Qaar kamid madaxda maamulada oo Shir kale uga Furmi doono Nairobi iyo Arimaha looga hadli doono (Warbixin)

Garoowe ( Kalshaale ) Madaxweynayaasha Jubbaland, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug ayaa shi ku yeelanaya magaalada Nairobi, iyagoo la kulmi doona Wakiilada Masuuliyiinta dalka Kenya oo khilaaf kala dhexeeyo Soomaaliya,   waxaana sidoo kale  la filayaa in si wadajir ah  Beesha Caalamka ugu gudbiyaan Mowqifkooda ku aadan Xaalada dalka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Nairobi, halka la filayo inay gaaraan waqtiyada soo socdo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka imaan doona Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb uu maanta ama berri ka tagi doono.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in markii u horeysay uu ku biirio shirarka Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kaddib markii sanad ka hor uu ka baxay Golihii Iskaashiga maamul goboleedyada.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii Wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaddib todobaad la fadhiyay magaalada Garowe.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Kacaanboy21 says:

    Raaligaliya. Kiinya. Puntland somaliland hirshabeele. Galmudug jubaland. Koonfurgalbeed. Shaqada wada kiinya kafarxiya hotel dega. Sirta somalida sheega. Uhura kahadla. Tusa casimada kiinya fican tahay. Laandheere. Muqdsho kacarara afsomaliga naca suut xidha. Lacagta hotel. Diyaradaha kubixiya. Qaxootiga somali ilaawa. Mucarad xisbiyada shirar qabta. Hayadaha usheega isma tabrno noo kala turjima .lacagta federaalka noo qaybiya wadan hebla I music bixiyay. Darashada marabo aan sii joogo. Bada tusa inaan la Rabin. Allaah ha unaxariisto jaale siyaad. Wuxuu katagay kuwa maanta jooga. Adunka iyo tarikhumda walee ma gadhan. Walee halayay buu ahaa. Subxaanalaah. Aduunka wuu ka mamuucay. In somaliya la hunguriyeeo. Geesi geesi.waa in taalo loo dhisaa wakaa xaaf 80 jir doirashada diiday. Musa shaani dagaal gibalka sool.kacaanki wuxuu katagay qashin. Waxaan rag ahayn oo rag u eg. Kiinya kuwa utaga gabdhooda baran. Waa wuxuush dhamaan.

  2. Land of Punt says:

    Kacaanboy 21..
    Kacaankii wuxuu na baday waxaa ka daran wuxuu na baray!!
    21 jir miyaa tahay..!
    Kacaankii wuxuu dhintay adoon dhalan, marka waa in kuu sheego, wareerka aad u jeedo, waa dhaxal Kacaankii.
    Run

  3. Kacaanboy21 says:

    Kacaankii. Kibir oyo laandheere ahay. Janaral reer hebel. Nasiya. Wasiir hanalasiiyo. Xukunka aan ka tuuro. Shisheeyaha loo tago. Dibada la ado. Qabyalad kursiga madaxweneha rabnaa. Inqilab. 7 jeer. Kibir. Gobalka an Anaa leh. Jagada hadii laandheere laga qaado car ooda. Amxaaro loo tago. Kinya la ado. Dibada loo dhoofo. Mucarad. Reek ayaga. Musuqmaasuq kii lagu qabto carara kii wax dila. La diido. War kacaankii dawlad buu ahaa kuwa hada jooga way joogeen ee maxay qaban karaan wataa shisheyaha wali loo cararayo .madaxweynha waqtigaa joogay aabo siyaad wuu idiin shegay. In laandheere kibray. Kuli tarikh xumaa al. Anaa amiin wa anata amiir man yasuuqul ximaar.

  4. Kalsame says:

    jabhadihii diiratada ahaa ee dalka fiiqday waxan bay dhaleen abnikhiin la gub, waa bilaa xayo iyo xishood, waar kolba haddaad qarannimada diiddeen cadawga ha isu dhiibina oo ha la safannina, dalkiinna dhexdiisana ku shira ku shira haddaad shiraysaan. Hadday Kiinya dalka iyo badda dhacdo oo ay u gacan galiyaan carruutoodu maxay ka dhaxlin. Waa wax bilaa damiir ah kuwani.

  5. Kalsame says:

    LOP
    Kacaanku 30 sanuu mootanyahaye, 30 kaa wixii dhacay ka hadal iyo waxa hadda dhacaya ama soo socda. Riyaad ku nooshahay jaalle. Ma kuwan iyo Kacaankii baad is bar bar dhigtay maanta.

    Taariikh xumada socota ilaahow anan qayb ka noqon oo aanan qawl iyo qalin ku taageerin sida LOP.

  6. Mr BaHaL says:

    Somalidu dhaqankii Majeerteenka ayay qaateen.Mr Xaaf wuxuuba noqday Daayeer ay jeebka ku sitaan.

    Wada Dabadhilif ayay ayay noqdeen.

    Dalmida




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!