MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo La kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika iyo Arimaha Dhexmaray

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mudane Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, deyn cafinta, iyo dib u habaynta garsoorka dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Geeska, Wuxuuna Madaxweynuhu uu la wadaagay Danjiraha aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan daris wanaagga dalalka Gobolka, iskaashiga, xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

“Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wafdiga Midowga Yurub dadaallada ku saabsan xaqiijinta amniga oo ay ugu horreeyaan dhismaha Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale wax ay ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta oo Midowga Yurub uu kaalin mug leh ka qaato.”

Dhankiisa, Danjire Alexander Rondos ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in ay ku gacan siinayaan Dowladda sugidda amniga iyo dib u habeynta caddaaladda oo tiir dhexaad u ah qorshe hawleedka Xukuumadda.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    EU YOU WELCOME SOMALIA.
    EU-WAA SOO DHAQWAYNAYNAA,
    LKN DHAQALAHA AY KU BIXIYAAN (AMISOM & UNSOM)WAX ABAALA UGUMA HAYNO.
    WAAYO?AMISOM,ALSHABAB,ISIS WAA ISAGU KAAYA MID.
    HA ILAWIN DIGNINTADII:-
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE,.
    IS=ISRAEL SECRET-(EREY BIXIN CUSUB).
    DID MOSSAD DO CHARLIE HEBDO.ANTI MUSLIMS AGENDA.
    EDWARD SNOWDEN SAYS:ISIS LEADER ALBGHDADI EX-NAME(AKA ELLIOTE SHIMON)100% HE WAS MOSSAD AGENT.
    ALSHABABA+MI6+CIA+AMISOM+UNSOM=ONE,DEALERS,QANDARAASLAYAAL QANDARAAS KUSOO WADA QAATAY DAADINTA DHIIGA SHACABKA SOMAIYED EE MASAAKIINTA AH.SOMALIYA WAA MASHRUUC!!!.
    AM I SORRY? yes I AM SORRY MY PEOPLE.
    TERRORIST IS NOT ISLAMIC & MUSLIMS,its ANTI MUSLIMS AGENDA.
    TUSAALANA WAXAA KUUGU FILAN SIDAY U BAABI’IYEEN:SOOMALIYA,SURIYA,CIRAQ,LIBIYA,NAYJERIA,MASAR,AFGHANISTAN,YEMEN.
    FIIRO GAARA:-
    ISIS & ALQACIDA THEY NEVER ATTACK ISRAEL!!!
    why not?
    ISIS MADE IN ISRAEL.




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!