Dawladda Kenya oo ka RAJO dhigtay Qorshihii ay ka Rabtay DF Soomaaliya

Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya oo uu muran salka ku hayo arrimaha Badda kala dhexeeyo Soomaaliya ayaa waxaa haatan uu gaadhay khilaafka labada dal halkii ugu sarreeyay.

Dowladda Kenya ayaa hada ka quusatay in wadahadal ama gorgotan dowladda Soomaaliya ay ka gasho muranka Badda, kana laabato dacwadda haatan hortaalla Maxkamada ICJ oo sanadkan gudihiisa la filayo in go’aan laga gaaro.

Dhowr jeer Kenya waxa ay isku dayday in Soomaaliya ay kala hadasho sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa muranka Badda, balse dowladda Soomaaliya ayaa arrinkaas ka biyo diiday, waxa ayna sheegtay in ay ku qanacsan tahay go’aanka  Maxkamadda.

Kenya ayaa markii uu fashilmay isku dayga wadahadalka waxa ay bilowday in cadaadis ay saarto Soomaaliya, iyadoo ka baxday heshiisyo dhowr ah, sida diyaaradaha tooska kaga bixi jiray Muqdisho ee tagi jiray Nairobi oo ay joojisay iyo in madaxda dowladda loo diido in Baasaboorka Diblumaasiga ah dal ku galka loogu dhufto marka ay tagayaan dalkaasi Kenya.

Hayeeshee weli Soomaaliya kama tanaasulin in go’aankeedii ahaa in laga dhursugo Maxkamada ICJ ay ka qaadaneyso murankan muddada socday ee Kenya iyo Soomaaliya,

Sababta Kenya u qaaday tallaabooyinka xumeeyay xiriirka labada dal ayaa dadka falanqeeya arrimaha dacwadaha waxa ay ku sheegayaan in uu jiro tuhun ah in Kenya ay ku guul dareysan karto kiiska Badda ee horyaalla Maxkamada ICJ.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Dabshid says:

    Dacwadaa BADDA SOOMAALIYA waxey bilaabatey 5 sano kahor oo ay waliba soo martey heerar kala duwan.

    Arinta la yaabka leh waxaa waaye

    Yaa Kenya u Carab laalaadiyey,
    Sidey dey ku dareentey Kenya inuu jirikaro Masuul Soomaaliyeed oo ku dhaco inuu ka laabto Badda Soomaaliya.

    Xilmadhibe Kenya laga celiyey iyo raashin Xamar ka yimid oo Gaarisa lagu gubey, Ambaashe la soo ceyriyey, diyaarad KENYA imaanmeyso Xamar.

    Waxaas iyo wax ka weyn miyaan uga tagnaa dhulkeena.

  2. NUURKANEDERLAND says:

    KENYA DAD & DAL SOMALIYED BAA KU MAQAN OO LA DHAHO (NFD).WAANA IN LAGA SOO CELIYAA.




DAAWO: Faysal waraabe oo Hargeisa kusoo Noqday Kana Dayriyey Xaalada Somaliland +Shir
- Feb 20, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Hargeisa dib usoo noqday Gudoomiyaha Xisbiga UCID ...
Daawo Muuqaal: Habaynka Dalxiiska iyo Damaashaadka oo Muqdisho lagu Qabtay
- Feb 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Habaynka Dalxiiska iyo Damaashaadka oo Muqdisho lagu Qabtay
MUUQAAL: Taliyaha Booliska S.land oo shaaciyey Qorshe ay shacabka Kula shaqaynayaan
- Feb 20, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Taliyaha Booliska S.land oo shaaciyey Qorshe ay shacabka Kula ...
R/wasaare Khayre oo Booqday Askar kusoo dhaawacmay Difaaca Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed
- Feb 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa Cisbitaalka ...
Mid kamid ah Raggii diley Caasha Ilyaas oo Heshiis Mag ah lagu Sii daayey [Warbixin]
- Feb 20, 2020
Boosaso ( Kalshaale ) Heshiis lagu sii daynayo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ahaa ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!