhoofaye i soo dhaweeya”.

    Dalmida

  2. Land of Punt says:

    Dabshid
    Waa run, Gaas wuxuu ku dhashay Dhuusamareeb oo adeerkiis koriyey macalin ka ahaa.
    Haddaan qabiil jiri lahayn oo nin gobolka ku dhashay tartarku ahaan lahaa, Gaas cadkiisii Galmudug ku lahaa., anigana Xamar, aabahayna Jigjiga.
    kkkkkk.
    Somalis doesn’t work that way, kii asagoo 50 jir ah 1991 Xamar ugu horeysay ayaa aniga marti igu sheegin iyo maha anukaa leh.
    Waana sababta la isku aaminayn oo nin walba gobolkiisa daacad ugu yahay oo qaranimo daciifiyey.
    Haddii Somalia u simanyihiin Somali.. goosasho iyo federal xitaa lama maqleen….
    Dhibka dhan waa maha unukaa leh iyo fad ama hafadin iyo durbaan colaadeed la garaacayo.
    Mr Bahal baa sheegay Somalida waa kala baqaysaa, waana sababta clan state u noqonay..
    Ninkaan taas ogeyn caano dameer ka dhergey.🤪

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      LOP, saaxiib XUDDUNTAADI Xamar bay taal TEYDINA Busle “agagaarka Qallaafe” MARKA yaa 2badeenna Koyta? yaase xaq u leh INUU noqdo Sindakaha Xamar markaa aqoon iyo kartiba ka simanahay?. “Carrab iyo Ilkaba waa is qaniinaane” WAA maxay “CAR BARAXLEY II SOO DHAAF?. WBT

  3. Land of Punt says:

    Tii Somaliland ahayd waan u baqayaa, in civilwarkii Somalida koofur kasoo kabanayso oo caawa Galmudug oo ka quustay rajo muuqato in goboladdii Waqooyi oo nidaam iyo kala da,bayn 30 sano haystay ilaa hadda wax kala tirsanayaan oo in hub la isku qaayo maraysaa….waa tragedy.
    Muuse Bixi waa in geesi noqdo oo yiraado buuqa joojiya oo doorasho iclaamiyo inta talada faraha ka bixin.

  4. Land of Punt says:

    Sheedada Dabshid u qoray waa dood noo socotay..
    Allow kala qabooji oo xaqqqa tus..
    Walaan qas iyo colaad wax xallin in uga darto mooyee.

  5. Runsheeg says:

    Ummada islaamku waa walaalo, wanaajiya walaaltinimadiina” waa aayad quraanka kariimka ah. Haatan, dadka iyagoon waxba ku tari karin haddana, afxumo ku tiraabayow, ogaada maalin ayey su’aasheedu idin sugaysaa, maanta shaqaaqada ka taagan deegaamo ka mid ah gobolka Sanaag, waxay innaga mudan tahay inay u ducayno oo Ilaahay nabadgelyo ku dhameeyo, inta xumaanta ka dhexwada labada beelood ee walaalaha ahna ka qabto isagaa awoodee, Aamiin. Xadiis Nebiga CSW ayaa macnahiisu yahay ” Qofkii Ilaahay iyo maalinta Qiyaame rumaysanow- khayr ku hadal, ama iska AAMUS” Ilaahay ha innagu anfaco dhamaanteen, dariiqa xaqana ha inna waafajiyo, aamiin.

  6. Halgan says:

    Unka igad. Besha caalamka loogudbiyaa xasuuqa habar yonis maamulka hargaysa kuhayaan muda dheer. Burco hargaysa cerugaabo habar yon is waa laxasuuqay. Meel walba. Waa in besha calamka loo shegaa. Saaxaafada xataa wa loodiiday.

  7. Ictiraaf car soo dhacso says:

    Shalay bay ahayd markay guinei u dhoofeen

    Oo qarash badan ku bixiyeen

  8. Riyadii 18 may says:

    Ilaahow kala qabooji dadkaa somalida ah ee Muslimiinta ah.

  9. Ahmed Somali says:

    ASC.
    LOP adeer, Muuse Biixi waa KALIGI TALIYE ee indhaha fur. °Adeer inteed ku aragtay KALIGI TALIYE rabitaanka ummad daryeela?. WBT

  10. Rooble says:

    Asc insha allaah khayr bay noqone
    Soo duceeya balaayo cid rabtaa majirto
    Waxaan leeyay cid walba oo dhib iyo cadaaladdaro wadda allaah dalka iyo dadka ha ka qabto waanu habaaray aakhiro cadaab
    Aduunkana cadaab iyo cidhiidhi
    Wbt

  11. Ahmed Somali says:

    ASC.
    *****MINAAN YAABNO YAASIINKA+++++
    Horta inuu Muuse Biixi yahay KALIGI TALIYE waxaan garan oo kaliya Dhallanka iyo wax-ma-garatada. °Kaligi Taliye wuxuu ku kacaa Wax kasta uu xukunkiisa ku dhawra karo XAQ & Xaq-Darro diiwaankiisa kuma jiraan wax kale. °Waxaan maqlay; run iyo been miday tahaye ma ogiye!!! Inuu Madaxtooyadi u rari rabo a ama u raray deggaan Jufadiisu u badantahay TAA hadday runtahay WAA reerka gabbaad ka dhigo. °§*=°§*Taasi waa taase HADDA waxaa muhim ah sidii Beelaha loo KALA badbaadi lahaa ee Dariiqee la raaca?. °Bal aan anigu wax yar soo tuuro; °Waa inay culumadu qaadaan Tallaabo ah; inay uruursadaan, Samadoonnada, Cuqaasha, Aqoonyahannada iyo nin garbood kasta oo ka tirsan Beelaha; Ciise, Gadabuursi, Warsangeli iyo Dhulbahante. °Nabadgelyada Guddiga waa inay la wareegaan ciidamo aysan ku Kirin Beesha ISAAQ. °§*Anigu soo tuuraye Waxaa loo baahanyahay ciddi dhili lahayd. WBT




DAAWO: DF-Soomaaliya oo Amniga Dhuusamareeb si Rasmi ah ula Wareegtay
- Jul 16, 2019
DH-Mareeb ( kalshaale ) Ciidamada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ...
Daawo Video: Kulankii dhexmaray Godoomiyaha Baarlamanka DFS iyo Wafdigii QM
- Jul 16, 2019
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah ...
Jaamac Fariid Saygii Hodan Naaleeye, Mashaariicdii uu Kismaayo ka waday
- Jul 16, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Jaamac Ismaaciil Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka ...
Madaxwaynaha maamulka Amxaarada oo Noqday la Taliyihii R/wasaare Abiye Axmed
- Jul 16, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar iyo Haweenkii Kale oo Shir Jaraa’id Qabtay & Jawaab Adag oo ay siiyeen Donald Trump
- Jul 16, 2019
London ( Kalshaale ) Afar hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , kuwaas ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!