Isimada iyo Waxgaradka Dhulbahante oo Wardheer u baxay iyo Mustafe Cagjar oo kusoo Wajahan Gobolka

Buuhoodle  ( Kalshaale ) Habeenimadii xalay ayaa waxaa magaalada Buuhoodle ka ambabaxay Wafti aad u balaadhan oo ay hogaaminayaan ismada deegaanka  iyo Waxgarad ay kamid yihiin   Garaad Cabdirasiq Garaad soofe,  Garaad saleban buraale ,  Suldaan siciid cismaan cali ,  Cugaal,  Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo culimo.

Sidoo kale wafti tan la mida oo uu hogaaminayo garaadka guud ee Beelaha dhulbahante Garaad Jaamac Garaad cali Garaad jaamac ayaa ka soo baxay deegaanada bariga dhamaantood waxay ku jawahanyihiin magaalada Wardheer ee gobolka doollo dawlada deegaan Soomalida halkaas oo maalinta Arbacada ah uu ku soo beegan yahay madax waynaha deegaanka Mustafe Muxumud cumar.

Ujeedada Safarka Waxgaradkan ayaa lagu sheegay  inuu salka ku hayo  Si ay ugala hadlaan xaquuqda dawliga ah ee deegaanka bariga doollo iyo sidoo kale inay madax waynaha ku martiqaadaan deegan ka bariga dollo waxaan suura gal ah ah in madax waynuhu socdaal kumaro deegaano ka tirsan bariga gobolka sida lagu wado.

Beesha Dhulbahante ayaa degan Bariga Gobolka Doolo Waana beesha Ugu deegaanka balaadhan oo aan helin Xaquuqdii ee Dawladda deegaanka ku lahaayeen,  waxaana Waxgaradka lagu booriyey in madaxwaynaha ay ka codsadaan in uu deegaanka la soo arko.

Waxaana horay bishii Ramadaan magaalada Jigjiga ka dhacay shir balaadhan oo dhexmaray Waxgaradka Bùuhoodle iyo Madaxwayne Mustafe Cagjar kaasi oo looga hadlay arimo muhiim ah.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 11)

  1. Land of Punt says:

    Lacagta Gaaska killilka laga helay Hartiga wax ha laga siiyo, Ma Ogaden iyo Oromada raba in kelihood dhuuqaan.kkkkkk

  2. Kalsame says:

    LOP Marrexaan maxaad uga reebtay Killilka miyaanay wax ka deggenayn?.

  3. sOmalilander says:

    Oo ISAAQ maxaad uga reebtay miyaanay kililka deganayn oonay nimankii habar yoonis ee DOOLO ka qaaday OGADEENku deganayn?!

    Doqontii Ogadeen Ahayd Doolo Laga Qaadye…Loo Diid Danood & Inuu Dego Ciide!

    Kkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. RAAMALEEY says:

    Sheekada SNM SSDF EE maxaan cunaa OO keliya Meeshan LOOGA Hadli Maayo labadiinaba waad heshaan waxa kufaartu kaniisadaha KHANIISYADA dhilooyinka iyo XAARAAN oodhan laga soo dewaro WAXAAD NA KU Mamteen WAX aydaan Shaqaysan iyo Shaxaad iimaan la AAN AH meesha AY TAAL DAWERSINA WAAD UGU HORAYSAAN SOOMALI LAAKIIN MEESHAN MATAAL WAXAAS EE WAXAA WAADA SHIRAY SOMALI AABAHEED OO AH ABSAME IIYO SICIID HARTI OO SHIIDAALKA DHULKEENA LAGA HELAY SIDAY WAX QAYBIN LAHAAYEEN KA SHIRAYA EE HUNGURI IYO IIMAAN XUMO ILAAHAY UGA NOQDA CAJIB

  5. Land of Punt says:

    Kalsame iyo Somalilander
    Sxbyaal waan iska kaftamayaa ee Killilka Somali qabiiladooda cid kama maqna,, waa lagu kala badan yahay keliya.
    Engriiskii Eeyga ahaa ayaa dhexda nagu dhiftay.

  6. Land of Punt says:

    RAAMALEEY.
    Daanyeer..
    Maxaan cunaa agtaada ka fiiri oo xitaa dhulkaaga gatay.

  7. sOmalilander says:

    LOP

    Waan oghy sxb waynu iska wada kaftamaynaa laakiin qaar baa run moodayaa oo durbaba cabaadkii bilaabay.

    Thanks sxb!

  8. sOmalilander says:

    Raamalay ma gabadh Ilma Garab Adhi ah baa waatan qeeylo ku dhufatay oo is dhahday kuwaan baa hilibka kaa boobiye!!

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. Mr BaHaL says:

    Kablalaxa Reer Wardheer ayaa isku haysta Gudoomiyaha Gobolka Dolo.

    Qabyaalad ayaa Somali ragaadisay.

    Dalmida

  10. Dusha says:

    Kkkkkkkk…..waar qabyaaladi dugsi maleh…qaboow maleh…walaalnimo maleh….mar hadday dacartu kacdo waxba ma xeeriso…….ee warbal dirtu kablalaxa doollo hakala dhexgalaan intaan la isku jihaadin….kkkkkk

  11. Kalsame says:

    LOP
    Waan ogahay inaad kaftamayso sxb.

    Meeshaan Doollo Waxbaa ka socda, Gallaadina waa la isku dheggenyahay Wardheer sidoo kale, ma Tikreegii baa loo xiisay tolow.

    Soomaali waxaa ku wada dhacay xanuun la yiraahdo yaynaan heshiin, afarta bayna jaho waa isku dgeggenyihiin. Waxani caadi ma aha ee mala sixir baa haya dadkan.

    Adduunyada intaan dal maray waddan walba ahmiyadda 1aad, 2aad iyo 3aad waxuu siiyaa WADA NOOLAANSHAHA iyo DERIS WANAAGGA< Soomaaliyase digshinari-goodaba kuma qorna Wada noolaashuhu show.




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!