Daawo: Sucuudiga oo Qirtay Duqayntii Xarumaha Shidaalka, Xuutiyiinta oo ka Fuliyey iyo Xiisada Bariga dhexe

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowlada Sacuudiga ayaa qirtay in khasaare kooban ka dhashay mid kamid ah xarumahooda shidaalka laga soo saaro oo ay kooxda Xuuthiyiinta Yemen ku weerareen diyaaradaha yar yar ee drone-ka oo hubeysan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shirkada shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco ayaa sheegtay inay xirtay mid kamid ah dhuumaha shidaalka geeya dekkada magaalada Yanbu ee saaran badda cas, kadib markii uu dab ka dhashay weerarkan loo adeegsaday drone-ka.

Dhinaca Xuuthiyiinta ayaa warbaahintooda ku shaaciyey in 7 drone oo hubeysan ku duqeeyeen xarumaha shidaalka ee Sacuudiga, waxayna sheegeen inay tani jawaab u tahay duqeynta Sacuudiga kasii wado dalka Yemen.

Weerarkan ayaa muujinaya in Xuuthiyiinta ay hada awood u leeyihiin inay duqeeyaan goobaha fog fog ee ku yaal gudaha dalka Sacuudiga halkii xiligii hore ay duqeyntooda diirada saari jireen deegaanada ku dhaw xaduuda Sacuudiga la leeyahay wadanka Yemen.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xili ay xiisadi ka dhex taagan tahay Maraykanka iyo Iran oo lagu eedeeyo inuu taageero kooxda Xuuthiyiinta Yemen iyo weerarkii la sheegay in lagu qaaday Maraakiib Sacuudiga laga leeyahay oo Axadii lasoo dhaafay marayey xeebaha dalka Imaaraadka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. nuurkanederland says:

    SOCOILEGY WELFARE!!!!.
    NO WAR FOR OIL.
    NO WAR GIOPOLITCS.
    WARBAAHINTA SOMALIDU DHALADA WAXA LOOGA SHEEGO AYUUN BAY DIB U AKHRIDAA LKN MA ZAQIIQDA JIRTA MA DARAASEEYAAN MEELO DHEXDHEXAAD AHNA WARKA KAMA RAADIYAAN.
    WEERARKAASI DRONTA AHI MA JIRO(FAKE NEWS) LKN UJEEDDKU WAA XAALAD ABUUR,OK,WEERARKII MARAKIBTA EE UAE LAGU QAADAY WAA (IN SIDE JOB),OK,WAXAANA DHICI DOONA WEERARO KALE OO IN SIDE JOB AH OO IIRAAN & XUUTI MIDNA SHAQO KULAHAYN UJEEDKUNA SACUDIGA & UAE WAA IN AY SOO DEDEJIYAAN WEERAR AY SACUDI,UAE,MARAYKAN,ISRAEL AY KU QAADAAN IIRAAN,WAANA MID XITAA INDHO LA’AAN AAN LAGU GALI KARIN HADEER,WHY? IIRAAN LAMA DHAYALSAN KARO AWOODEEDA,SAAMAYNTA GOBOLKA AYKULEEDAHAY,& HORMOS OO XIRMI DOONA 100% DUNUDUNA SHIIDAAL LA’AAN BAYKU SOO DHACAYSAA,OGOOW HADA MARAYKANA WAA FULAY XAQIIQ TAARIIKHDA INAYNU WAX KA BARANAA WAA MUHIM!!!.
    HA ILAAWIN:-
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISIS MADE IN ISRAEL.SUICIDE PROJECT.
    ISRAEL DID 9/11.
    TRUM SAYS:ZOINEST CREATED ISIS,HELERY CREATED ISIS WHITH OBAMA.




DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...
Prof. Samatar oo Waraysi uga hadlay Kulamadii Isaga iyo Cali Khaliif, Dooda 18-may iyo Arimo Xiiso leh [Muuqaal]
- May 23, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Bixiyey Waraysi dhinacyo badan Taabanaya, waxaana ugu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!