Jabuuti oo war kasoo saartay Maraakiib dagaal oo dawladda iiraan leedahay

Hargeisa  ( Kalshaale ) Dowladda Jabuuti ayaa beenisay warar soo baxay oo sheegaya inay biyaheeda u ogolaatay maraakiib dagaal oo ay leedahay Iran.

Safiirka Jabuuti ee dalka Sacuudiga, Dhiauddin Bamakhrama ayaa si kulul u beeniyey in maraakiib dagaal oo Iran leedahay ay ku sugan yihiin xuduud badeedka dalkiisa, wuxuuna ku adkeystay in Jabuuti ay weli xiriirkii ay u jartay Iran uu sidiisa yahay.

“Ma jiro wax maraakiib dagaal oo Iran ay leedahay oo soo galay biyaha Jabuuti ama dekadaheeda” ayuu Dhiauddin Bamakhrama ku yiri bayaan uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray in wax xiriir ah uusan ka dhaxeyan labada dal.

Bishii Janaayo ee 2016, Jabuuti ayaa la safatay Sacuudiga, xiriirkana u jartay Iran kadib markii dibad-baxayaal ay galeen safaaradda Sacuudiga ee Tehran, iyo qunsuliyadeeda magaalada Mashahd taasi oo ka dambeysay markii Sacuudiga ay dileen wadaado shiico oo caan ahaa.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!