DF oo War Cusub kasoo saartay inay Wax iska Badaleen Mowqifka Badda

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxtooyada Somalia ayaa  beenisay warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood oo sheegayey inuu isbedelay mowqifka dowlada Somalia ee la xidhiidha kiiska Badda.

Warbaahinta gudaha qaarkood iyo baraha bulshada ayaa si weyn waxaa u qabsaday saacadihii la soo dhaafay warar aan la sheegin cida laga soo xigtay oo tilmaamaya in dowlada Somalia ay aqbashay iney wadahadal ka gasho kiiska badda, ka dib cadaadis kaga yimid dowlada Maraykanka, ayna dhowaan arrintaas wadahadal ka yeelan doonaan madaxda labada dowladood oo kulan ku yeelanaya Addis ababa.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ” ayuu yidhi agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasimaha wuxuu intaa ku daray in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu baaritaan ku hayo ilaha wararkan been abuurka ah sida agaasimuhu sheegay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. C/Raxmaan says:

    Wararkan iyagoo waliba si fiican u SUUGEYSAN ayaa la isla dhexmarayaa . Mana aha wax u cuntamaya shacabka Soomaaliyeed , waliba xuuraanka waxuu leeyahay waxaa ka muqalas ah Hingiriska & Hamericanka ! Ma run noqoy , mise noqonwaa ( Midba ) . Hadduu run-noqda waxaan doortay Alshabaab si ay iigu keenaan MADAXA Farmaajo iyo dilaalada ka hooseeya ! Hadduuse noqda been waa shaqadii la idiin doortay . In sharci lagu kala baxa ayaa wanaagsan , inkastoo ay iila muuqato iney Kenya wax ka helidoonto RAQDA Soomaaliya .

  2. Garqaad says:

    Madaxweyne farmaajo. Kuleey anigu kama filanaayo. In uu ku koco arimaha suuqa wareegaayo ee ah in uu badda wadal hadal ka geli doono. Laakiin waxaa jiro shaki badan waayoo mareykanka iyo ingiriisku Hadeey meesha soo galaan kama sugeyno wax innaga noo roon oo kenya u daran.

    Kuleey wararku wexey sheegayaan. Uhuruu iyo farmaajo in ay ku kulmi donaan adis.abab bisha soo socoto ama bishaan. Kulankaas oo ujeedadiisu tahay in looga Wada hadlo khilaafka Kenya iyo somaliya. Weliba arimaha badda.

    Wararku wexey sheegayaan. In farmaajo laga dhaadhicin doono in dacwadda badda in laga soo celiyo maxkamadda aduunka somaliya iyo kenyana arimahaas oo u xalistaan.

    C/ raxmaan salaan sare macalin.

  3. Dabshid says:

    Waa intuu dhahey @ C/raxmaan, kudarid iyo kadhimid maleh.

    Dhilkeenu beec maahan laakiin dadkeenu waa beec oo anigaa ku arkey dariiqyada Qurbaha.

  4. Kalsame says:

    Maya, Maya, Maya, Farmaajo iyo cid kale oo ku dhacda ma jirto in gor-gortan laga galo dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya.

    Hadday dawladdani waxaa aqbalaan hal asbuuc xitaa xilka ma sii hayn doonaan, waa Political suicide, qof Soomaali ah oo xalaal ahna wax uu raalli ka noqon karo ma aha.

    Hadalka C.Raxmaan baa dhammeeyay.

  5. Land of Punt says:

    Kiiska muranka badda Somalia iyo Kenya xeerka sharciga caalamka u yaal waxaan ahayn ninka heshii ku gala, Somalia cafin mayso asaga iyo firka kasoo jeedo.
    Waa xeer cad= inta dalkaaga xeebtaada dhirir km. le’eg tahay ayaa economic zone 200 km leedahay oo parallel ah….
    Tusaale: xeebta Kenya waa 500 km, waxayna sheeganayaa 1200 km economic zone..
    Waana sababta maxkamadda u diidan yihiin iyo aan heshiino oo saaxibadood Yuhuud iyo Maraykan hadda madaxda Somalida in kiiska maxkakadda kala soo noqdaan ku cadaadinayaan..
    Very important in Somalida warkaan fahmaan…
    We trust no body, macal Farmaajo iyo Khayre..
    Maxkamadda ayaan ku go’naa, hadday Kenya u xukumaan dee sharci aduun xeeb halkaas ku burburay.. cidna kuma dhacdo, law sea..
    Waana sababta Somalia saaxiibo u heshay, waayo haddii badda Somalia Yuhuud iyo Maraykan siiyaan Kenya dee xeer bad ma jiri doono, Somaliana dhibka kuma ekaanayo.
    Car daanyeerkee Kenya heshiis la gala oo maxkamadda in laga noqdo saxiixi karo..who?
    Kenya you own 539 km caustline, Somalia owns 3535 km caostline.
    We should never surrender even 1 km sea mile.
    period!

  6. Hiilqaran says:

    Waxaani waabeen ladoonayo in dad weynaha lagu niyad jebiyo laguna diro dowladooda ee yaan leysku mashquulin waabeen aan sal iyo raad laheen wbt

  7. Land of Punt says:

    Hadda dad baa mooda in Somaliland Kenya iyo Ethiopia etc. u aqoonsan waayeen in jacayl Somalia tahay… no thats not the case.
    Maalin ku aqoonsan lahaayeen oo cidna ma rabto Somali powerful ah, waxay u aqoonsan waayeen in Pandora box furayaan, oo Ethiopia iyo Kenya jiri doonin…
    NFD iyo Ogadenia aqoonsan anagana, Ma jiro wadan African oo dad raba in goostaan degenayn…
    Markii Muuse Biixi si heer dowladeed loosoo dhaweeyey Ganea Conakary, talefoonada ugu kulul waxay kasoo dhacayeen Addis Abeba, Nairobi, Dar es Salam etc.
    We are no longer jaahilin nolol lagu qaybsan karo sidii 1884..
    Xitaa gudoomiyaha maxkamadda caalamiga waa Somali, the man who has the last word.. I love it

  8. Land of Punt says:

    Waana adeerkay..kkkkkkkk
    You see, I trust the outcome🤙




DAAWO: DF-Soomaaliya oo Amniga Dhuusamareeb si Rasmi ah ula Wareegtay
- Jul 16, 2019
DH-Mareeb ( kalshaale ) Ciidamada Nabad-sugidda iyo booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ...
Daawo Video: Kulankii dhexmaray Godoomiyaha Baarlamanka DFS iyo Wafdigii QM
- Jul 16, 2019
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah ...
Jaamac Fariid Saygii Hodan Naaleeye, Mashaariicdii uu Kismaayo ka waday
- Jul 16, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Jaamac Ismaaciil Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka ...
Madaxwaynaha maamulka Amxaarada oo Noqday la Taliyihii R/wasaare Abiye Axmed
- Jul 16, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar iyo Haweenkii Kale oo Shir Jaraa’id Qabtay & Jawaab Adag oo ay siiyeen Donald Trump
- Jul 16, 2019
London ( Kalshaale ) Afar hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , kuwaas ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!