Wasiir Cawad iyo Shirka uu kaga Qayb galayo Dalka Sweden [Warbixin]

Laascaanod  ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo laga furay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh.

Madasha oo sanadle ah, qaban-qaabadeeduna uu leeyahay Machadka Caalamiga ee Stockholm ee Cilmi-baarista Nabadgelyada (SIPRI), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa mowduuca ku saabsan  ‘Ka jawaab celinta dhibaatooyinka si nabadda loo dhiso: ka guul-keenidda wadajirka’.

Madasha oo seddex cisho socon doonta (14-16 May) ayaa Mudane Danjire Axmed Cawad ka jeedin doonaa hadallo dhowr fadhi oo wadatashiga ka mid ah oo ay kala qeybqaadanayaan Wasiirro iyo wakiillo caalami ah oo ay ku fallanqayn doonaan nabad dhisidda, deganaanshaha iyo horrumarka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    KA QAYB GALKA SHIRKA EE SOMALIYA WAXAAN U ARKAA DAN LA’AAN & IN LAGU DHIBCO BADSANAYO.WAX FAA’IIDO AH OO SOMALIYA UGU JIRAANA MA JIRAAN,WHY?LABA AAN ISKU DAN AHAYN WAY ISKU DABA DAASHAA!!!.
    URURKII IDIIN YEERABA U TAGA MACNO AY SAMAYNAYSO MA JIRAAN.SHIRKAASOO KAANA WAQTIBA LAGUMA LUMIYO,
    LAMA GALIYO.




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!