MUUQAAL: Maxaa jira in Ciidamo uu Lahaa Boqor Buur-madow u galeen Puntland, Muxuuse ka yidhi? (Daawo)

Burco  ( Kalshaale ) Tan iyo markii uu  Boqor Cismaan Buurmadaw dhowaan sheegay in Beelaha dega Bariga iyo Galbeedka Burco ay shir Wadatashi ah  yeelaan doonaan waxaa soo baxaya inay Arintaasi Xukuumadda Somaliland siwayn uga Biyo diiday.

Gudoomiyaha Gobolka sanaag ugu magacaaban Somaliland ayaa   sheegay in Ciidamo uu lahaa Boqor Buur-madow oo ku sugnaa sanaag  ay   Dhinaca Puntland u goosteen.” Ciidan Buurmadaw leeyahay ayaa u tallaabay Puntland”.

Sida uu Telefishinka Bulsho u Xaqiijiyey Boqor Cismaan Buur-madow wuxuu sheegay inaysan Jirin Ciidamo uu leeyahay kuwaasi oo aaday dhinaca Puntland, wuxuuse Xusay inay deegaanada ku sugan yihiin Ciidamo beeleed kala duwan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hadaba dad badan ayaa sheegay inay iswaydiintu tahay  “Hore miyaad u maqasheen ciidankan? Hadduu Boqorku leeyahay ciidan Sanaag jooga maxaa Caarre loo eryaday kuwanna loo Qarsanayey? Maxaa shirkan Boqorku sheegay ku soo beegay dacaayaddan?

Geesta kale Boqor Buur-madow ayaa sheegay inaanu tegin magaalada Garoowe, Balse uu weli ku sugan yahay dalka imaaraadka Carabta.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. Land of Punt says:

    Puntland ma waxay noqotay meel Isaaqa is bursanaya kii laga adkaado iska dhiibaan..kkkkkkl
    Habaryonis iyo Caare ayaan rabnay in soo caro celino, hadana ma Habarjeclo ayaa timid..kkkkkk
    Anoo aabahay meel geeyo la, ayuu aabihiis keenay..
    kkkkkk.
    Habarihii Isaaq in digada iska dhigaan ayaan ka biqin..kkkkkkkk🗣

  2. Land of Punt says:

    Somali iyo qabyaalad loo taag helimaayo.
    Haddii Somaliland Habaryonis loo dhiibo madaxweyne, Habarawal ayaa Hargeysa gubin..kkkkkkk
    War qabiilka iska dhaafa oo dhulka dhista kaas ayaa idin deeqee.
    Majeerteen taas waa ka ilbaxay….Boowe shaqo qabo cidaadoonto ahow….
    kkkkkkkk😺

  3. Baaruud says:

    LoP,

    Buurmadow wuxuu wataa 1500 halaad oo Qadaafi u iibiyey oo dhowr gaadhi tiknako ah lagu ilaaliyo, ha ku khaldamin oo ha u qaadan geelii Miinannle oo mar labaad kuu soo galay.

  4. Land of Punt says:

    Dhulbahante belo la tusay! Nimankaan madmadow oo indha guduudan ayey arkeen oo hadana marqaansan..kkkkkk
    Faqash baa tahay ku oran,,,kkkkkkkkk.
    Bal sawirka fiiriya, Habargidir ayaaba la qaatay oo indhaha guduudnaa kuwaan waaba insho cas yihiin..!!! kkkkkkk🙀
    Kaftan.com
    Caways wacan Maryooley.

  5. Land of Punt says:

    Baaruud
    Horta geela Minanle taariiqdiisa ma aqrisay.
    Wuxuu ka koobnaa Geel Hagoonane la oran jirey oo Habarjeclo Daraawiish ka dhacday iyo geel Daboolane la yiraado oo Darawiidh Ogaden reer Subeer kasoo dhaceen… geelaas oo la isku daray.
    30 kun halaad ahaa, kulli Majeerteen ayaa ka dhacay Daraawiish..kkkkkkkk
    Gabay Sayid Maxamed.
    Geel Miinanle ugu jeclaa guunyo oo idil.
    Isba gacaliye buu galax qaboobaaye.
    Gungunaafyadii baa la tegey guunkii reer Bari..
    Gurigii la geeyaba hadaanan Gaas dhan ku afuufin.
    Geelii la eedyey hadaan lagu guraabaasin.
    Haddan lagugu guban waa hadaan gobi ku maalaynin….
    Colaada geelaas Sayid Maxamed iyo reer Bari ummad dhan ayaa u halaagmay.
    …………
    Kun caynaba, kumanaan cribiid iyo askira haada la ciyaara..
    Kumayaal wixii carar isyiraa lagu cashiireeyo….
    kumanaan..kumanaan.. kumanaan….many kumanaan.
    Intaas oo kun oo wada caynaban baan soo camiri laa.
    Casar baan ku dhigan lahaa cago daruureey, ceeryaamo anigoo sitoo ciiro qiiq leh,
    Sida aar cargaagtamay markaan camal guhaadoobo..
    Cabaadka iga soo baxa ayaan cidi joogteen.
    Waxaan calloosha wayn dari lahaa, caada qaata, cawgiirta waa noqon lahaa cooflihii Bari, coomaadahaan siin coodka iyo jiirka…….
    Ciilow ba’ay talo xumo ayaan cudur ka weynayn….
    Gabay culus..by Sayid Maxamed….
    Allow Darwiishkii qabriga u nuuri….geesi geesi dhalay.

  6. Kacaanboy21 says:

    Ninkaan mardanbe umalayn maayo in lacidhayo waayo xabsi wuu kadhargay. Boqor marwalba laxidhay o. Burco waayaabeen boqorka sanad walba laxidhay cajiib hada wuu is difacaya waayo puntland tuulooyinka xataa wuu joogi karaa. Laskiin .burco iyo hargaysa meel lfu dhuunto malaha. Waa buuro cidla ah biya la aan. Meeshuu tago waa loo jeedaa tasaa keen tay nay dhulka warsangali iyo dhulbahante. Jabhado ida soo galaan. Sool iyo sanaag. Waa macquul. Odayga wuu iska joogi karaa.

  7. Taleex boy says:

    Boqor buur madow land .com kkkkk




MUUQAAL: Qubanaha VOA oo Qodobo Xiiso Badan iyo Filim-ka ay Jilayaan Soomaalida yurub lagu soo Bandhigay
- Jun 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA oo Todobaadkan ...
MUUQAAL: Qaraxyo ka dhacay dalka SUCUUDIGA oo Caalamka laga Qariyey iyo Maraykanka oo Kashifay (Daawo)
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale )Qaraxyo ka dhacay Sucuudiga oo Caalamka laga qariyey iyo Maraykanka oo ...
Warbaahinta Dalka Masar oo si yaab leh Indhaha uga Qarsatay Geeridii Mursi iyo Dawladda oo diiday in la baadho
- Jun 20, 2019
London ( Kalshaale ) Dawladda Masar ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay siyaasadeeneyso geerida ...
Madaxwaynihii Faransiiska oo Maxkamad lasoo taagayo iyo waxa lagu haysto
- Jun 20, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamada dalka Fransiiska ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada ...
MUUQAAL: Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay soo Baahiyaan Dhaliilaha Muuse Biixi [Daawo]
- Jun 20, 2019
Laascanod ( Kalshaale ) Telefishinadii Hargeisa laga xidhay oo Bilaabay inay Baahiyaan Dhaliilaha ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!