Sh. Mukhtaar Roobow oo la Dhigay Cisbtaalka Digfeer iyo waxa dhacay

Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Mukhtaar Roobow AbuMansuur ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho Maalmihii lasoo dhaafay, kadib markii ay Xaalad Caafimaad lasoo daristay, sida la sheegay.

Waxaa la sheegay in Abu-Mansuur uu ka xanuunsaday Kiliyaha waxa uuna Cisbitaalka ku jiray muddo 3 maalmood ah. Waxaa la dhigay qayb gaar ah oo loo diiday inta badan shaqaalaha iyo guud ahaan dadweynaha waxaana arintiisa gacanta ku haayay dhaqtar-ka ugu sarreeya Digfeer kaas oo u dhashay Turkiga.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo hadda wanaagsan oo ay xaaladiisa soo hagaagtay ayaa la sheegay in xanuunkaan Kiliyaha ah uu hore u qabay islamarkaana uu mar mar ku soo kaco.

Markuu ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale waxaa hore loo dhigay Isbitaal, waxaana sababihii uu ugu soo biiray Dowladda la sheegaa in ay qeyb ka aheyd arrintaan caafimaad.

Dhaqaatiirta Caafimaad ee Abuu Mansuur ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay waxayna u qoreen dawo iyo dhaqaatiir gaar ah oo la sheegay in ay siin doonaan dawadaasi sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Isbitaalka Digfeer.

Sidoo kale arintaan waxaa xaqiijiyay Nabadoono iyo Saraakiil kale oo ku dhow Abuu Mansuur. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Guulwade says:

    Muxuu dad la yay ashabaab xume weeye. Markii dadbadan xasuuqo. Gaalada wat rabaan waayo somali markii uu qod dadbadan laayo beshooda waa Geesi. Lama rabtaan. Waxay ahayd in dadkii uulayay laeadiiyo isaga godane oyo cali dhere waa isku mid. Reer baydhaba asxasn inuuSan hayn. Wa calooshii ushaqayste wayn.

  2. Cadaado says:

    In eey Somalida yahiin daanyeero, waxa horboodana eey yahiin daanyeero ciyaala suuq ah, bal arka ninkaan argagixisadda ah, oo boqolaal qof dilay, ayaa isbitaalo loola carcarayaa, oo la daaweeynayaa.

    Nacald baa kutaal kuwa sida daanyeerka u fakira, halaag ayaana u sugnaaday kuwa aanan caqliga laheeyn.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  3. NUURKANEDERLAND says:

    Nuurka.
    Political Analyst.
    Khabiir Ku Taqasusey Arimaha Argagaxisada.
    ——————————-……..
    WAXAAN KA JECLAAN LAHAA IN LA DHAHO ROOBOOW SI XUN BUU CAAWA U DHINTAY!!!!.
    WAAYO?WAA GACAN KU DHIIGLE DILAY SOMALI BADAN OO AAN WAXBA GALABSAN,MASAAKIINA.ISAGOO U ADEEGAYA SIRDOONO CAALAMIYA!!!.
    WAXAANA U AQAAN MID KA MIDA GACANYARAYAASHA CIA,MI6.
    HA ILAAWIN DIGNIINTDII:-
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICES.
    IS=ISRAEL SECRET(EREY BIXIN CUSUB).
    ALSHABAB+CIA+SIS-MI6+AMISOM=ONE,DEALERS.
    OSAMA BEN LADEN STILL ALIVE(BAHAMAS).
    ISRAEL DID 9/11,& IN SIDE JOB,(9/11/2001 ANTI MUSLIMS AGENDA).ZOINESTE PLANER.
    ATTENSSION….LET OP….ISKA JIR…
    TERRORIST IS NOT MUSLIMS & ISLAMICE…
    BUT,WE ARE MUSLIMS,WE ARE TARGET’s.
    EVERY WERE WE ARE TARGET’s.for sure!!!.
    ARE YOU MUSLIM?YOU ARE TARGET.sure.
    Oben your eyes!!!Fura indhaha.




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!