MUUQAAL: Siciid DENI oo Shir Jaraa’id Qabtay Kana hadlay Shirkii Garoowe ee DFS iyo maamulada + Xaalada Puntland

Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka warbixiyey Shirkii Iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada Xubnaha ka ah DFS ee Garoowe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Qodobka ugu xasaasisanaa shirkii wuxuu ahaa in loo baahday in lahelo gole siyaasadeed oo ay rabeen Dowladdaha Xubanaha ka ah DFS, runtiina Madaxweyne Farmaajo wuu qiray arrintaas in dastuurku ogol yahay, muhiimadda shirka waxay ahayd, in laysu yimaaddo, la kulmo, lawada hadlo, laakin wax is afgarad ah majirin, waxaana sabab u ahayd in loo baahday waqti badan”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland.

Sidoo Kale Madaxweyne Deni ayaa xusay waxayaabaha ay isku khilaafsan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubanaha ka ah DFS.

“Dowladdaha xubanaha ka ah DFS. waxay si cad u sheegeen in masiirka dalka loo baahan yahay in talo laga wada yeesho. Xeerka doorashooyinka oo waxyaabaha masiirka ah, runtii wuxuu ahaa wax aan lala socon, oo la rabay in heshiis laga gaaro, waxay ahayd doodaha shirka”.

“Doodda kale waxay ahayd, qeybsiga kheyraadka dalka oo Baatroolku kamid yahay, dalka Soomaaliyeed wuxuu soo maray burbur, dadka Soomaaliyeed waxay ku kala duwan yihiin wax badan, si loo mideeyo ayaa federaalka loo qaatay, si aan mar kale ay naan ugu laaban dhibaatooyinkii dagaallada sokeeye iyo is aaminaad la’aanta”.

Madaxweynaha Puntland Siciid DENI ayaa baaq u diray Madaxda DFS iyo Maamulada Xubnaha ka ah.

“Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS waa kuwo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waa in ay ka shaqeeyaan midnimada ummda Soomaaliyeed, waa in lawada hadlo hadii xataa la kala aragti duwan yahay, waxyaabaha la isku afgaran waayo in dib loo dhigo lagana wada hadlo kuwa aan lagu muran saneen” Ayuu yidhi .

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadkay sababta ay Puntland Iskaashi ula yeelatay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

“Hore waxaan Iskaashi ula lahayn Jubbaland iyo Galmudug, haatanna Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed, waxaan uga faa’iidaysanay in wada shaqeyn lahelo, Hirshabeelle dhaqaale ayaa naga dhexeeya, Koonfur-galbeedna sidoo kale”. Ayuu Yiri Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn wuxuu  u mahadnaqay dhammaan shacabka Puntland, gaar ahaan shakhsiyaadkii ka qayb qaatay soo dhoweynta wafuuddii kala duwanayd ee soo gaaray Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu shacabka ugu baaqay in mar waliba la ilaaliyo jiritaanka iyo nidaamkii Puntland lagu aas aasay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 14)

  1. Dabshid says:

    Sidii Gaas ayuu wajigii kala midab yeeshay asagoon sanad joogin Garowe

    Mala looma sheegin inuusan Saabuun ku qabeysan.

    Maxaas ka kasaa Jeyga Garowe oo Xamar iyo Cambihiisa ka soo wadey.

    War Sida Gaas yeeli jirey safar isku mashquuli

  2. Dabshid says:

    Puntland waxaa loo balan qaadey in miishaar loo siiyo Maleeshiyo beeledka, horeyna waa tii loogu bilaabey Miishaarkii Police degmooyinka.

    Waxaa kaloo loo balan qaadey in loo fasaxo Mashaariix laga xayiray waqtigii Dr Library Mr Gaas.

    Waxaa ayaga la ogoleysiiyey ineysan xilmadhibayaasha soo socdo saxiix loo weydiiney Beel-daaqe baabuur lagu soo qaadey

    Laakiin u codeyn doonaan tiro dad ah oo deeganka laga soo xuley.

    – Boowe naloo juuq

  3. nuurkanederland says:

    SHAME ON YOU!!!!!!!.
    YOU ARE NOTHING=ZERO.

  4. Land of Punt says:

    Deni waa nin siyaasad yaqaan.
    Kuye Jubbaland iyo Galmdug hore ayey arinkeenu meel u yaalay , Hirsheele iyo Koofur Galbeed Xerada federalka lagu hubsanayey.
    Farmaajo iyo Khayre in federalka lugooyada ka daayaan waa lagu qasbay.
    Waxaa HAG iyo dowladooda ku heshiiyeen in duminata federalka ka bilaabaan Galmudug oo ugu tabar yar, South West, Hirshabeele, Jubbaland ka dibna Puntland shaarubaha dhulka loogu xiro….
    Ka dibna Xamar governer galay cagaar sida u magacaabaan… Taas in cidna ka yeelayn oo hore loogu Jabay ma oga wiilashaan yaryar oo qurbaha kasoo yaacay

