MUUQAAL: Wasaaradda Gaadiidka iyo Dekedda Muqdisho siday u shaqeeyaan iyo Mahdi Guuleed oo Booqday (Video)

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  ayaa maanta kormeeray wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda iyo dekadda magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Maryam Aways, agaasima waaxeedyada, khuburo kale oo ka howl gala wasaaradda iyo maamulka dekadda Muqdisho.

Kormeerka uu dekadda ku tegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku ayuu ku maray qaybaha kala duwan ee dekadda oo ay kamid tahay qaybta canshuurta dekadda halkaas oo uu kula kulmay maamulka canshuuraha oo uga war bixiyay sida ay howshu u socoto.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka dekadaha, agaasimayaasha iyo maamullada dekadda iyo canshuuraha in ay sii laba jibbaaraan howlaha ay qaranka ugu adeegayaan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    IGU SAWIR KASOO QAAD!!?.




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!