Xog laga helay Sababta Xabsiga Loogu Hayo Sheikh Mukhtaar Roobow

Muqdisho ( Kalshaale )  Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa muddo ku dhow 150 maalmood ku xiran Xabsi ay maamulaan Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya, oo ku yaala taliskooda ugu wayn ee Habar Qadiijo, waxaana isa soo taraya qayla dhaanta loo jeedinayo dowladda ee ah in la sii daayo Abuu-Mansuur.

Ilaa hadda ma jirto maxkamad la soo taagay Abuu Mansuur, waxaana dad badan ay u arkaan xeraggiisa inuu yahay mid Sharci darro ah, ayada oo lagu eedeeyay hogaanka dowladda Soomaaliya in ay is hortaageen heshiiyo badan oo lagu sii deyn lahaa Abuu Mansuur.

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya Sababta ka dambaysa inay Dawladdu Xabsiga ku hayso Mukhtaar Roobow oo Horay uga mid ahaa Kooxda Alshabaab una tartamay Madaxwaynaha KoonfurGalbeed oo laga Joojiyey.

1 –  Abuu Mansuur waxa uu heestaa dhalinyaro hubeysan oo leh awood ciidan kuwaas uu ku mucaaradi karo dowladda Soomaaliya, waana qodob kamid ah waxyaabaha ay uga cabsi qabto sii dees-madiisa.

2 – Waqtiga dowladda oo gabaabsi ah, haddii ay dowladda Soomaaliya sii deyso Abuu Mansuur waxa uu ka mid noqonayaa mucaaradka Dowladda ee dhanka siyaasadda ,waxana uu ku wiiqayaa awoodda dowladda saameentiisa siyaasi iyo midda deegaan, waana sababta labaaad oo ay dowladda Soomaaliya uga cabsi qabto Abuu Mansuur.

Arimahaas ayaa la sheegay in ay yihiin qodobada ugu waa-wayn oo ay Dowladda Soomaaliya Xabsiga ugu sii heyso Abuu Mansuur oo ah hogaamiye saameyn ku leh deegaanada  Koonfur Galbeed iyo beelaha ku heebta Roobow.

Soomaali iyo ajaaniib la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isku dayday in la sii daayo Abuu Mansuur, balse waxay madaxda dalka ku adkeesteen in aysan sii deyn doonin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo bishii December laga xiray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Elmi says:

    Mansiur waxa waajib ah in la maxkamadeeyo oo dil ama xabsi Daa’im lagu xukumo qofka u doodayaana ee qabiil uga jeedaana Habeen ma Kirin waxa uu laayay wax u badnaa reer baydhabo

  2. NUURKANEDERLAND says:

    NUURKA.
    POLITICAL ANALYST.
    Khabiir Ku Taqasusey Arimaha Argagaxisada.
    XXX OOO XXX OOO XXX OOO.
    MUQTAR ROBOW WAA DANBIILE UMADDA & QARANKA SOMALIYED KA GALAY DANBIYO WAWEYN CAFISNA MA LEH WAAJIBKIISUNA WAA INUU JEELKA KU URAA(XABSI DAA’IN)AMA DIL TOOGASHO AH LAGU XUKUMAA!!!.
    ILOWSHO DHAWAA SOMALIDU WAR KAN AAN ARKAA SOOW KII MAAHA QARAXII HARGAHA & SAAMAHA KU FAANAYEY,SOOW MAAHA KII QARAXII SHAAMOOW KU FAANAYEY,NINKAANI DAWLADI MA CAFIN KARTO HADII LA CAFIYANA WAA IN YARYARKA UU QALDAY EE XABSIYADA KUJIRAA IYANA LA CAFIYAA,
    DUNIDU SIDEEDABA MA CAFIDO MADAXDA DAGAALKA LKN WAXAY CAFIDAA KUWA YARYAR,HADII UU NINKAASI AHAA XUBIMN FOIRFIRCOON OO CIA-da SHAQO U HAYEYNA DAWLADU HANOO SHEEGTO,
    FIIRO GAARA:-
    HADII ROOBOOW LASII DAAYO WAA HADII CIA,MI6(SIS) AY CULAYS KUSAAAREEN DAWLADU INAY SII DEYSO,
    DFS WAXAAN LEENAHAY LAMA AQBALI KARO TUULNIMO QAAWAN,
    I DON’T CARE CIA,SIS-MI6 iwm.
    Ha ILAAWIN FARIINTAYDII:-
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIHENCE SERVICE.
    ISIS LEADER ALBAGHDADI ex-Name(AKA ELLIOTE SHIMON=AKA SIMON ELIOTE)100% HE WAS MOSAAD AGENT,GO FUCK YOUR SELF,YOU ARE JEWS(ISRAEL)INTERATIONAL TERRORIST JIT.
    IS NOT MUSLIMS,sure.
    ISRAEL DID 9/11 & IN SIDE JOB.
    MOSSAD FINGERPRINTS ON PARIS ATTACK’s.
    DONALD TRUMP SAYS:”ZOINEST CREATED ISIS,HELERY CREATED ISIS WHITH OBAMA”!!!.true story,recoding.
    DONALD TRUIMP SAY:”OBAMA HE FOUNDED OF ISIS”!!!!!.true story,recoding.




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!