  5. Land of Punt says:

    Dabshid
    Dabshid
    Weligaa aqligaaga ma ku fekeray in Garoowe Moos diyaarad Xamar ugu dhoofiyo….aqligii wanaagsan inaad webi haysato ka roon….kkkkkkkkkkl
    Watch wadnuhuba kaku istaagee..kkkkkk
    Allow na cafi..Ramadan mubaarak
    https://m.youtube.com/watch?v=hcVnaHzNI0A

  6. Land of Punt says:

    Beeraha Eyl baa beeraha Garoowe ka baqay.kkkkk
    https://m.youtube.com/watch?v=GyBPCycnVB0

  7. Land of Punt says:

    Boosaaso ayaa tiri, car qudaarta aad la wareegaysaan Qardho iisoo dhaafsiiya, anagaba beeraladayneena wax ka gata la..kkkkkkkkk
    https://m.youtube.com/watch?v=l8GqQd0C-uU
    Beeraha Laag ayaa yaabay, Boowe naga yaa naga gadan..kkkk

  8. Land of Punt says:

    Dabshid
    Deni oo dhulwaxwalba lagu beeri karo haysta oo Somali 3 meelood ah, baahida qabi karo maxay tahay haduusan mashaqayste, dhul dad la buuxdhaafayna ahayn, remember.
    Galkacyo-Xamar 721 km
    Galkacyo Caluula 993 km.
    Galkacyo Hargeysa 742 km…
    Lababadood, Badda cas iyo badda Weynta India oo 1680 km ah, maxaa jaago u keenay hadday aqli leeyihiin….
    watch this, is this Saxare…?
    Vivo Dhul Udug..
    https://www.puntlandi.com/?p=10680

  9. Jabhad says:

    Deni waa uu ku dadalay inuu shirka guud ahan miro

    Wanagsan ka soo baxan lakiin siduu shegay wax

    Badan ayaa qabsomay qabyo waa halkeeda waxaa

    Kaloo soo baxay inay jiraan hagardamoyin Wawayn

    Dad is xukumaya iyo dad la xukumayo amisom

    Lacagta sanadkii ku baxda waa imisa yaase bixin

    Doona ileen waa dayn noo taale saad dambad garan

  10. Land of Punt says:

    Dabshid
    Waa in dalkaaga Puntland lagu baro…kkkkkkk
    Aqoon darada kugu qufulan waa in lagaa bixiyo..
    War ma hayside dhulkii Somalia bar, bad iyo beri Bari buu kaa xitaa.
    Puntland in gobolada horboodayso ma af iyo booto keliya tahay ayaad mooday, they have Somerthing, in aad derista ayey ahayd sababta Garoowe loo tago iyo sababta Puntland u atooraynayso…
    Enjoye your country: is this Saxare iyo dudun.
    https://m.youtube.com/watch?v=5A5PT8KYz8Q

  11. Jabhad says:

    Xogaha qaar sida dad isxukumaya iyo dad la xukumayo

    Halisteeda ayey lee dahay iyo arinta amisom war

    Somalay hurdada ka kaca waxaa jira wax badan oo

    Hoos la isugu sheegay war tageera dowlada aad

    Qabyalada ka gudubtaane

  12. Jabhad says:

    Land of punt

    Isaga har dabshid hadaad waqti geliso qoraladisa

    Kama soo haraan lolan beled iyo jalafo boondhere

  13. Ali Zubeer says:

    Doqonnimada Farmaajo iyo Khayre

    Nijaasnimada Axmad Madoobe iyo Xaaf

    Doc wareenka iyo abinta Deni

    Danaysiga/dawarsiga Waare iyo koonfur galbeed

    Yaa markii horeba raja ka qabay

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  14. Ali Zubeer says:

    Doc wareenka iyo dabinta Deni




MUUQAAL: Colaad kasoo Cusboonatay Ceel-afwayn & Waxgaradka Habarjeclo oo si kulul uga hadlay Dilkii (Daawo)
- May 23, 2019
Ceelafwayn ( Kalshaale ) Colaad ayaa mar kale dib uga soo Cusboonaatay deegaanka ...
DAAWO: Nin Doonayey Inuu isku Qarxiyo Culimada Ahlusunnah Oo Nolosha si yaab leh loogu Qabtay
- May 23, 2019
Guriceel ( kalshaale ) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo ...
Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Dagaal Cusub iyo iyo Dhoolatus Cusub
- May 23, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka jubbaland ...
Hargeisa : Wiilkii Calanka lagu xidhay oo Maxkamad lasoo taagay Maanta
- May 23, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii ...
Wargays kasoo baxa Kenya oo Dood Cajiib ka keenay Xiisada Somalia iyo Kenya iyo Uhuru oo Cigaal loo Xidhay
- May 23, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Saaka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!