Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto

Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada lasoo taagi karo Madaxweynihii hore Nicolas Sarkozy oo loo heysto Kiis Musuq Maasuq ah.

Qareenada u doodayey Madaxweynihii hore ayaa dadaal ugu jiray in laga hortago Maxkamada iyo Kiiska loo heysto Sarkozy oo la xariira lacago qarsoodi ah oo uu ka helay Hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Qadafi, xiligii uu Sarkozy ku jiray ololihiisii doorashada 2007.

Sarkozy iyo Qareenkiisa Thierry Herzog ayaa la sheegay inay shaqo iyo hanti u balanqaadeen Garsoorihii Maxkamadii baareysay lacagaha uu ka helay Col.Qadaafi iyo inuu Madaxweynaha jabiyey dastuurka dalkaasi, waxaa sidoo kale dacwad lagu soo oogay Mr.Gilbert Azibert oo kamid ah Garsoorayashii xiriirka hoose la lahaa Sarkozy intuu xilka hayey.

Maxkamada ayaa xukuntay in sadexdan nin ee kala ah; Sarkozy, Qareenkiisa iyo Garsooriihihii hore Gilbert Azibert dhamaantood maxkamada lasoo taagi karo, arrintan oo u fasaxeysa xeer illaalinta inay bilowdo dacwadooda ku aadan kiiskan.

Wiilka uu dhalay Qadaafi ee Sayfislam ayaa horey u baahiyey sirta inay lacag siiyeen Sarkozy markii uu xilka u tartamayey, kadib markii dowladii Sarkozy ay ku biirtay dalalkii wadamadii NATO ay duqeeyey Liibiya xiligii uu socday kacdoonkii xukunka looga tuuray Col.Qadaafi.

Nicolas Sarkozy ayaa noqonayaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee France oo in muddo ah maxkamad la horgeeyo, waxaana la filayaa in dacwada ka dhanka ah ay bilaabato bilaha soo socda.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Taliska Booliska oo ka hadlay Weerarkii SYL Iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarka caawa lagu ...
DEG DEG : Wararkii ugu Dambeeyay Hotel SYL ee Muqdisho, oo Weerar Noociisu Cusub yahay Caawa lagu qaaday
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Qorshaysan oo Caawa Fiidkii ...
MUUQAAL: DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ku jirto oo ay uga Horayso
- Dec 10, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) DF-Somalia oo Shaacisay Guulo ay gaadhay, iyo dalal itoobiya ...
R/wasaaraha Itoobiya oo Gudoomay Abaalmarinta Nabadda iyo Arin Xasasi ah oo Khudbadiisa uu kaga hadlay
- Dec 10, 2019
Oslo ( Kashaale ) Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ka hadlayey munaasabadda ...
Muuqaal: Ucid iyo Wadani “Muuse Biixi Madaxwayne Nooma Noqon doono” iyo Faysal Waraabe oo u hadlay
- Dec 10, 2019
Hargeisa   ( Kalshaale ) Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland  ee Wadani iyo UCID oo maanta shir ku wada ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!