Dagaal Xalay ka dhacay Tukaraq iyo Wararkii ugu dambeeyay [MUUQAAL]

Laascaanod ( Kalshaale ) Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo jabhadda dib u xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa xalay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dagaalka ayaa saqdii dhexe ee xalay bilowday kadib markii dagaal-yahanno ka tirsan jabhadda ay weerar culus ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee aga’gaarka buurta “Laba-madaxleey” oo dhanka koonfur bari ka xigta tuulada Tukaraq.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday Mudo uu ka dhashay khasaare kala duwan inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn maadaama ay adagtahay in labada dhinacba xog laga helo.

Xubin ka tirsan jabhadda Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidankooda oo ku hubaysan qoryaha garabka laga rido ay gebi ahaanba gubeen taliska ciidamada Somaliland ee buurta “Laba-madaxleey” balse wuxuu diiday in uu ka hadlo khasaaraha dhankooda gaadhay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay  Somaliland oo kaasi oo ku aadan dagaalka ka dhacay Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dhowaan ayay ahayd markii  Ay Puntland iyo Somaliland la kala wareegeen Ciidamo lagu kala Qabsaday Dagaalkii horay uga dhacay deegaanka Tukaraq.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 10)

  1. Dabshid says:

    Tukoraq kadib ma jiro Harti ka kaftamey Golo rageed,anigu waxaan hubaa London ‘Afka ma furan,

    Waa guul hadey gooyaan bartaas ku taalo.

    – Prof Samatar ayaa Ciidamada Qaranka ugu hoolo qaley wey dhibee.

  2. BARAWANI KING says:

    DABSHID

    Diridiraaleeee. Godkaa ma qodmo. Maxuu dad isku diray. Maxuu dab shiday.

    ILAAHOW, kala bad-baadi dadka walaalaha ah.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  3. sOmalilander says:

    Kuwan ma khajilaan, markay buusaradsadaanba afar xabo intay kusoo tuuraan ciidanka awooda badan ee Tukaraq jooga ayay hadana yaacaano markaasay dhahaan dagaal weehn baan xalay ku qaadnay tukaraqe isku soo dardara caydha yareed qurbaha ku qaadataan.

    Filmkaaai ma dhamaado.

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. BARAWANI KING says:

    SOMALILANDER:

    Dagaalka ugu xun waxaa weeyee, kan ah (ku dhufo oo ka dhaqaaq). Waxaa lagu magacaaba dagaalka (Jungle wars or Jungle attacks). Sidii uu u socda, baa maalinta dambe, waxaad arkaysaaa meeshii oo laga qabsaday.

    Fiiri, waxaa ka socda, duleedka BOSAASO. Alshabaab oo laga saari waayey AF-URUR. Waxaan qabaa in aysan ka badnayn ALSHABAAB ama ay ka yaryiheen 50.

    Hadaba waxaa fiican in dagaalkaas nabad laga raadiyo oo nabad lagu soo dabaalo.

    Waxaana qabaa heshiish sadex geesood (KHAATUMO, PUNTLAND IYO SOOMAALILAND) ay ka wada shiraan.

    Waxaan qabaa masiirka DHULBAHANTEE in loo madax baneeyo DHULBAHANTE.

    Halkaan lacag ka soo qaado iyo ciidan, ama MAJEERTEEN ama ISAAQ, oo hadba xabado la isku soo tuuro, waxaa ku dhiban MAJEERTEEN IYO ISAAQ.

    Waxaa kula tallin lahaa in MAJEERTEEN iyo ISAAQ, ay ka dhex baxaan DHULBAHANTEE oo iska soo eryaan.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

    • abdi mahile GABILEY says:

      mr Barawani waxad isku rogtay samo talis ee xajka ataad tagatay kumaan arag baryahan addo caytamata no 1 iyo 2 sano talis like puntlander keep on

  5. Mohamuud says:

    Maxaabiis lakala wareejiyey dagaalku kuma istaagayo kuweexo kuna toos

  6. xaange says:

    Mid Ogaadeena ayaa maqlay Khamribaa janada taal suuye waan iska ogahay oo laba reer mid un baa geeyey idoor ama dhabayco kkkkkkkkkkkkkk
    Haatan Dabshid iyo Harti maxaa kala haysta

  7. Kacaanboy21 says:

    Waxa layaab leh idoor dhul harti jooga. Gabayadii guba. Miyaa la ilaway. Ninka kacaankii diiday. Darawiish diiday. Khatumo diiday puntland diiday. Onlf diiday. Somalinimo diiday. Harti diiday. Darood diiday. See ujoogaan. Waayaab. Dhulbahante wax wayn baa garay. Tariikxumada. Adunka.

  8. warda says:

    Markaa puntland alshabaab dagaal la gasho Maxay Somaliland uso weerartaa?

  9. Jabhad says:

    Faysal falalug ka dhex toos baan maqli jiray

    Xogaga khatumo ee dhulka leh kicitankoda waxay

    Lee dahay samayn badan




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!