Xaalada dalka suudaan iyo Wararkii ugu dambeeyay Wadahadalka ka furmaya

Khartoum ( Kalshaale ) Ururada Rayidka ah ee wadanka Sudan ayaa shaaciyey inay joojiyeen ololihii shaqo joojinta ahayd ee soo socday sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay kadib markii is-afgarad laga gaaray sharuudihii ay hordhigeen Golaha Militariga dalkaSudan.

Wakiilka Dowlada Itoobiya Ambassador Maxamuud Dirir oo dhex dhexaadinta hada garwadeen ka ah ayaa warkan ku shaaciyey shir jaraa’iid oo uu ku qabtay magaalada Khartuum.

Militariga ayaa la sheegay inay ogolaadeen inay siidaayaan qaar kamid ah hogaamiyayaasha Mucaaridka ah oo ay xir xireen, si dib loogu bilaabo wadahadalkii ay kula jireen ururada rayidka iyo dhismaha Maamul KMG ah.

Ururada Rayidka ah ayaa bilaabay olole shaqo joojin ah oo ka hirgalay guud ahaan wadanka Sudan Axadii lasoo dhaafay ayaa arrintan ku cadaadinayey militariga kadib hawlgalkii ay ciidamada ku dileen in ka badan 100 qof 3dii bishan June.

Labada dhinac ayaa illaa iyo hada ku heshiin waayey wadahadalkooda oo soo socday tan iyo 11kii April xiligii xukunka militariga ka tuuray Madaxweynihii hore Cumar Al Bashiir, qodobka caqabada ku noqday heshiis dhexmara militariga iyo shacabka ayaa ah cida hogaamin doonta Dowlada KMG ah.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!