Puntland oo Heshiis ku sii daynaysa Maxaabiista kasoo Jeeda Hirshabeelle

Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Hirshabeelle Saciid Cabdullaahi Deni iyo Maxamed Cabdi Waare oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka wada hadlay sii deynta maxaabiis ka soo jeeda deegaannada Hirshabeelle oo ku xir xiray Puntland.

Afhayeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo warbaahinta uga warbixiyay kulanka labada madaxweyne ku dhaxmaray Garoowe ayaa sheegay in Puntland aqbashay sida uu hadalka u dhigay in la sii daayo maxaabiista ka soo jeeda deegaannada Hirshabeelle.

‘’Kulanka labada madaxweyne oo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen Wasiirradda Amniga labada dhinac, waxaa leysku afgartay in la sii daayo maxaabiista Puntland uga xir xiray Hirshabeelle iyo sidii leysaga kaashan lahaa xoojinta Ganacsiga iyo adkeynta Amniga labada dhinac’’ ayuu yiri afhayeenka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Cirro in madaxweyne Waare oo uu heshiis kaa la mid ah uu la saxiixday madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Dhawaan ayeey ahey markii heshiis saddex geesood ah uu ku dhaxmaray magaalada Garoowe madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle kaddib kulankii fashilmay ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 10)

  1. Mr BaHaL says:

    Mr Deni ma kaga baxay saaxiibadiisii hore?

    Markuu luggooyay uu jar kasii tuuray ayuu meel kale iska xaadhxaadhay kkkk

    Waxaan u malaynayaa inuu qandaraas ku soo qaatay sidii uu Kooxdan isku duuban u kala furfurilahaa.

    Lafta Qareen iyo Mr Jiiska Hirshabeele inuu ku xidhay meelo kale.

    Wax kale uma galin Kooxdan uu ku biiray e wax kale ayaa jira.

    Kuma lihi waa sidaa oo ma hubo,laakiin sidaa ayay u badan tahay.

    Dalmida

  2. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Mr Deni wuxuu Barasaab u yahey Labo gobol oo Faqri ah, inuu sidii Faroole iyo Gaas ku sii hayo dudun korkeed waa aqli aan fayoobeyn (Depression )

    Haddii miishaar loo siinyey Maleeshiyo Beeleedka maxaa diidahayo inuu ku Xadreeyo Mowlaca Villa Xamar, joojiyana Guuraha Kuukuuyo.

    – Isbaheysigii Kablalax awalba waxaa mideeyey Cadka rag isku raaco, hadana Cadkii ayaa Kala wadey.

    – Boowe naloo Juuq.

  3. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Hadalkaasi waxaa ka cadhoondoonaa Land of Punt.Imikuu Googleka ka soo eegidoonaa inta ceeleelyo iyo Bosaso isku jiraan.

    Iyo Beero yaryar oo ay ka barteen Eeelaydii ayuu soo sawiridoonaa.

    Dalmida

  4. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Kkkk

    Land of Punt, soo maahan ninkii noo soo sawirey Garden gar oo nin ku talaaley Xidido Moos.

    Waa nimaan Afgooye tagin.

    Eastimo oo diyaaradaha dagaalka ka iibisey America .

  5. Land of Punt says:

    Mr Bahal
    Waxaa ila taliyey nin Jabhad la yiraado ayaa igu yiri: lost case kasoo qaad ninkaan Dabshid..waqtiga gelisay waa hal bacaad lagu lisay..
    Inuu caruur raad weyn yahay u fahmay.
    Ninka ogeyn in Puntland ka taliso Mudug, Sanaag, Nugaal iyo Bari oo qayraad la qiyaasi karin yaalo oo ah Somalia 3 meelood, gobolka ugu daqliga badan gobolada Somalia maanta, dowladda gobolka maamushi..ninkaas maxaan kala doodaa.
    Asagu wax xaqir isleeyahay laakiin wuxuu na tusay nin qabiil maskaxda ka degey yahay..
    Wax jirana macne uguma fadhiso..
    Lost soul, I rest my case.

  6. Mr BaHaL says:

    Land

    Dhulka Somalida Kenya wuxuu 5 jeer ka wayn yahay Dhulka ay deganyihiin Kikuyo iyo Lua,hadana Somalidu waxay marti u tahay dadka Kikuyada ee hantida badan ku haysta Kenya.

