Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho

London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Morsi,  Kadib markii ay ku baaqaday  “baadhitaan madax-banaan” oo lagu sameeyo sababta uu u dhintay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha diebdda Masar  Ahmed Hafez ayaa “sida ugu xooggan” u cambaareeyey baaqa afhayeenka guddiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha, Rupert Colville oo dalbaday in si madax-banaan loo baadho geeridaMaxamed  Mursi oo Isniintii ku dhintay maxkamad ku taalla magaalada Qaahira, Wuxuuna xusay in tani ay tahay “isku day ula kac ah oo lagu siyaasadeynayo geeri si caadi ah ku timid.”

Dhinaca kale Geeridii Maxamed Mursi, madaxweynihii hore ee Masar waxa ay ciwaano waaweyn u samaysay guud ahaan warbaahinta caalamka, balse taas xaalka waa uu ka duwanaa qalabka warbaahinta dalkii uu muwaadhinka ka ahaa, marna madaxweyne kasoo noqday intii aanan la afgambinin.

Idaacadaha la’iska arko iyo waliba wargeysyada waxa ay ahaayeen inta badan kuwa gabi ahaanba aanan soo hadal qaadin in uu geeriyooday Mursi, taas badalkeeda waxaaa boggaga hore ee wargeysyada qabsaday warar ku saabsan tartanka kubbada cagta ee Afrika ee halkaas ka socda.

Taleefishinka dowladda ayaa si darajadeedu hooseysa u xusay geerida Mursi, balse ma aysan sheegin in uu ahaan jirey madaxweynaha Masar, Wuxuuna  Warka ahaa mid aad u kooban, wuxuuna kaliya ahaa 42 erey oo afka Carabiga ah.

Arrintan ayaa waxa ay muujinaysaa illaa heerka dowladda Masar ay u maamusho warbaahinta dalkaas, islamarkaasna u xanibtay wararka ku saabsan geerida Mursi oo aad looga gilgishay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!