Wararkii ugu dambeeyay Baladwayn iyo Dagaal ka dhacay iyo Xiisada taagan

Baladwayne (Kalshaale) Waxaa isa soo taranaya baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka Hiiraan, gaar ahaan guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wali ku adkeysanaya in uu yahay gudoomiyaha gobolka kaddib markii wareegto ka soo baxday madaxweynaha Hirshabeelle xilkii looga qaaday.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaanno ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka in ay arrimahooda ku dhameystaan wada hadal, iyaga oo ka digay iska horimaad kale oo ka dhacay magaalada.

Dagaal maalintii shalay ka dhacay deegaanka KalaBaydh ee dulleedka magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macow halka sidoo kalana lagu dhaaacay ku-xigeenkiisii.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Cali Maxamed Caraale ayaa arintaan ku eedeeyay in uu ka danbeeyay Yuusuf Daba-geed oo dhinaciisa wali wax war ah soo saarin.

Guud ahaan marka la eego xaalada magaalada Beledweyne iyo deegaankii shalay dirirtu ka dhacday ayaa degan, waxaan ilaa xalay soconayay wada hadalo ay qeyb ka ahaayeen waxgaradka magaalada oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadista guddoomiyihii hore ee gobolka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Mr BaHaL says:

    Waare wuu qadhaab tagay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Juye wadanka waxaa xakuma Maamul Nijaasyada oo Nairobi ayay ku shirayaan,tii oo Kenya hudheelo seexisay.

    Yeeyey gaajaysan oo Mr Deni hogaamniyo.

    Dalmida




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!