Wararkii ugu dambeeyay Howlgal Ciidamada NISA Ka fuliyeen Muqdisho iyo Dad badan oo lagu Qabtay

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Gaarka ah ee NISA ayaa xalay howlgallo baaritaano ah ka sameeyay xaafado ka mid ah degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo lagu soo qabtay dhalinyaro badan.

Sida wararka sheegayaan, howlgalka oo ahaa mid guri guri ah waxa uu si gaar ah uga dhacay aagga Isbitaalka Soomaali Jarmal oo tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan ay ka dhaceen dhowr weerar oo ay geysteen dhalinyaro bistoolado ku hubeysan oo Shabaab ah.

Ciidamada ayaa howlgalka ku soo qabtay boqolaal dhalinyaro ah, iyagoo dadka qaar kala soo baxay guryohooda, halka kuwo ay ka qabteen iyagoo maqaaxiyo ka cunteynaya, waxaana dhalinta ugu badan ay ahaayeen kuwo gacanta lagu dhigay iyagoo wadada maraya.

Qof kamid ah dadkii baaritaanada lagu qabtay balse markii danbe la sii daayay ayaa sheegay in Ciidamada ay isku shaandheyn dheer kadib hore u kexeysteen labaatameeyo qof oo ay uga shakiyeen iney door ka qaateen falalka amni darro ee degmada ka dhacay.

Degmada Boondheere waxaa maalmihii u danbeeyay lagu dilay laba qof oo midi ahaa nin hore usoo noqday Gudoomiye Kuxigeenkii Amniga iyo Siyaasada Boondheere iyo Wiil dhalinyaro ah oo u shaqeynayay Wasaarada Amaanka Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    SOMALIYEY YAAN BEEN LAYNOO SHEEGIN DAWLADA LAFTEEDAA ALSHABABKA GACAN SAAR LA LEH,WAXAANA KU QASBAY ARINKAAS DAWLADAHA TAAGEERA ALSHABABKA OO AH DAWLADAHA DUNIDAN UGU XOOGA WAAWEYN EE HOR BOODA,FAHAMTU.
    WAXA GAME-ka LAGU CIYAARAYAANA WAA SHACABKA MASAAKINTA AH EE SOMALIYED,I AM SORRY!!!.
    TUSAALE FUDUD:-
    ALSHABAB+CIA+SIS-MI6=ONE.
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    WAA IN MARAYKAN LOO SHEEGAA INTAAS IN KABADAN SOMALI MA QAADI KARTO.
    OGOOW SOMALIYEY KUWA NABADA & NOLOSHA INOO DIIDAN EE INOO DIIDAN INAAN SIDA BINI AADAMKA KALE NABAD UGU NOOLAANO WAA (USA,UK,iwm).
    IYADOO HOOYADAY I DHASHAY ANIGOO XORA,ADOON UMA NOQON KARO MID IGA SII LIITA OO USA,UK AH,INAY IGA LIITAANA AAN KUUSHEEGEE:
    TUSAALE FUDUD:DONALD TRUMP MA YAQAANO WIXII LOO UUMAY & SHAQADA DUNIDAN LOOKEENAY!!,BALSE XOOLAHANA WAA KA LIITAA,LKN MADAX KUSHEEG SOMALIYED OO TUUL AH BAA U LOOGTEY OO UGU WACAN IN SHACABKA SOMALIYED GAME LAGU CIYAARO.I AM SORRY!!.
    KUWA SOMALI HORJOOGAHA KA AH WAXAAN LEENAHAY SHAME ON YOU!!.
    ILA SOCO:-
    WHO REALLY IS ISIS!!!?
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICEB
    ALSHABAB+MI6+CIA=ONE,THEY ARE DEALERS.




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!