Prof. Cali Geedi oo ka hadlay Xiisada dalalka Somalia iyo Kenya ee Badda

Laascaanod  ( Kalshaale ) Cali Maxamed Geedi Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlayay xiisada Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in marka hore  khilaafka u dhexeeya labada dowladood uu ka dhashay is faham la’aan siyaasadeed.

Geedi oo maanta Wareysi ku siinayay wakaaladda wararka Anadolu magaaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay madaxda labada dal inay ka fogaadaan khilaafka diplomaasiyadeed ee ka dhashay muranka Badda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada dal oo daris aysan isku noqon karin cadow, sida uu hadalka u dhigay, Wuxuuna  tilmaamay inuu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, islamarkaana ay yihiin Soomaaliya iyo Kenya labo dal oo leh dano isku xidhan.

“Kenya cadow kuma noqon karto Soomaaliya, sidaas oo kale, Soomaaliyana cadow kuma noqon karto Kenya” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay Muranka ay Kenya Gelisay  Badda Soomaaliya Qaybo kamid ah.

Kenya ayaa dhowr jeer qaaday tallaabo ka dhan ah Soomaaliya, si ay cadaadis ugu saarto, inay ka laabato dacwadda ka furan ICJ,  Taasi oo la filayo inay  dib u furto kiiskan bisha September ee Sanadkan 2019-ka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Cadaado says:

    Ninkaan ra’iisalwasaaraha hore ahaa waxuu kamidyahay daanyeerta Somalida ee lacagta iska galisay Kenya, iyo hanti badan. Sidaas owgeed, waaye waxa uu sida jilicsan uGa hadlaya handadaada eey Kenya ku heeyso Somalida.

    Ilaa eey jirraan dad daanyeero ah oo Somaliyeed, waliba kuwa badan oo dowladda dhexe ee Somaliya ee jilicsan xilal kahaya, dadkaas oo xoolo iyo maal kayaalaan Kenya, waa eey ka’adagtahay Kenya Somaliya. Sababtoo ah, waad jilicantahay. Daciif ayaad tahay hadii qof xoolahaaga haya, amaba eey yaalaan wadankiisa iskuma aad waalwaali kartid.

    Waana taas daanyeernimada Somalida heeysata. Kama eeysan fakirrin waxa eey sameeynayeen, walina sameeynayaan. Daanyeero.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. Mr BaHaL says:

    Dadkuba waa dad u xidhxidhan dadku shaqaysta.

    Xasan sheekh oo soo noqday Turkiga ka soo noqday,shariif Axmed oo isna meel ka soo noqday iyo Geedi Kenya ka soo noqday.

    Waxaa soo dhaw wax la yidhaa doorsho oo laga lacagyasto.

    Dalmida

  3. Garqaad says:

    Madaxdii dalka soo maamushay in ay dib ugu soo laabtaan waa wax wanaagsan. Hadaadan adigu wax wanaaji karin. Marmarsiimo kama dhigi kartid soo labashada madaxdii hore.

    Haa Hadeey qaladaad faraha KULA jiraan in la sheego waan soo dhweyn.

    Geedi. Sharaf iyo karaamo toona dadkaanu uma hayaan. Hadana ka sugi mayaan.

  4. Land of Punt says:

    Geedi ninka fiican oo koofur wax ka qaban kara ma ogi..
    Runtii nin wax og oo runta sheega oo daacad ka ah in Xamar nabad ka dhacdo.. qas iyo mooryaanimo diidan..
    Parafoor ka ahaa, Magadishu good days in the past.. he want resore it.
    Vivo Geedi.




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!