Ololaha Doorashada oo Kismaayo Siwayn Looga Dareemayo iyo Mushariixin doonaya inay Xilka Qabtaan

Kismaayo ( Kalshaale ) Magaalada Kismaayo ka socda Shirar ku aadan Doorashada oo ay qabanayaan Musharaxiinta ku Tartamaya Xilka  Madaxweynaha Afarta sano ee soo socta ee Jubbaland , waxayna Kulamada intooda badan ay Musharaxiinta la yeelanayeen Qaybaha kala duwan ee Bulshada Sida Odoyaasha, Culimada, Waxgaradka, Cuqaasha, Haweenka iyo Dhalinyarada.

Musharax Maxamed Ismaaciil  Shuuriye oo dhawaan Gaadhay Magaalada Kiismaayo ayaa Durbaba la kulmey Bulshada nool Deegaanada Jubaland wuxuuna sheegey in aad ugu faraxsan yahay in uu dib ugu soo laabto Kismaayo islamarkaana Sannadkaan uu ka mid noqdo Masharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha  Jubbaland .

“Waxaa la gaadhay Xiligii Dadka Ku Nool Jubaland ay I dooran lahaayeen waxaan ahay Shaqsigii samatabixin lahaa Jubbaland, waxaan ahay Masuul Hore Xilal u soo qabtey wax badan ka yaqaan Baahida ay qabaan Maamulada Dalka” Sidaa waxaa yiri Musharax Shuuriye oo inta raaciyey.

” Waxaan isku xir ku Samayn doonaa Degmooyinka Jubaland waxaan xooga Saari Doonaa Garsoorka iyo Amniga guud ee Jubbaland si lo helo Ummad Dhinac waliba ka Hormarsan waxaan ka Shaqayn doonaa Adeegyada Bulshada”

“Waxaa la gaarey Maalinkii aan saxi lahaa Wixii Qaladaad ah ee hore u dhacay, waxaan Dib u Heshiisiin Dhex Dhigi doonaa Bulshada ku Nool Deegaanada Jubaland oo Baahi weyn u qaba” ayuu  yidhi Musharax  Shuuriye Wuxuuna soo jeediyey Xildhibaanada la soo xulayo ee dooranaya Madaxweynaha Jubbaland in ay Doorashadoodda  ku saleeyaan Cadaalad si loo helo Masuuliyiin si Hufan uga soo dhalaala wixii loo doortey oo ah Horumarinta Deegaanada Jabbaland

Musharax Shuuriye oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka  Madaxweynaha Jubaland ayaa Maalmaha soo socda waxaa uu Magaalada Kismaayo ka soo wadi doonaa Ololahiisa Doorashada  sidoo kale waxaa uu  kulamo la yeelan doonaa Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Jubbaland si ay isu meel Dhigaan qaabka ugu Haboon oo ay u Dhici lahayd Doorashada.

Sidoo kale waxaa jiro musharixiin kale oo gaaray Magaalada Kismaayo halkaas oo iyagana lagu soo dhaweeyey, waxayna arrintaan cabsi ku abuurtay Madaxweyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo culeys badan kala kulmayo Dowladda.

Magaalada Kismaayo ayaa hadda ah mid mashquul badan, waxaana ka socdo shirar iska soo horjeedo iyo hardan siyaasadeed.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. Dabshid says:

    Doorashadii maamulka Max’uud Saleemaan waxaa loo diidey Maamulka Villa Xamar iney GOOBJOOG ka ahaadan Codeynta Xubnaha Beelaha Puntland, Mr Gaad wuxuu ku amrey Maleeshiyadii Max’uud Saleemaan ee joogtey Airport Boosaaso iyo Garowe iney xiraan hadey arkaan masuul ka socdo Maamulka Xamar.

    ilaa Faroole uu sheegey in Garowe tahey Tuulo Ciise Max’uud.

  2. Ahmed Najaad says:

    Ku postiga hore
    Dabshid Aka Garqaad
    Sool iyo sanaag iyo cayn dhibta ka jirta waa mid ay sabab u tahay reerka degan oo aan ahayn reer midaysan oo siyaasad ahaan kala taageersan dhawr maamul. Waad ogtahay inaan iidoor dabacayuun cid xoog ku qabsan karin kuna haysan karin.
    Waxaan kugu la talin lahaa nacaybka kaa muuqda inaad qarsato. sidaan calaacalka aad la taagan tahay post walba oo kalshaale la soo dhigo waa lagaaga roon yahay.

    Post walba hal reer baa daba taagan tahay.
    Wax ay kaa ba’sheen ma yara.
    Miyaadan camal kale lahayn.
    Cuqdada daarood ee kugu jirta waa midaad u dhiman aakhirka. Dawana ma leh

  3. khaatumo haanoolaatoo says:

    dowladu waa inaykenta nin lashaqeeya o aan kahor iman amarkodana qaata WBT

  4. Dabshid says:

    Kismaayo magaaladii 5ta Soomaaliyeed waxaa lagu qabsadey Kaare Kuukuuyo, waqtigii Xassan Shiikh waxaa la isla marey arimo badan sikastaba qolooyinkii la socdey Kaaraha Kuukuuyo ee Killinka ka yimid waa isku soo dhawaadeen maamulka Xamar markey arkeen inaan la isaga hareyn Kismaayo Garoob

    Balanqaad 6 bilood kadib iney soo wareejiyaan dekedda ayaa lagu balamey waqtigaas oo ku aadanaa doorashaddii 2017 kadib.

