MUUQAAL: Wasiirka Cusub ee Ganacsiga oo Xilka la wareegay, Kana hadlay Arimo muhiim ah

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, iyadoo munaasabadii xil wareejinta ay kasoo qeybgaleen Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guleed, wasiirkii hore wasaaradda ganacsiga ahna wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiiro, xildhibaano iyo shaqaalaha wasaaradda ganacsiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayaa u mahad celiyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha sida ay ugu sharfeen uguna aamineen xilka wasaaradda.

Eng. Cabdullaahi ayaa wasiirka xilka baneeyay ku amaanay howsha adag ee uu wasaaradda ka qabtay mudadii uu xilka haayay, isagoona balan qaaday in meeshii uu ugu tegay horay ugu sii wadi doono, oo dib loo noqon doonin in horay loo socda mooyee, maadaama wasaaraddu ay tahay halbowlaha ganacsiga dalka isla markaana u taagan jaan goynta iyo horumarinta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Wasiirka cusub ayaa sheegay in ganacsiga uu ka mid yahay halbowleyaasha dalka, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!