Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalkii Ceel-Afwayn Khasaaraha ka dhashay

Laascaanod  ( Kalshaale ) Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya dagaalo culus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday tuulooyin hoosyimaada degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintey dagaalkaas ay gaartey soddon Ruux halka afartameeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka oo u dhexeeya laba beelood oo halkaasi wada dega ayaa soo bilowday maalin ka hor balse sida la sheegayo waxaa xooggiisu dhacay shalay oo dagaalku ku fiday degaanno horleh islamarkaana labada malayshiya beeleed ay isu adeegsadeen hubka culus.

Dad jooga tuulooyin ka tirsan Ceel Afweyn ayaa soo sheegay in dagaalkii Isniintii shalay halkaasi ka dhacay uu khasaare badan gaarsiiyay xoola dhaqatada miyiga iyo bulshada ku nool tuulooyinka hoos yimaada Ceel Afweyn iyo Dararweyn oo ka tirsan galbeedka gobolka Sanaag.

Qaar kamid ah degaannada uu dagaalku ka dhacay ayaa la sheegay in uu ka bilowday barakac iyadoo qoysas badan ay gaareen tuulooyin kale oo aan dagaalku gaarin.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka waxaana sidoo kale weli soconaya gurmad ay helayaan ciidamada labada dhinac.

Sidoo kale gurmadka ay helayaan labada malayshiya-beeleed ayaa sii xoogaysanaya waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu sii socdo maadaama aysan jirin cid kala dhex gashay labada ciidan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Cadaado says:

    Aad Ayaan uGu faraxsanahay in eey Isaaqa is dhameeyaan. Waa markoodii. Meeqa sanno ayeey daanyeerta kale ee Somaliyeed is dhameeynayeen, oo iyagu [isaaqu] ku faraxsanaayeen, amaba hub iskugu dhiibayeen, amaba isku dirrayeen.

    Somalida waxaa ka buuxa dad caqli xun, oo hadanna munaafaqiin ah.

    Qoladaan Isaaqa marka eey islaayaan, riyadda beenta ah, iyo dowlad iyo dal gooni ah ayaa Meesha kabaxeeysa. Waxaa soo baxeeysa in eey qabiilada Somaliyeed oo kale yahiin, caqli daanyeernimadana laqabaan.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!