    Waxaan dooraney Mr Farmaajo waxaan fileynay inuu reer tolkiis ka dhaadhiciyo qax iyo guure waa laga gudbey, Exile iyo Kaare Tigree looma baahna, taariikhdii doorashadii 1967 ayaa marlabaad ka dhacdey Xamar.

    – Maxaad igu aaminiweydeen Huuriyaasha Boosaaso, Kismaayo waaba shirkee, { meesha reer Mogadishu igu aamineen, Magaalooyinkoodii, Canshuurtoodii, iyo Ciidamadoodii).

    -Farmaajo wuxuu ahaa SHAROOBO daaweyso wixii horoo dhacey.

    Haddii, waa haddii

  5. Ahmed Najaad says:

    Dabshid Aka Garqaad
    Kismaayo ninkii lahaa baa u taliya una talin jiray una talin doona ee postiga hore wax ka dheh

  6. Dabshid says:

    Haddii Marlabaad Axmed Cadde odayaasha lagu handadey Kaaraha Kuukuuyo suulka saaran waraaqdiisa,

    Haddii Mr Farmaajo uu tagiwaayo Kismaayo xitaa uu hal habeen soo seexdo iska daa INUU WAQTIGII UGU BADNAA DALKA BANAADIR KA MAQNAADEE,

    Haddii Maamulka Banaadir uu siduu u maamulo { doorashooyinka Hirshabeele, K.Galbeed iyo Galmudug) u maamuli waayo doorashada Kismaayo,

    -Yes wuu dhameysan sanad iyo bark u harey Mr Farmaajo, laakiin waxaan dib dambe u dhicidoonin labo arimood.

    1. Inaan markale lagu loo baahneyn nimaan tolkiis wax ka keenikarin

    2. In loo ololeeyo masuul labaad oo Kismaayo hoos keenikaro Xamar.

    * Yaxaas Mayeere weyska yaal, wixii la siiyana waa cunaa.

  7. Ahmed Najaad says:

    Dabshid
    Axmed madoobe anigu run ahaantii ma taageersani laakiin waa muwaadin xaq u leh inuu tartamo. Asaga iyo xaaf kii soo baxa oo la doorto waa noqon karaa madaxwayne farmaajana uma diidi karo.
    Xamarta aad ku waalatayna dadka kama xigtid ogoow.

    Xma xigtid ee taa ogoow

  8. Dabshid says:

    Ahmed Najaad

    Inuu Axmed Cadde tartamo asagey u fiicantahey oo CV ayuu ku qoran waagan u tartamey Doorashada Kismaayo ( ileen markii hore odayaal uu Kaaraha ku handadey ayaa suulka waraaq u saarey ayadoo uu san xutaa jirin Parliament golaha deeganka Jubbo).

    Laakiin inuu boobsiiyo dowladda oo ku mashquulsan Galmudug, warkiisu waxaa waaye ka gaarsiiyo intow Kheyre ku mashquulsanahey Mudug iyo Galgaduud.

    – Farmaajo waxaa dhibee xabadaha ay ridahayaan maleeshiyadka laga keenay Dhagax-Buur ( Waa in laga mamnuuco inuu Tuute xirto – Tuute ceebeys(.

    * Kurtunow sidaan ku moodey mise sidaad noqotey, mise si aan loo noqon doonin

  9. Mr BaHaL says:

    Wadanka waa in laga sifeeyaa Kooxihii ragaadiyay ee ninba meel qabsaday.

    Axmed Madoobe,hadii uu maanta badbaado,waxaa imandoona maalin si dhibyar loo khaajindoono.

    Dalmida




DAAWO: DF-Soomaaliya oo Amniga Dhuusamareeb si Rasmi ah ula Wareegtay
- Jul 16, 2019
DH-Mareeb ( kalshaale ) Ciidamada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ...
Daawo Video: Kulankii dhexmaray Godoomiyaha Baarlamanka DFS iyo Wafdigii QM
- Jul 16, 2019
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah ...
Jaamac Fariid Saygii Hodan Naaleeye, Mashaariicdii uu Kismaayo ka waday
- Jul 16, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Jaamac Ismaaciil Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka ...
Madaxwaynaha maamulka Amxaarada oo Noqday la Taliyihii R/wasaare Abiye Axmed
- Jul 16, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar iyo Haweenkii Kale oo Shir Jaraa’id Qabtay & Jawaab Adag oo ay siiyeen Donald Trump
- Jul 16, 2019
London ( Kalshaale ) Afar hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , kuwaas ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!