Axmed Karaash iyo Wafdi Culus oo Gaadhay Deegaanka AF-URUR oo Alshabaab laga saaray [SAWIRRO]

Boosaaso ( Kalshaale )Madaxwayne ku xigeenka Puntland   Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa gaadhay deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari, Halkaasi oo Ciidanka Puntland ay kala wareegeen  Kooxda Alshabaab oo dhowaan Qabsatay markii ay ka baxeen Ciidamadii Daraawiishta ee ku sugnaa.

Wafdiga Madaxwayne ku xigeenka ee booqashada ku jooga deegaanka Af-Urur waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdiqaadir, Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska.

Si wanaagsan ayaa loo soo dhoweeyay Wafdiga Madaxweyne ku xigeenku hogaaminayo, waxaa  ka horyimid Shacab nooc walbo leh oo ku dhawaaqaya kelmado soodhoweyn ah, waxayna dhankooda gaarsiiyeen Salaan ay ka wadeen  Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Wafdigu wuxuu socod ku dhexmaray qeybaha kala duwan ee xaafadaha magaaladda, si ay  kuurgalaan xaalada magaalada iyo dadka, kadibna waxay la shaaheen oo wakhti la qaateen shacabkii joogay goobaha laga qaxweeyo.

Kulamo Madaxweyne ku xigeenku la qaatay Ciidamada jooga Af-urur, Hogaanka dhaqanka, Ururada bulshada iyo dhallinyarada waxaa la isu wareystay si calool furan, waxayna Xukuumaddu ka jawaabtay baahiyaha lasoo gudbiyey.

Madaxweyne ku xigeen Axmed Karaash wuxuu dhiirigeliyay Ciidamada Dowladda ee ka howlgala deegaanka Af-urur, wuxuuna salaan ka gaadhsiiyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Kacaanboy21 says:

    Juquraafiga. Idoorka. 28 sano been isu sheegaan. Degan yihiin hargaysa burco. 200km.sool iyo darawish. Ladagaalay. Ingiriska idoorka. Ogaladen I’m lagumaysto. Sanaag warsangali ismaamuleen. Macnaha. Idoor kama degaan badna. Hartiga. Waxay rabaan inay 60.xoriyada sheegtaan. Oo yirahdaan koonfur iyo waqooyi. Kama shacab badna hartiga. Laakiin. Ingiriska wuxuu kalajaraya awooda harti. Idoor u qaatay in iyaga wakiil kayihiin harti. Qorteen kuwa aan juquraafiga aqOON. Oo yirahdaan heestii hebel. Iyo xuduud baan leeyahay goormay ayaga xuku meen. Dhulbahante iyo warsangali waa been kuwa wawayn ee idoor isu sheegeen. Jigjiga ingiriska udaray ethiopia. Nfd kiinya. Waayo shacabka darood lakalaqaybiyay si aan awoodooda meel isugu iman xoogaa lacaga siiyaan horgalada. Si ay tariikh beena u sheegtaan. Tusaale. Sool iyo sanaag iyaga waxay u rabaan dhulbalaarsi. Ogaada maamulgobeleed baa kawayn hargaysa iyi burco wadahadalka. Waa in harti joogaa. Waxa Uga cararaan. Puntland waxay ogyihiin in inaysan lahayn dhulka ay shegtan isku dhadhajiyaan koonfur waa inaan la hadala. Koonfur inta lagarin waa in puntland harti dhulbahante kahadashan. Dhulbahante waxay donayaan somaliwayn. Ee waa la khasbaan. Waxay helaan kuwa doqomo ah oo mushahaara uqor een. Oo hargaysa ku cab udhigaan. Darood naca.

  2. Maxamud says:

    Kacaanboy21 afkaa qoyan looma hadlo hadalka xikmadee teeda kale dhibaatada dalkaan guud ahaan kataagan qolo gooniya kuma eedeysna

  3. Kacaanboy21 says:

    Idoorka waxay rabaan. Dhulka haritga. Daroodka ka ganacsadan yiraahdaan. Qaran baanahay. Nabad baan rabaa. Cidamada. Jegaanta deganka harti keenaan. Xudud dhexdhigo harti. Warsangali suldaanka. Iyo boqorka majeerteen way ogyihiin. Laakiin dhulbahante. Garadada ma oga waxa idoor rabo. 60.18 may xuduud. Ciidan. Dagaal. Colood. Laascaano xoog. Waqtigii tikreega. Onlf gateen. Ogow hawiyaha dhulkiisa wuu joogaa maxa dul dhigay sool .waayo shacab malaha iyo isimo garta waxa idoor rabo. Ogada caqligooda waxay rabaan inay yiraahdaan ganasiga waa ok. Laakiin caalamka usheegi dhulbahante anaga xukuna. Besha caalamka xuduudii ingiriska been. Hargaysa iyo burco. Baa waxay la noqotay buur. Daroodka xeera waxa ahaa In idoorka. Deganada daroodka laga ilaaliyo. Laakiin kii dhulbahante. Idoor ujilcay. Warsangali waxay leeyihiin kuwa waxa idoor rabo fahmay. Iyo beenta. Tusaale. Juquraafiga. Ioyo dhulkooda dhulbahante waxa kakawayn aday. Idoor. Lala qayilo loo.nacnacleyo. wadahadalka waa been harti lahadla. Dhulbahante waxay ilawaan. In darood qoomiyad yahay geeska africa.




MUUQAAL: Isbadelka iyo Nabadda ka Hirgashay Muqdisho iyo Doorka Dhalinyaradda oo soo Muuqday
- Nov 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Isbadelka iyo Nabadda ka Hirgashay Muqdisho iyo Doorka Dhalinyaradda oo ...
Daawo: Guri dadkii lagaa lagu Wareejiyey “Muqdisho 2019 Guryo lagu kala haysan maayo”
- Nov 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guri dadkii lagaa lagu Wareejiyey "Muqdisho 2019 Guryo lagu kala ...
DHEGAYSO: Puntland oo War Cusub kasoo saartay Ciidankii Galay Boosaaso iyo Sida looga saaray [Waraysi]
- Nov 17, 2019
Garoowe  ( Kalshaale )  Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay ciidamadii soo galay magaaladda Boosaso ...
Cabdiqaasim Salaad Xasan oo si adag uga Hadlay Hadalkii Sheikh Shariif iyo Xaalada Soomaaliya
- Nov 17, 2019
Qaahira ( Kalshaale ) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa ka hadlay sida ...
MUUQAAL: Riwaayada Dhib iyo Dhalaan Qaybtii Saddexaad oo Xiiso badan
- Nov 17, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Riwaayada Dhib iyo Dhalaan Qaybtii Saddexaad oo Xiiso badan

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!