DAAWO: Xukuumadda Somaliland oo Dambiyo Culus ku oogtay Xildhibaan Dhakool, Una Jawaabtay CIRRO !

Hargeisa  ( Kalshaale ) Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Hadal kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo maalintii shalay Dhaliilay  Qaabka loo Xidhay Xildhibaan Dhakool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Gudoomiye Cirro Wuxuu yidhi wuxuu ku xidhan yahay Sharci  Darro, waana Dastuur jebin Jebin,  Waxaan leeyahay  Xildhibaan Dhakool wuxuu ku xidhan yahay Sifo sharciga Waafaqsan, Wuxuuna ku Xadgudbay Jiritaanka  iyo Shaciyadda  Dastuurka Somaliland  ee Xildhibaanka uu ku yahay.”

“Dhakool wuxuu sheegay in 18-May tahay maalin Madow,  Inay tahay maalintii la Qaxiyey Beelaha Darafyadda,  Wuxuu sheegay inay tahay maalin aan Somaliland taariikh u lahayn, Wuxuuna ka been sheegay Shirkii Burco “ Ayuu yidhi Afhayeenka Xukuumadda Muuse Biixi.

Xukuumadda ayaa sheegtay in Qabashada Xildhibaan Dhakool ay tahay mid waajib ah Islamarkaana uu gaystay Gaf-cad,  Wuxuuna Cirro ku dhaliilay  Inay ku taageersan yahay Arintaasi.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Aarka hargaysa says:

    Saliida haloo qiyaaso dhamaan laangaabyada laqixiyay kuye hadaa laguqixin

  2. Hayaan says:

    Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa layligu kasha biyihiisa kujira ayuu ka didaa!!! Way is ogyihiin SNM in aysan meesha wax dowlad la yiraahdo aysan meesha ku hayn ee yihiin 4 Habrood oo uu ku dhacay Cudurka masayrka la yiraahdo, in aysan meesha sharci ku hayn waxaa u dalila maxkamd kusheegoodii ayaa diiday in ay maxkamadayso inan yar Muuse Waraaq usoo dhiibayna wuxuu ku leeyahay waa sharci xadhigiisu, Golihii ay kusheegi jireen Wakiilada Gudoonkoodii ayaa si cad u diiday in ay kala baxaan shaadh beenaadkii awelba SNM u gelisay, hadana Wilkii yaraa Gurigii Moorgan waraaqda looga Soo dhiibay ayaa yiri waa sharci xadhigiisu!!!!

    Labadii hayadood ee SNM ugu sareeyey Iyo Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ku sifeeyey xadhg sharci daro ah Gurigii Moorgan kooxdan hoos hadhsanaysana waxay leeyihiin arimihii qabiilkayaga ayaa wax laga dheegay.

    Laakiin Dhakool waan ku raacsanahay in uu jeelka SNM dhex jiifo waayo Demigii uu dadkiisa ka galay ayaa ku qarxay, inta kale ee la joogtana ha kuguraan jeelkooda ( waa kuwa reer calool ku macaash.

  3. Aarka hargaysa says:

    Hayaan hawaal waalane xarada gal tukoraq miyaad iska iloowdeen sharciga iyo ciqaabtuba anagay nagagodaa ninkaan sidaa kuraali ahayni somaliya ha uguuro dadkale ayaanu sodajinaynaaye

  4. Khaatumo haanoolaatoo says:

    Oday dhakool waxa xidhay xaqdaradi iyo dulmigu ku hayey dadkiisa ilaahayba soqabtay

    O ku saliday jabhada qawlaysatada ah dabinku shzcabkisa u qoolayyey buu isagi

    Ku dhacay halawada xidho kuli horgale dayuus o dhan hora loyiri xaqu hadi afka laqabto

    Feedhuhu ka dilaaca madhowa waa laso hoobanaya horgale dayuus dhiilba ku

    Buuxsamay WBT

  5. Khaatumo haanoolaatoo says:

    Aar Hargaysa
    Adigu hawaal waalane xerada gal waata ragi idoor wagaash ku hayey tukaraq seeftu ku

    Bilaabantay hader waxa ku dhacday seefti jabhada SNM waxa u hadhay seefti shacabkay

    Dhiigoda ku dul nolaayeey sodonka sano hasugi waayina karbaasbhka idoor iyo

    Horgale dayuus ku bilaabma WBT

  6. NUURKANEDERLAND says:

    18MAY REER BUUHOODLE WAXAY U YAQAANAAN MAALINTA KHASHINKA(NADAAFADA).
    OK,S/LAND XARIGA DHAKOOL WAY KU SAXANTAHAY WAAYO?DHAKOOL ISAGOO MIYIR QABA OO ARKA IN SL REER LEEYAHAY MAAMULKA BUU UGALAY,OK,REERNA XEER QABTAA OO DAWLI AHI MA JIRO,
    HASHII AWRKEEDA DIIDAA AWR KALE KU ROORTAA AFARTABA DAB LAGA SAAR WAY ABAAHI SEEGTAA.
    DHAKOOL SHALAY 18 MAY WAA MAALIN QARAN BUU LAHAA RECODING SIDEE UDIIDI KARTAA MAANTA?
    CALI & SAMATARNA MAR HORUU MUUSE XIRI LAHAAYE WUXUU UGA BAQAYAA WAA MARAYKAN.LKN DHAKOOL MARAYKAN MA AHA.




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!