Xaalada Suudaan ee weli kacsan iyo Wafdiga Maraykanka ee Booqanaya

Khartuom  ( Kalshaale ) Waxaa  booqanaya dalkaasi Suudaan oo ay curyaamiyeen shaqo joojin iyo kacdoon dadweyne Mid ka mid Dimplamaasiyiinta ugu sareeya wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka Tibor Nagy.

Tibor Nagy, waxaa la filayaa inuu la kulmo gollaha milateriga iyo hoggaamiyayaasha Ururada bulshada rayid ah ee Suudaan, isagoo isku dayi doonaa inuu ku qanciyo labada dhinac inay bilaabaan wadahadaladii.

“Wuxuu ku baaqi doonaa in la joojiyo weerarada gacan-ka-hadalka ah ee lagu hayo shacabo, wuxuuna ku adkayn doona dhinacyada isku haya Suudaan inay ka wada shaqeeyeen sidii loo abuuri lahaa jawi suurtagalin kara in dib loo soo celiyo wadahadaladii ” Sidaa waxaa lagu yiri qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay hawlgalkii ay ciidamada xoog ku kala eryeen shacabka mudaharaadka ka waday magaalada caasimada ah ee Khartuum, arrintaasi oo keentay in ay ururada rayidka ah ku dhawaaqaan Shaqo-joojin bilaabatay Axadii shalay.

Ururada Mucaaradka Suudaan ayaa dalbanayay in Milaterigu ay xukunka ku wareejiyaan dowladda Rayid ah oo kumeel gaar aha, dalabkaasi oo Milaterigu dhagaha ka furaysteen.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!