    Maxaad Carabkii jilbaha u haysatay hadaad kaligaa noolaankarto.

    Emaaraat,kaama maarano,ha naga tagin,jilbaha ayaan ku haysanaa.

    Waxaa kuu fiican inaad Dabshid jilbaha qabsato intii nin Carab ah jilbaha qabsan lahyd.

    Mise shisheeyaha ayay kuugu baxdaa.

    Waar waa Tolkaaye Jawhar jilbaha qabso inaad nin Carbeed u calaacalayso ee aad meelahaa ka qadhaabayso.

    Dalmida

  7. Land of Punt says:

    Dabshid
    Howlahaaga wado. Puntland waxay tahay ayey tahay, waxna kama dhimi kartid waxna uguma dari kartid.
    Hadaad ku nafisayso wax kasheegooda maxaan kaaga xasdin…
    Ramadan mubarak kulli Maryooley.

  8. Land of Punt says:

    Dabshid
    Hal suaal?
    Militia beeleedka yaa mushaar noo siiyey…?
    Inta aad ka jawaabin, xoogaa ka feker..
    Waayo kulligeen xaalka Somalia waa la soconaa, war orod dalkii tag, meesha London ee cambaarta kugu gashay oo waxba aduun kala socon, mar ka bax.
    Saacaddu waxay kaaga istaagtay 1991-2004…
    Wax ka horeeyey iyo wax ka dambeeyey 5taas sano kama hadashid, adoo Xamar bililiqo dhuuqaya AUN Cabdulahii ciid kaaga shubay….kkkkkk
    Maxaa ka dambeeyey ma ka fekertay.😳

  9. Land of Punt says:

    mr Bahal
    Doqon baa tahay, in wax ii quurin gartay oo in Somalida dhulka Puntland degta wax qabsan karin jeceshahay, laakiin in Dabshid baryo ama Dubai midkood baryo ma fahmin, xoolo ayaa tahay, waayo waxaad isla sintay Dabshid iyo Dubai….
    Dad waalan ayaan la sheekeystaa! kkkkkkkk
    Xoogaa ii sug, inta ka tabaraysanayno, Dubai oo saxare Gobolka Bari 2 jeer ka weyn yahay ah, wax uma ogi….
    Hawsha waa socota in Dubai iyo cid kasta aniga ii baaahdaan…. ma dhul baa taqaan iyo meesha aduunka uga yaalo iyo khayraadka yaala…?
    Dad in sida xoolaha caws loo dhigo astaahila maxaa Somalida ka buuxa….!
    Adiga Dabshid ayaa ku dhaamaa, saas mawqifkiisa waa cad yahay= Qabiilkaan col la ahay…adigu, you are totallt lost.
    Jowhar bari kuye, ma kula tahay in Garoowe iyo Jawhar kala jeclahay ama in jowhar la iga leeyahay aaminsanay? dabaal.👎

  10. NUURKANEDERLAND says:

    HADAY XINIIYO LEEYIHIIN FARMAJO,BIIXI,DENI HA SII DAAYAAN MAXAABIISTA UXIRAN WAXA LOOGU YEERO BURCAD BADEED,WHY? BURCAD MA AHAYN KUWAASI EE WAXAY AHAAYEEN XAARUSUL BAXAR.
    SOMALIYA WAA MASHRUUC NINKII MALE U HAYSTOOWE,
    ILA SOCO:-
    IS ISIS GOOD FOR THE JEWISH(ISRAEL).
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ALSHABAB+CI+SIS-MI6=ONE.THEY ARE DEALER’s.
    HAL QOF HADUU IGA FAA’IIDO GUUL BAAN JOOGAA.




DAAWO: Cawaale aadan oo Bandhig Cajiib ah ku Qabtay Boorame (Video)
- Aug 24, 2019
Boorame [ Kalshaale ] Fannaanka Cawaale aadan oo Bandhig Cajiib ah ku Qabtay ...
DF Soomaaliya oo Midowga Afrika ka diiday Inay kala hadlaan Kiiska Badda
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney ka diiday guddiga midowga ...
Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!