MUUQAAL: R/wasaare Khayre oo Dhagax dhigay Warashada Dharka Ciidamada oo Turkigu ku deeqay

Muqdisho ( Kalshaale ) Xasan Cali Khayre Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarunta warshad soo saareysa dharka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Warshadda oo soo saaraysa dharka ciidanka oo leh tixraan fududaynaya in askari kasta ee Soomaaliyeed uu helo labis u gaar ah, ayaa meesha ka saaraysa dharkii ciidanka ee laga keeni jiray dibadda iyo in dharka ciidanka ay isticmaalaan shaqsiyaad aan ciidanka qayb ka ahayn.

Dowladda Turkiga ayaa Warshadda iyo dhammaan waxyaabaha ay ku shaqaynayso ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya, oo hadda gacanta ku haysa, waxaana la howl gelinayaa warshadda marka uu dhimaado dhismaha ay ku shaqaynayso si ugu dambayn ay u shaqo bilawdo horraanta sannadka 2020.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa fulinaya dhismaha warshadda oo qorshuhu yahay in lagu dhammeeyo sannadkaan gudihiisa, iyada oo qalabka lagu dhisayo xarunta ay soo saarayso warshad uu leedahay taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dib loo howl geliyay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray warshadda qalabka dhismaha ayaa ku bogaadiyay taliska asluubta dadaalka ay u galeen in ay dib u howl geliyaan warshadda, waxa uuna faray in xilliga loo qorsheeyay lagu dhammays tiro dhismaha warshadda dharka ciidanka oo muhiim u ah dalka, qaybna ka qaadanaysa horumarinta amniga iyo qalabaynta ciidanka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    ORDIGAN. MUJAAHIDKA QARNIGA.
    ORDIGAN,AK PART,& TURKI NOOLAADA.
    We DON’T FOR GET TURKI.




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!